Sign in to follow this  
Wiilo

C/lahi Yusuf admits he was behind the election of Madobe for SP.

Recommended Posts

Wiilo   

C/llaahi Yuusuf “Aniguu ahaa ninkii ku qalqaaliyay xildhibaanada inay doortaan Aadan madoobe, maxaa yeelay SRRC ayaan isla aheyn, mid Shariif-kii la mid ah haddii aad doorataana waa dhibaato ayaan iri”

 

Somalia_12671064_onlineBild.jpg

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta ka hadlay dhaarintii guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay inuu isagu ka dambeeyey doorashada Sheekha maadaama intii ololaha doorashada ay socotay uu ku war geliyay xildhibaanada kulamo uu la yeeshay inay

doortaan Mr. Madoobe oo uu sheegay inuu ka tirsanaa ururkii SRRC-da.

 

 

Madaxweynaha ayaa xusay in markii uu ku qal qaalinayay xildhibaanada Sheekh Madoobe

inuu maanka ku hayay in Mr. Madoobe uu yahay nin rug cadaa siyaasadeed ah isla

markaana aan madax adkeyn sida uu yiri, isagoo sidoo kalena tibaaxay in uu ka hor

tagayay in guddoomiye loo doorto shaqsi la mid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu

sheegay inuu ku qabsaday howshiisii madaxweyne-nimo, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

“Aniguu ahaa ninkii xildhibaanada ku qal qaaliyay inay doortaan Aadan madoobe, maxaa

yeelay waxaan iskala tirsaneyn ururkii SRRC, horeyna wuxuu ugu soo tartamay xilkan,

oo waa tii laga guuleystay, waxaana is iri mar labaad haddii saaxiibkaa dibir ku

dhacdo armuusan ka soo kici waayaa” ayuu yiri madaxweynaha sii raaciyay “Haddii uu

Aadan madoobe idinku noqdo sida ninkii Shariif ahaa ee idin afduubtay ee anigana

howsheydii duudsaday, haddii tartankaas dambe waxaan filayaa saaxiibada kale ee

maata tartamay ayaa codka siin doonaa” ayuu mar kale yiri Mr. Yuusuf oo soo hadal

qaaday xildhibaano ku sugan magaalada Jabuuti ee xarunta dalka jamhuuriyadda

Jabuuti.

 

“Madaxweynaha dalka Jabuuti waanu is aragnay, waxaaa weydiiyay ma adigaa u yeeray

21-ka xildhibaan ee jooga dalkaaga maya ayuu yiri, waxaan kaloo weydiiyay ma awoodi

kartaa inaad haddii ay meesha sii joogayaan inaad bixiso qarashkooda, maya ayuu igu

yiri, hadde waxaan iri dheg dheer dhimatoo dhulkii waa nabade, maxkamadihii meesha

ka baxeene dalkiina waa amaane imaad, wuxuuna igu yiri waan u sheegayaa inay

dalkoodii ku laabtaan haddii ay iga yeelayaan”.

 

Dhinac kale, madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa xildhibaanada ku booriyay inay ka qeyb

qaataan sidii ay u sal dhigan laheyd caasimadd Muqdisho, lana daayo Wararka la

leeyahay maxkamadihii la hadla oo wadahadal la fura, “Halkeebey joogaan maxkamadaha

waa la ogyahay halkii ay ku dambeeyeen, waan maqlayay habeenadii aan joogay Muqdisho qolyo wax tuur tuuraya, balse ma ogi inay yihiin haraadigii iyo in xildhibaano ka tirsan dowladda ay abaabulayaa” ayuu mar kale yiri.

 

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay garab

istaagaan dowladda isla markaana wasaarada arrimaha dib u heshiisiinta ay qaban

doonto dib u heshiisiin, lana dhameyn doono fadqalaha, “Waxaan idinka codsanayaa

mudanayaal in qof walba uu cafiyo qofka kale gacmahana la is qabsado, lana iska

iloobo wixii hore”.

 

 

Garaad Salaad Xirsi

garaadcadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Wiilo, abaayo, A/Y saying this is akin to Dubya admitting he invaded Iraq for oil. Everyone knows it and when it's uttered, it doesn't even register.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this