Sign in to follow this  
General Duke

Clan Mujahids latest attack kill 6 innocent civilains

Recommended Posts

6 qof oo ku geeriyootay weerar,Kooxaha hubeysani ku qaadeen kolanyo galbinaysay Madaxweynaha Dowlada KMG ah.

 

(Mogadishu, Thursday ,12,June, 2008,(Hornafrik Media)

 

Ugu yaraan 6 ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay ku dhawaad 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii maanta kooxaha hubeysan weerareen kolanyo gaadiidka dagaalka oo u badnaa kuwa ciidamada Nabad ilaalinta Midowga, kuwaas oo galbinayay Madaxweynaha dowlada kmg ah ee soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed oo ka dhoofay Magaalada Muqdisho.

 

Weerarkan oo ahaa mid aad u culus waxa uu ka dhacay wadada Maka Al Mukarama halkaaso ay dhawanahaan fadhiisin ka sameysteen ciidamada itoobiya oo ilaalo gaar ah ka haya wadada.

 

Madaxweynaha dowladda kmg ah ee soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa weerar qorsheysan lagu qaaday xili ay gaadiidka galbinayay marayeen wadada dheere ee Maka Al Mukarama waxana gaadiidkaasi u badnaa kuwa ciidamada nabad ilaalinta Amisom

 

Ku dhawaad 6 ruux oo dhamaantood rayid ah ayaa ku dhintay xaafada taleex kadib markii ay haleeshay rasaastii labada dhinac ay is dhaafsanayeen waxana dhaawaca lagu sheegay in ka badan 13 ruux iyadoo ciidamada Amisom ee Madadweynaha galbinayay ay madaafiic wayn wayn ku jawaabeen.

 

goobjoogayaal ayaa u xaqiiqiyay Idaacada HornAfrik in dagaalka xoogiisu ka dhacay agagaarka saldhiga ciidamada Ugandha ku leeyihiin deegaanka KM4,waxana mar qur ah is qabsaday daryanka hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

Xiliga la wareeray Kolanyada ciidamada Amisom ee galbinayay Madaxweyne Yusuf ayaa wadada Maka Al Mukarama laga xadiday isku socodka dadka iyo gaadiidka waxana kolanyada Madaxweynaha galibinaysay kooxaha hubeysan ku qaadeen weerar gaadmo ah oo loo adeegsaday Baasuukayaal iyo qoryaha Boobayaasha loo yaqaano,lamana oga khasaaraha gaaray ciidamada galbinayay Madaxweynaha iyo kuwa weerarka ku qaaday.

 

Afhayeenka ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee kusugan Magaalada Muqdisho Ba-huka Barigye, ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 4 madaafiic hoobiyaal ah lagu soo tuuray garoonka diyaaradaha caalamiga xili uu Madaxweynaha dowladda kmg ah ee soomaaliya ka dhoofayay,laakin ma uusan sheegin afhayeenku wax khasaare ah oo madaafiicdaasi ka dhashay.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo kooxa diidan siyaasada dowladda kmg ah iyo joogitaanka ciidamada shihseeye,ay weerar dharaar cad ah ku qaadan gaadiid galbinaya Madaxweynaha iyadoo dhawaan mar uu madaxweynuhu aaday dalka Jabuuti weerar nuucaan oo kale ah lagu qaaday.

 

Dhinaca kale waxa degan xaalada deegaano ka mid ah degmada Yaaqshiid Halkaasoo shalay galinkii dambe ay weerar ku qaadeen ciidamada Maxkamadaha islaamiga sida uu sheegay madaxa howlagalada Maxkamadaha C/raxiin Ciisse Caddow.

 

Laba oga khasaaraha kalay gaaray labada dhinac ee ciidamada itoobiya iyo kuwa dowladda kmg ah oo isku dhinac ah iyo xoogaga Maxkamadaha islaamka,iyadoo ciidamada itoobiya shalay galinki dambe ay ku jawaabeen madaafiic badan,inkastoo aan wali la sheegin wax khasaare ah oo ay gaysteen.

 

Weeraradaan qorsheysan ayaa ku soo beegmay xili ay qaar ka mid ah Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda kmg ah ay saxiixeen xabadjoojin.inkastoo aysan muuqan in arrintaani wali hirgashay maadama 30 barri la iclaamiyay inay xabadjoojintu ka hirgasho dalka oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thus they attack, kill civilains then blame and cry its the "occupation" we kill to liberate them and we hide amongst them to help them. We use their children because of Jihad that we call from our safe house in Asamara.

 

Hypocracy, idiocy and utter nonsence.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shilling   

As Arraweelo10 puts it, one of my favorite poster at Hiiraan.com:

 

"...precision and military technical know how is what alshabab youth are lacking, the best weapon they can operate is "hoobiye, hand gr'enade & Pi'stols" you know how Hoobiye blindly falls in to the civilian homes. These kids have been missled and all they got is to throw themselves on daily basis infront of heavy tanks, BM and other weapons. other times using pistols to assassinate Clerics, teachers, tax collectors and other god fearing men/women. Waxaad barataa waa baaskaa."

 

Btw...General, the TFG is truly the last hope Somalia has, so let me be the first to applaud you for educating the ill informed formers here who blindly stand by Aways and Co., men who are known to spread terror on every corner in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^And this is your first post, what a brave young man, welcome to SOL...

 

Remember you shouldn't be misled or intimidated by the naysayers... expect them shortly

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this