Sign in to follow this  
Saalax

“Dadka Aakhirul Licibka Ku Biira Kulmiye Waa Kuwo Xilal Doonaya, Laakiin UCID Kuwa Ku

Recommended Posts

Saalax   

“Dadka Aakhirul Licibka Ku Biira Kulmiye Waa Kuwo Xilal Doonaya, Laakiin UCID Kuwa Ku Soo Biiraa Waa Kuwii Horumarka Jeclaa” Eng. Faysal Cali Waraabe

(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 16, 2010

 

Hargeysa (HWN) Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xukuumadii hore ee ay hogaanka u qabteen mujaahidiintii SNM ay ka dhaqaaqi wayday dadkii dalka u soo halgamay.

 

 

 

Waxa kale oo uu tilmaamay in mujaahid xasan ciise jaamac ka dib markii ay burburtay dawladii ay soo dhiseen uu ka door biday in uu gurigiisa kelidii iskaga noolaado isaga oo diidan in qaabkii ay siyaasiyiintii wakhtigaasi hawlaha u wadeen.

 

 

 

Waxa kale oo uu Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu dadka siyaasiyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ku biirayaa ay yihiin kuwo mansab siyaasadeed iyo xilal doonaya, halka buu yidhi taageeryaasha iyo siyaasiyiinta xisbiga UCID ku soo biirayaa ay ka yihiin kuwo doonaya horumar iyo badhaadhe.

 

 

 

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar galabta la hadlayay taageerayaal iyo masuuliyiin xilal muhiim ah ka hayay xibsiga UDUB oo u dhashay Magaalooyinka Balligubdle iyo degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa oo sheegay in ay ku soo biireen xisbiga UCID.

 

Xafladan oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha xisbiga UCID, guddoomiyaha golaha wakiilada, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga UCID, xoghaha arrimaha gudaha ee xisbiga, guddoomiyaha ololaha heer qaran ee xisbiga UCID, masuuliyiin iyo taageerayaal aad u tiro badan.

 

 

 

Ugu horeyn faysal cali waraabe oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa maanta ii rumawday hadal aan odhan jiray Dadka u dhashay Magaalada Balligubadle iyo Degmada Axmed Dhagax ee ku jira xisbiyada kale in ay yihiin UCID ambatay, waxaanan leeyahay waa ilaahay mahadii mar haddii ay xisbigii UCID dib ugu soo laabteen,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

 

 

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in aanu weligii islahayn rag la mid ah kuwa maanta ku soo biiray xisbigiisa ayaa ku hadhay UDUB, waxaanu yidhi “Waligay ismaan lahayn ragan oo kale ayaa ku jiray xisbiga UDUB, laakiin waxa aan ogaaday in raggii nafta lahaa ay noqdeen wax ay qariyeen xashiishka ka buuxa xisbiga UDUB oo soo dul maray,” ayuu yidhi.

 

 

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu tilmaamay in dawladii ay SNM nasiibka u heshay ay ka dhaqaaqi wayday siyaasiyiintii wakhtigaas ““Maanta maxaa keenay Rayaale, waxa keenay baylah ka timi hogaankii SNM. Maxaa Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Guriga ku xareeyey, waxa uu ku xareeyey oo uu uga gaabsaday, waxa uu arkay qaddiyadii u u dagaalamay oo la khiyaameeyey, waxaana khiyaameeyey Nimankii ay Ilmaadeerka ahaayeen ee ay wada dagaalameen, waana kaas shibta [aamuska] galay. Maanta wax aanu damacnay wixii aad u dagaalanteen ee ahayd caddaalada, xornimada iyo gooni isu taaga inaanu hirgelini ayaanu doonaynaa haddii ilaahay ka dhigo. Maxaynu ku hirgelinaynaa? Waxa aynu ku hirgelinaynaa kelmada ‘Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi,’ kelmadaas ayanu u maraynaa dariiqa toosan.”

 

 

 

 

 

”Dadka ku biiraya xisbiga Kulmiye waa kuwo xilal iyo mansabyo doonaya, laakiin maanta kuwa ku soo biiraya xisbiga UCID, waa dadka intii doonaysay in uu horumar la taaban karo gaadho dalku” ayuu yidhi.

 

 

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay khudbad uu dhawaan madaxweyne rayaale u jeediyay taageerayaashiisa kaas oo uu ku sheegay in ay hada iyaga jeebkoodu buuxo, halka ay xisbiyada mucaaradka ahina ka madhan yihiin, waxaanu guddoomiye faysal tilmaamay in hadalkaasi uu ula mid yahay kii uu hore wasiir xukuumadiisa ka tirsani u sheegay ee ahaa in ay ka dhergeen hantidii umada.

 

 

 

Ugu danbayntiina waxa uu u soo jeediyay shacabka reer Somaliland in ay ka koraan qaabka qabiil ee ay wax ku doonayaan.

 

 

 

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Xoghayaha xidhiidhka gobolada ee Xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo sheegay in ay isaga maanta farxad u tahay mar haddii ay ragg miisaan siyaasadeed ku dhex lahaa xisbiga UDUB ay ku soo biireen xisbiga UCID.

 

 

 

Waxa kale oo uu sheegay in muddo gaaban oo uu joogay dalka uu durba ka hirgeliyay tiroba 16 xafiis, halka ay Toban hore uga jireen, waxaanu tilmaamay in hada 6 xafiis oo uu lahaa xisbiga UDUB ay hada gacanta ku soo dhigeen.

 

 

 

Xoghayuhu waxa uu ugu baaqay dhamaanba taageerayaasha xisbiga UCID in ay meel uga soo wada jeedsadaan sidii uu xisbigu horumar u gaadhi lahaa.

 

 

 

Dhinaca kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyihii hore ee degmada Axmed Dhagax ee Xisbiga UDUB Mawliid Keyse, Maxamed C/laahi (Sumuni) oo ka mid ahaa aasaasayaashi xisbiga UDUB iyo Maxamed Xasan Qayre (Shabaash) oo ka mid ah golaha deegaanka ee balligubadle.

 

 

 

Waxaanay masuuliyiintani tilmaameen in maanta laga bilaabo ay la shaqayn doonaan xisbiga UCID oo ay hada xubno ka yihiin.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee xisbiga siyaasiga ah ee UCID ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay talaabooyin wax ku ool ah hore u qaaday, waxaana ilaa hada si isdaba joog ah ugu soo biiraya taageerayaal iyo masuuliyiin cusub oo xilal ka hayay xukuumada.

 

 

 

 

 

Najax Aadan Cunaaye

 

Hadhwanaagnews/Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this