Sign in to follow this  
djibsomali

THE DEMISE OF SOMALILAND AS AN OTHER BLOCK ARE LEAVING..

Recommended Posts

Qoraal Dheer oo ay soo saarayn Xubnaha Beesha ***** ugu jira Golayaasha Qaranka Somaliland ayay ku sheegayn inaanay sinaba u ogolayn Doorasho lagu galo Diiwaangalinta Codbixiyayaasha ee Muranku ka taagan yahay.

 

Siyaasiga Caanka ah ee Axmed Cabdi Xaabsade oo ku hadlayey Magaca Xubnaha Soo saaray Go'aankan ayaa sheegay inaanay ogolayn Doorasho Deegaankooda (Sool iyo Sanaag Bari) ka dhacda iyadoo buu yidhi aan Diiwaangalin xalal ah laga qaban.

 

Mr Xaabsade wuxu sheegay in deegaanadooda ay seddex cisho oo kali ah Diiwaangalinta laga qabtay iyadoo boqolkiiba Labaatan (20%) kaliya la diiwaangaliyey dadka deegaanka.

 

Wuxu Mr Xaabsade intaa ku daray in Doorashadii hore ay ku waayeen kuraas deegaankoodu lahaa oo ilaa 8 Kuri waayeen Doorashadii Golaha Wakiilada aanay mar dambena yeelayn inay Xaqooda waayaan, wuxuna Sheegay in waxkastoo dhaca ay qaadacayaan in doorasho deegaankooda ka dhacdo.

 

Axmed Cabdi Xaabsade oo la waydiiyey waxay doonayaan mar haday diidayn Doorasho Diiwaangalin lagu galo ayaa sheegay inay ogol yihin taageersan yihina in Doorashada lagu galo Diiwaangalin la'aan balse aanay yarayn in xaqooda lagu qaato Diiwaangalin aan Deegaankoodaba ka dhicin.

 

Mar la waydiiyey Wuxu ku tilmaamayo Diiwaangalintii ka dhacday Laascaanood iyo qaybo ka mid bariga Sanaag wuxu yidhi " Adeer Diiwaangalin kama dhicin deegaankayaga Seddex cisho oo kaliya ayaa la waday cidna lama diiwaangalin, Hadaanu nahay *****ga Somalilandna ma ogolin Doorasho diiwaangalin lagu galo"

 

Hadalka Xaabsade ayaa kusoo beegmaya iyadoo Xaalada Somaliland sii cakirantay oo Golaha Wakiilada Horyaalan Labo Mooshin oo iska soo horjeeda oo midkood la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ka kalana la doonayo in lagaga Takhaluso Shirgudoonka Golaha Wakiilada.

 

Cabdirisaaq Sh. Cilmi Mixile

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this