Sign in to follow this  
General Duke

Sudan to mediate between TFG and Courts...

Recommended Posts

Soomaalida oo lagu casuumay kulan ka dhacaya Sudan

 

Khartuum-20.June.2006 Masuul u hadlay wasaarada arrimaha dibeda ee dalka Sudan ayaa waxaa uu sheegay in kulanka Khamiista inagu soo fool leh uu guddiga

wasiirada Carbeed ee arrimaha Somaliya ku qaban doono magaalada Khartoum lagu casumay hogaamiyasha Somalida sida Madaxweynaha ,ra'isal wasaaraha ,gudoomiyaha barlamanka iyo gudoomiyaha Maxaakimta Islaamiga ah ,waxaana uu sheegay in ayka soo qayb gali doonan shirka.

 

Masuulkani waxaa uu sheegay in kulankan lagaga gorfayn doono xaaladaha ka taagan Somaliya,dhaqan gelinta heshiis xabad joojin ah 'gaarista heshiis nabadeed ooka fogeeya Somaliy colaado hor leh oo qarxa isla markana ka beeldareeya fursadaha gacmaha shisheeye ee faragelinta ku wada Somaliya iyo in loo ogalaado kaalmoyinka bini'adanimo in ay gaaran dadka ku tabaalaysan Somaliya.

 

Waxaa masuulkani uu sheegay in kulamadu ay ka dhici doonana hoolka Al-sadaqa subaxda iyo galabta Khamiista ah ,waxaana ka damayn doona shir jara'id oo ay si wada jir ah u qaban doonan wasiirka arrimaha dibeda ee Sudan Dr.Lam Akul iyo xoghayaha J/carabta Al-sayid Camar Musa.

 

Waxaana kulanka subaxnimada Khamiista ka horayn doona kulan uu madaxweynaha dalka Sudan Gen Cumar AL-bashir uu la yeelan doono hogaamiyasha Somalida .

 

Waxaa masuulkani uu sheegay in wufuudu ay soo gaari doonan Khartoum galabnimada Arbacada.

 

Isla habeenka Khamiistu ay soo galayso waxaa la qaban doona kulan isugu jiri doona casho sharaf iyo wada tashi

 

Guddiga Soomaliya ee hoos yimaada J/carabta ayaa waxaa uu ka kooban yahay dalalka Masar,Aljeriya ,Cuman,Sudan,Yemen,libya,Jibouti,

Tuuisiya,Sucuudiga,Urdun iyo weliba J/carabta

 

 

Faysal Geelle Cumar

SBC Qardho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this