Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab we will attack the capitals of Burundi and uganda

Recommended Posts

Xarrakada Mujaahidiin Al-Shabaab oo sheegtay inay weerarayso caaasimadaha dalalka Burundi iyo Uganda

 

Khamiis, 04 November, 2010 (HOL) − Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta ku hanjabtay inay weerarro ku qaadi doonaan caasimadaha dalalka Burundi iyo Uganda, oo ay ciidammo nabad ilaalin ah ka joogaan Soomaaliya.

 

"Waxaan, kula dardaarmaynaa mujaahidiinta, inay weerarro la beegsadaan Kampala iyo Bujumbura, si looga qaxo, waayo waa mid aan Alle kula ballannay inaan difaacno dadka muslimiinta ah, una aar-gudno, waxaana naga go'an in labadaas magaalo looga qaxo sidii looga qaxay Muqdisho," ayuu yiri madaxa dacwada sheekh Fu'aad Maxamed Qalaf oo soo xirayay tababar odayaal loogu soo gabgabeeyay Muqdisho.

 

Odayaasha tababarka loosoo gabgabeeyay ayaa ku dhawaaqayay erayga (Allaahu Akbar - Allaa weyn), kaasoo u muuqday inay raalli ka yihiin hadalladii uu sheegayay sarkaalka ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

 

"Dagaalka maanta ka socda Muqdisho waa in laga qayb-galo, waayo waa waajib, waana inay culummada ugu horreyso, nin kasta oo ka fadhiya waa faasiq," ayuu sheekh Fu'aad hadalkiisa ku sheegay.

 

Sheekhu, wuxuu sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya, ay yihiin kuwo lagu doonayo in Soomaalida iyo muslimiinta lagu baabi'iyo, isagoo Mareykanka dusha uga tuuray eedda dagaallada, isagoo ku hanjbaya inaysan aqbalayn in la beel-beel la isugu laayo Soomaalida.

 

"Cadowga Alle wax naxariis ah kama helaysaan, haddii gacmaha laga laabto sidaas iyo si ka darran ayay nagu sameynayaan, mana lahan naxariis ee waa inaan ka qaybgalno dagaallada oo aysan gabarna naga harin," ayuu yiri sheekh Fu'aad.

 

Ciidammada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya oo tiradoodu tahay 7,200-askari, ayaa waxay ka socdaan dalalka Burundi iyo Uganda, iyagoo dagaalo kula jira xoogagga Islamaiyiinta ah ee Soomaliya oo wacadka ku maray inay afgambiyaan dowladda.

 

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen, oo isaguna ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa odayaasha ugu baaqay inay dagaallada socda ka qaybgalaan, wuxuuna xusay in dagaalka oo lagu dhinto ay ka wanaagsan tahay in afka laga dagaalamo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this