Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Yaa ka dambeeyey dilkii Gen. Yusuf Axmed Sarinle (Sarreenle)?

Recommended Posts

8621.jpg Bishii Jannaayo ee sannadkii 2005-ta ayaa Gen. Yuusuf Axmed Sarinle lagu dilay gurigiisa oo ku yiil xaafadda Xamar Bile ee magaalada Muqdisho. Jannaraalka oo markaas hayey jaga sare oo weliba markaa soomaaliya u qaabbilsanaa arrimaha Interpol, ayaa soo dhoweeyey fikraddii keenista ciidammo ammaanka Muqdisho suga oo dibedda laga keeno, ciidammadaas oo ay dalbatay dawladdii KMG ahayd ee 2004-tii lagu soo dhisay Imbaghati, Kenya.

 

Wakhtigaa waxa Muqdisho ka talinayey dagaal oogayaal mid walba xaafado goonni ahi u xirnaayeen. Labada nin ee suuraddooda ku aragtaan dhanka bidix waa: Gen. Maxamed Nuur Galaal oo ahaa taliyihii gaashaandhigga ee dawladdii Madaxweynihii hore Cabdiqaasim Salaad Xasan ee markaa jagada madaxnimo hayey si magac u yaalnimo ah. Suuradda kale waa Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo isna markaas ahaa qabqable awood sare ku leh magaalada Muqdisho, imminkana wasiir ka ah dawladda KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif.

 

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa noo sheegay in dilka Gen. Sarile eersaday laba arrimood, 1. wuxu taageeray baaqii dawladdii Cabdullahi Yusuf ku dalbatay in ciidammo ammaanka suga dalka la keeno 2. Isagoo ahaa wakiilka Interpol ee Soomaaliya, jago aad u muhiim ah, oo xogta iyo kiisaska laga galo Muqdisho ku kaydsanaayeen.

 

Markii aannu baaritaan iyo waraysiyo la yeelannay dad u war hayey arrinta dilka jananka, kana gaabsaday inay magacyadooda noo sheegaan, waxay aad isugu raaceen in dilku salka ku hayey Gen. Sarinle oo hayey xogo dembiyada dagaalka ku saabsanaa oo uu ururiyey intii uu jagada Interpol hayey. Sidaa awgeed, dagaal oogayaasha Muqdisho oo markaa ay ka mid ahaayeen Gen. Galaal iyo Col. Qaybdiid, waxay aad uga baqsanaayeen inay sal dhigato dawladdii Cabdullahi Yuusuf, iyagoo weliba ka warwarsanaa in maxkamadayn dhinaca dembiyada dagaalka lagu soo oogi doono. Si haddaba ay arrinta u baabi’yaan waxay go’aansadeen inay khaarajiyaan Gen. Sarreenle, isla markaana baabi’iyaan caddaymihii iyo sirtii u kaydsanayd.

 

Warka BBC World Serve iyo IRIN wakhtigaa shaaciyeen wuxu ahaa in 4 nin oo hubaysani soo jebiyeen albaabka hore ee guriga General Sarile, ka dibna toogteen jananka sagaal jeer si arxan darro ah. Nimankan iyo gaadhiga ay wateen oo loo aqoonsaday inuu Gen. Galaal iska lahaa, ayaa galabnimadii ka horreysey guriga yimi laakiin markaa Gen. Sarinle waa ka maqnaa.

 

Gen. Galaal iyo Col. Qaybdiid labaduba waa nool yihiin oo ifkay saaran yihiin. Dabcan, way isbarrixi karaan, waana sheegi karaan waxa ay ka ogyihiin dilka Gen. Sarinle iyo kuwa kaloo badan. Nooma ay suurta gelin weli inaan labadan sarkaal ka waraysanno eedaymaha loo soo jeediyey.

 

Dilal beegsi ah oo fara badan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho oo kumannaan kiis gaadhaya, lana aqoon sababta iyo cidda ka dambeysey. Haddaba waxan rejeynaynaa inay soo ifbaxaan arrimo badan oo iftiimiya ummad badan oo si arxan darra ah loogu xasuuqay muddadii dagaallada sokeeye ka socdeen Muqdisho.

 

Fadlan haddaad hayso xog ku saabsan arrimaha dilalka khaaska ah, ama kuwa shacabweynaha laga galo la soo xiriir Laasqoray Online-Email: laasqorayonline@gmail.com

 

Riix

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this