Sign in to follow this  
General Duke

Al Shabaab vow revenge

Recommended Posts

Muqdisho: " Mareykanku wax badan ayuu ka ciishoon doonaa falkii shalay" Muqtaar Roobowe Cali.

15. september 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- Afhayeenkii hore ee Xaraku Shabaabul Mujaahidiin Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) ayaa shaaca ka qaaday in ay howlgalkaasi ku Shahiideen, sida uu hadalka udhigayey Saraakiil sare oo ka tirsan Xarakadooda, isagoo sheegay in aysan Mareykanka uga hari doonin talaabadii shalay uu qaaday Maamulka Obama.

 

Afhayeenkii hore wuxuu diiday sheegida magacyada xubnaha sare ee ururkooda uga dhintay, isagoo cadeeyey in ay wadaan baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay falalkaasi, oo uu sheegay in ay aaminsan yihiin in ay jiraan dad Sirdoon u ah dawladdaha Reer galbeedka oo sahlay in uu dhaco falkaasi.

 

Muqtaar Roobow Cali wuxuu sidoo kale cadeeyey in ay sii wadayaan dagaalka ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya, oo uu ku sifeeyey mid ay ku difaacayan Shareecada Islaamka ee suuban, kagana hortagayaan dad badan oo doonaya in ay Soomaaliya gacanta ugaliyaan cadowga Alle.

 

Xarakada Al- Shabaab ayaa si toos ah ugu hanjabtay Mareykanka in ay jawaab culus ka bixin doonaan, wuxuuna cadeeyey in ay ka aarsan doonaan talaabadii ay ku dileen Hogaamiyaal sare oo ka tirsan Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin, oo ay aaminsan tahay Washignton in ay xiriir wanaagsan la leedahay Al- Qaacida.

 

Warar Hoose oo ay heshay Shabakada APL ayaa xaqiijiyey in ay Madaxda Al- Shabaab amar ku bixiyeen in la baaro looga shakiyey arrimahan, isla markaasna talaabo cad laga qaado cidii lugu cadeeyo in ay ka dambeeyaan arrintaasi, waxaana sidoo kale wararku ay sheegayaan in ay Al- Shabab madaxdoodu amar ku bixiyeen in lala dagaalamo diyaarad kasta oo lugu arko hawada deegaanada ay maamulayaan kooxdan.

 

Al- Shabaab ayaa xaqiijiyey in ay ka dhinteen Saraakiil kala duwan, waxa ayna guud ahaan ka gaabsadeen in ay sheegaan magacyada dadka dhintay, isla markaasna ay heleen warar kala duwan oo ku saabsan cidii soo abaabushay arrintan.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Muqtar Robow is delusional. There is nothing he can do against the makeshift Sharif, and he is threatening Obama.

 

Fork your something, kalab!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Wasn't he your favourtie Somali leader?

 

Abu Yusuf- Nabhani Rahimahullah made much for Somalia than you.

 

He has followed the same path as Abu Talha As-sudani rahimahullah

but alhamdulilah we still have Fazul Abdullah hafidahullah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this