Sign in to follow this  
miles-militis

Governor of Carmo – Another man on a mission for the newest district of Somalia

Recommended Posts

This once summer resort for the residents of Bosaso is now the newest district of Somalia for its tranquil climate, rich blend of population, and emerging business venues. May many more follow suit.

 

Best of luck!

 

Ceelkii Degmada Carmo oo Biyo laga gaaray

- Sunday, July 27, 2003 at 22:16

 

Carmo, (Idaacada Midnimo)- Qoditaankii ceelka magaalada Carmo ayaa laga biyo gaaray maalinimadii 25ka Julay, waxaana qoditaanka ceelkan la bilaabay 15-kii Julay 2003-da, iyadoo la qoday 230 mitir oo biyo waafiya lagu gaaray, sidaasna waxaa Idaacada Midnimo u sheegay Gudoomiyaha degmada Carmo Salaad Cali Hogoto.

 

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in ay gacan ka geysteen qoditaanka ceelka dadweynaha magaalada Carmo oo dhaqaale iska ururiyey iyo qaar ka tirsan hay’adaha deeqaha bixiya, wuxuu kaloo sheegay in Maamulka DGPL uu ballan qaaday dhaqaale uu ku taageerayo qodida ceelka welise aan waxba ka soo gaarin.

 

Dhinaca kalena, magaalada Carmo waxaa ka socda horumar dhinacyo badan leh, kuwaasoo ay ka mid yihiin hirgelinta Korontada oo si fiican u socota, dhismaha MCH-ka oo la dhameystiray iyo tababar la siiyey xirfadlayaasha halkaas ka shaqeyn doona, dhismaha saylada ariga , hirgelinta guriga degmada oo la dhameystiray, iyo qorshe dhow oo lagu doonayo in lagu dhiso guriga D/hoose .

 

Guddoomiyaha dehmada Carmo ayaa shaaca ka qaaday in la furi doono dugsiyada Hoose Dhexe 1-da Septembar tanina ay suurto gelineyso in dadku ay ku nagaadaan magaalada xiliga Dayrta ee loo noqon jiray magaalada Boosaaso.

 

Arrintu siday doonto ha ahaatee, qodaalkii ceelka Carmo oo biyo laga gaaray ayaa noqonaysa furaha horumarka magaalada, dadweynaha reer Carmona si aada ayey u soo dhoweeyeen tallaabadaan oo toddobaadyadii la soo dhaafay si weyn looga hadal hayey deegaankaas.

 

Radio Midnimo, Boosaaso, Puntland, Somaliya

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this