Sign in to follow this  
Siciid1986

Jamhuuriya oo Helay Nuqulka Rasmiga ah oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.....

Recommended Posts

Jamhuuriya oo Helay Nuqulka Rasmiga ah oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku Ansixiyey Qorshe Laba Loogu Qaybiyey Xaaladda Ammaanka Somaliland

 

 

“Xoghayaha Guud wuxuu ansixiyey dhaqangalka wax-ka-beddel dhinaca Ammaanka ah oo lagu sameeyey qaybta 1aad ee Jamhuuriyadda Somaliland oo laga raray wejiga 4aad, lagana Dhigay…”

 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

 

New York (Jam)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u ansixiyey go’aan wax-ka-beddel lagu sameeyey heerka ammaanka Somaliland oo loo dallacsiiyey derejada saddexaad, kadib markii UN-ku hore ugu ridday heerka afraad oo ah xaaladda gargaarka degdegga ah mooyee aan barnaamijyo kale oo horumarineed laga qaban karin sababo dhinaca nabadgelyada ah awgood.

 

Digreeto rasmi ah oo uu ku saxeexan yahay Mr. Gregoty B. Starr oo ah wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca ammaanka oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay, waxa Xoghayaha Guud ee UN-ka Mr. Ban Ki-moon uu ku ansixiyey dhaqangalka go’aanka xaaladda ammaanka Somaliland loogu dallacsiiyey derajada saddexaad (Phase3) oo ah xaalad shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo xaasaskooduba ku noolaan karaan, isla markaana laga fulin karo mashaariic horumarineed, haddii aanay duruufo gaar ah iman.

 

Qoraal lagu ansixiyey wax-ka-beddelka heerka ammaanka Somaliland oo 23 September 2010 ka soo baxday xarunta Qaramada Midoobay ee New York, laguna socodsiiyey dhammaan hay’adaha kala duwan ee UN-ka iyo wakiillada Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu ka nuxurkiisu xambaarsan yahay qorshe Qaramada Midoobay xaaladda ammaanka ee Somaliland ugu qaybisay laba qaybood oo kala ah; wejiga 3aad iyo wejiga 4aad.

 

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay oo markii ugu horreysay si cad loogu muujiyey magaca Jamhuuriyadda Somaliland, kuna qornaa afka Ingiriisada oo Jamhuuriya idiin soo tarjumay, waxa uu u dhigan yahay sidan:

 

“Kadib dib-u-qiimayn lagu sameeyey xaaladda ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana lagu saleeyey talo-bixinta madaxda la sharfay, lana tashaday kooxda Maaraynta Ammaanka (Security Management Team), Xoghayaha Guud waxa uu ansixiyey dhaqangalka wax-ka-beddelka dhinaca ammaanka ah ee lagu sameeyey qaybta 1aad ee Jamhuuriyadda Somaliland oo laga raray derejada 4aad, lagana dhigay wejiga 3aad. Qaybta 2aad ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay xaaladeeda ammaanku ahaanaysaa sideedii hore oo ahayd wejiga 4aad.

 

Xaaladaha ammaan ee qaybaha kale ee Soomaaliya waxay ahaanayaan sidoodii hore.”

 

Nuqulka rasmiga ah ee go’aanka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku dallacsiiyey xaaladda ammaanka oo Jamhuuriya helay oo sawiran waa kan:

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this