Sign in to follow this  
MoonLight1

Kismaayo oo qarka u saaran inay umusho.

Recommended Posts

Xiisadda Kismaayo Maxay ku Saleysan Tahay?

 

By Abdirahman Aynte

Washington

29-September-2009

 

 

Is-marin-waaga ka taagan Kismaayo, waa mid marka oogada la eego ay isku hayaan kooxaha fikirka ku kala irdhoobay ee Xizbul-Islam iyo Al-Shabaab. Ha yeeshee marka hoos loo daadago, waxaa soo baxeysa in oohintu ay orgayga ka weyn tahay.

 

Dhinac marka laga fiiriyo, loollanku wuxuu u dhaxeeya Shabaabka, oo Kismaayo u arka qalcad ama xeyndaab aad uga fog cadowgooda Ethiopia, AMISOM iyo DKMG, iyo Xizbul-Islam, oo magaalada u arka mid ay iyagu qabsashadeeda uga mug weynaayeen Shabaabka, mar haddii laba kamid ah saddexda kooxood ee magaalada isla qabsatay Bishii August ee sanadkii hore ay Xizbul-Islam ku biireen.

 

Shabaabka ka sokow, labada kooxood ee kale ayaa kala ah: cutubka Ras Kamboni, oo ah malleeshiyo uu wadaadka la yiraahdo Sh. Xasan Turki muddo dheer kusoo carbinayey keymaha Jubbada Hoose, iyo cutubka Caanoole, oo u badan malleeshiyo jacbur ah, oo kasoo jeeda gobollada bariga iyo waqooyiga Somalia. Labadan cutub-ba waxay isku arkaan inay dhalasho ahaan kasoo jeedaan Kismaayo, maamulkeedana xaq u leeyihiin.

 

Sh. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo ah masuul ka tirsan Ras Kamboni, ayaa sharraxay heshiis saddex-geesood ah oo ay kooxihii Kismaayo wada qabsaday gaareen sanad kahor.

 

Haddii hadalka Sh. Axmed Madoobe uu dhab yahay, Shabaabka waxaa u cuntami weyday in dhinacyadii ay Kismaayo isla qabsadeen ay hadda ku biireen ururka ay baratanka kula jiraan ee Xizbul-Islam.

 

Malleeshiyooyinka Shabaabka iyo kuwa Xizbul-Islam ayaa jid-gooyooyin ka qotay Kismaayo, waxaana jira warar sheegaya in masuuliyiinta ugu sarreysa Shabaabku ay ka aag beddesheen magaalada.

 

Ha yeeshee taa waxaa beeniyey afhayeenka maamulka Shabaabka, Sh. Xasan Yacquub.

 

Kismaayo: Xiisad-u-joog

 

Khilaafyada noocan ah ugub kuma ahan magaalada Kismaayo. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Somalia 19-sano kahor, Kismaayo waxaa isu gacan dhaafay tobaneeyo maamul, nus-darsin dagaal-ooge, isbaheysiyo kabkab ah, qabaa’il is-diiddan, iyo ganacsato dagaal.

 

Ragga soo maamulay Kismaayo waxaa kamid ah: Col. Axmed Cumar Jees, Gen. Aadan Gabyow, Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Morgan), Gen. Max’ed Farax Caydiid, Col. Barre Hiiraale oo garabsanaya ganacsato dagaal.

 

Hoggaamiye kooxeedyadaas waxay ka sinnaayeen sheegashada inay matalaan dadka deegaanka Kismaayo, taas oo magaalada ka dhigeysa mid, sida dharigii fara badiyey u fuud qaraar.

 

'Kheyraadka ayaa lagu dirirayaa'

 

Gen. C/raxman Khalif Dhicis, waa khabiir millatari oo ka tirsanaan jiray ciidankii xoogga dalka Somalia. Wuxuuna muddo dheer ku noolaa, kana soo shaqeeyey magaalada Kismaayo. Wuxuu ka faalloonayaa kheyraadka dabiiciga ah, oo udub-dhexaadka u ah xiisadda.

 

Kheyraadka uu Gen. Dhicis ka sheekeynayo ka sokow, waxaa jira tuhun ah in khilaafka hadda jiraayi uusan ka marneyn midkii beelaha. Waxaana taa astaan u ah cutubyada Ras Kamboni iyo Caanoole oo labaduba sheeganaya inay dhalasho ahaan kasoo jeedaan gobolka.

 

Gen. C/raxman Khalif Dhicis, oo hadda ku nool dalka Canada, ayaan weydiiyey bal inuu isagu dheehan karo humaagga qabiilka ee dhaliyey xiisadda hadda ka taagan Kismaayo.

 

Marka dhan walba laga eego, waxaa muuqaneysa in Kismaayo uu u baryey waa cusub oo xambaarsan saansaan colaadeed, taas oo dhinacey u dhacdaba, aysan u badneyn inay soo afjari doonto xusul-duubka loogu jiro xalaaleysiga iyo xukunka Kismaayo.

 

voasomali.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rasaas xiligaan laga maqlayo Kismaanyo iy Nin rayid ah oo lagu dilay isla magaalada

 

 

Caawa waa habeenkii ugu xumaa muda dhowrsan aah magaalada Kismaanyo waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo marba jiho u dhaceysa taa oo sida muuqata ay lsweydarsanayaa labada koox ee mamaulka isku heysta

 

Arinta ayaa waxaa ugu sii daray hadalo kulul ay isweydasadeen labada xisbi islaam ee ugu tunka weyn xiligaan Soomaliya tanina waxay raja dhigtay Soomalidii ku hanka weyned in islaamiyiinta ka fiican yihiin hogaamiyaashii kooxaha

 

Xiligaan waxaa magaalada lagu dilay shaqsi rayid ah oo aan la garaneynin cida dishay waxaana durba la maqalyaa rasaas jaha walba u dhaceysa oo aan la garaneynin ciday u dhaxeysa waxaana la dhihi kara waa nasiib xumo islaamiyiinta soo wajhaday arintuna waa anaa amiir anta amiir

 

Durba waxa la dareemaya qax soo wajahay dadkii qaxa ku ahaa oo u nabada doontay Kismaanyo kuwaa oo lalayahay meel ay aadaan madaama meel waliba joogaan labada urur diimeyd waxaase la sugayaa erayada ay saxafad isku weydaarsan doonaan ee aan Diinta ku wanagsaneen

 

 

dayniilecom@hotmail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this