Sign in to follow this  
Cowke

UK Former Minister David Miliband Meets Puntland Consulate Officer

Recommended Posts

Cowke   

raage_3.jpg

 

Mudane David Miliband oo qaabilay wafti uu hogaaminayo Mudane Raage

 

Wafti ballaaran oo uu hor kacayo wakiilka Dawlad Goboleedka Puntland ee gobollada Yorkshire ee dalkan Britain Mudane Raage Xaaji Maxamed Raage ayaa maalintii shalay ee ay taariikhdu ahayd 17 June 2010 waxay kulan gaar ah la yeesheen Mudane David Miliband wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee dalkan Britain haddana aad loo dhawrayo in uu ku guulaysto jagada hogaamiyaha cusub ee xisbiga Labourka.

 

Kulankaasi oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin, aqoon yahanno iyo ganacsato ka soo jeeda deegaannada Puntland waxay Mudane David Miliband ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaanna xiriirka iyo iskaashiga soke ee ka dhexeeya dalkan Britain iyo Dawlad Goboleedka Puntland kaasi oo uu Mr. David Miliband aad u soo dhoweeyey sidii loo sii xoojin lahaa.

 

Sidoo kale wuxuu wakiilka Dawlad Goboleedka Puntland ee Yorkshire Mudane Raage aad ugu mahad celiyey Mudane Miliband sida fiican ee uu u qaabilay waftigiisa, kana war bixiyey xasiloonida guud ahaan deegaannada Puntland, nabad jacaylka shacabka reer Puntland, Wuxuuna aad u soo dhoweeyey dhammaan arrimaha kulanka lagu soo qaaday isagoo weliba ku sii nuuxnuuxsaday baahida weyn ee loo qabo helitaanka aragtiyo cusub oo wax ku ool ah kuna saabsan ka hortagga khataraha colaadeed ee geeska Afrika, sugidda amaanka badda cas iyo badweynta Hindia iyo sidii ay beesha caalamku dhab ahaan ugu hagar bixi lahayd badbaadinta iyo samatabixinta Soomaaliya.

Gabagabadii, Kulankaasi oo ku dhamaaday jawi farxad leh, waxay labada mas'uul ku kala tageen sidii loo sii ambaqaadi lahaa arrimaha la isku afgartay kulankan.

 

Mahadsanidiin.

 

Madaxa Xafiiska wakiilka D/G Puntland ee Yorkshire

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this