Sign in to follow this  
Gabbal

Final leg of the Jubbaland peace initiative: Afmadoow.

Recommended Posts

Gabbal   

Wafdi Ballaaran oo uu hogaaminayo Suldaanka Beesha **** ee Goboladda jubboyinka Oo Maanta U Ambaxay Magaaladda Afmadow ee isla Gobolakani Jubbada Hoose

Mar 27,2008

by Kismaayo-GEDO-NN

 

Wafdigani oo isugu jiray Salaadiin, Siyaasiyiin, iyo wax garadkalaba ayaa waxaa hogaaminayay Suldaanka Beesha **** ee Goboladda Jubboyinka Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarow iyo Safiirkii hore ee dowladdii marxuum M Siyaad Bare u fadhin jiray dalka Mareykanka iyo Sacuudiga Mud: Maxamuud Cali Magan. Waxaana sidoo kale wehliyay wax Garad kala duwan oo ka kala socday Golayaasha Dhaqanka iyo Siyaasada ee Beesha ****.

 

Sida uu Gedonet Maanta u xaqiijiyay Afhayeenka Beesha **** ee Goboladda Jubbooyinka Mud: Saxan Maxamed Cali (Xasan–dheere).Wafdigani ayaa Socdaalkiisa Kadanbeeyay casumaad kaga timid Suldaan Cabdi Cali Sokor oo kamid ah Salaadiinta waa Weyn ee Goboladda Jubbooyink. Wuxuuna Sidoo kale Xasan dheere Sheegay in uu Wafdigani Saakay Baxay Waday Hadiyado loo waday Suldaanka isaga casuumay wafdigani Suldaan Cabdi Cali Sokor, taasoo isugu jirto Gaadiid iyo wax yaabaha kale ee hadiyad ahaanta loogu geeyo Salaadiinta iyo Ugaasyada.Wuxuuna Afhayeenku Shaaca ka qaaday in uu Wafdigani gogol xaar u yahay Shirka dib u heshii siinta Beelaha wada dago Goboladani Jubbooyinka.

 

Dhinaca kala waxaa maalmahan danbe ka soconayay magaaladani Kismaanyo kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayeen Masuuliyinta magaalladani Kismaanyo kuwaa oo looga arrinsanayay sidii ay Kismaayo oga qeyb qaadan laheyd Gurmadka iyo Biyo dhaaminta Goboladda Gedo iyo Gal-guduud, kuwaa oo hataan lagu soo Warabayo in uu Xaalka haatan marayo Meeshii ugu Qatarta badnaa, iyadoona lagu soo waramayo in ay Biya la’aan awgeed u geeri yoodeen tira dad ah, isla markaana ay u Lideen kumannaan Xoolaha Nool oo la dhaqda ah. Mana jiran wax hay ada ah oo haatan ka howl galayo Goboladani marka loo Eego Baaxada ay Baahida mareyso.

 

Si kastaba ha ahaatee wadaad moodaa in laga daahay Gurmadka Goboladani oo iminka marayo meeshii ugu Xumeyd, Xili ay dad dowr ah Biya la’aan iyo Shuban is biirsaday ugu Dhinteen dhulka Diirharaha loo yaqaan oo ah dhulka baaxad ahaan ugu Weyn G/Gedo.

 

Wali Sh Cabdi Gurxan

Gedo News Network

Kismaanyo J/hoose Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wafti maanta ka ambabaxay magaalada Kismaayo oo aaday degmada Afmadow

 

Xubno wafti oo isugu jira siyaasiyiin iyo hoggaamiye dhaqameed ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Kismaayo, kuwaasoo u kicitimay degmada Afmadow ee gobolkan J/hoose, halkaasoo la sheegay in ay kaga qeybgali doonaan kulan nabadeed ka dhacaya oo ay yeelanayaan laba kamid ah beelaha dega gobolada Jubbooyinka.

 

 

Xubnahan oo ka kooban 8 xubnood ayaa waxaa hoggaaminaya suldaanka beesha **** ee gobolka J/hoose Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarow, waxaana socdaalka qeyb ka ah Maxamuud Cali Magan oo ahaan jiray safiir, Col: Ismaaciil Haaruun, Xayle Cabdi Faarax, Nabdoon Cabdi Warsame Gurux, Nabdoon Cali Diirshe Danan, Bille Cabdille Cabdi iyo xubno kale. Ujeedada safarkooda Afmadow ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto arrimo dib u heshiisiineed iyo qorshaha barnaamijka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ee Jubbaland State.

 

 

Afhayeenka beesha **** ee gobolka J/hoose Xasan Maxamed Cali (Dheere) oo warbaahinta la hadlay kadib markii ay baxeen waftiga ayaa sheegay in ay martiqaad rasmi ah ka heleen Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo ah suldaanka beesha ****** ee gobolka J/hoose, islamarkaana buu yiri ay kala soo hadli doonaan sidii loo nabadeyn lahaa beelaha ishaya, looguna sii gudbi lahaa sees u qotominta maamulka goboleedka Jubbaland oo ah arrin si aad ah looga hadal hayo halkan.

 

 

Marka ugu horeysay oo ay gaaraan degmada Afmadow waftigan oo 6 kamid ah ka soo jeeda beesha **** ayaa la filayaa in ay kulan gaar ah oo gogol xaar u noqan doona shirka nabadeynta la yeeshaan Suldaan Cabdi Cali Sonkor, ayna ka wada manaaqashoodaan sida loo heshiin kara, iyadoo rajo buuran laga bixinayo in khilaafka labada beelood ee hadda ku madlan Afmadow la dhameeyo.

 

 

Waa safarkii ugu horeeyey oo ay xubno wafti tiradooda intaasi la’eg tahay, isku beelna ah islamarkaana u socda howl nabad raadin ah ay ugu baqoolaan Afmadow inka badan 10 sano, waxaana beelahan ay yihiin kuwa u dhexeeya khilaaf in muddo ah raagay..

 

 

 

 

Maxamed Xaashi Tawakal,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this