Sign in to follow this  
Maaddeey

Shabaab oo fariisimo cusub la wareegay 'Muqdisho'

Recommended Posts

Maaddeey   

Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay Dagaaladii ka dhacay Muqdisho.

By Somalimirror on 21 May, 2010 3:33 PM in Main, Wararka

 

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Guulo ka sheegatay Dagaalo Saaka ilaa Xalay ka socday Degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee Magaalada Muqdisho iyagoona Shaaciyey inay lawareegeen Isgoyska Maanabooliyo iyo gurigii Habar Khadiijo.

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’ud Raage Sh Cali dheere oo Saxaafada Shir jaraa’id u qabtay ayaa Sheegay inay Burburiyeen dhamaan Difaacyadii uyiil Askarta DKMG ayna lawareegeen gacankuheynta Isgoyska Maanabooliyo, Xaafada Nasiibuundo iyo Gurigii Habar Khadiijo.

 

Sh Cali Dheere oo arinkaa ka hadlaya ayaa yiri:“Murtadiintii Calooshood u shaqeystayaasha ahaa ee Gaalada Kirishtanka Difaaca u ahaa ee darbiga u ahaa in lajiiro ayuu Ilaahey S.W Mujaahidiinta u sahlay inay dhufeysyadoodii lawareegaan, saacadan lajoogo Mujaahidiintu waxay ku suganyihiin Isgoyskii Maanabooliyo iyo gurigii Khadiijo iyo soonaha ku dhawdhaw oo dhan”.

 

Ciidamada DKMG ah ayuu ugu baaqay Cali dheere inay lafahooda badbaadsadaan kana dhexbaxaan iyaga iyo AMISOM isagoo leh:“waxan ugu baaqeynaa kuwa Calooshood u shaqeystayaasha ah Mujaahidiinta inay diinta koryeesho rabta iyo gaalada Kirishtanka ah dhexdooda kabaxa waxaan leenahay naftiina u tura”.

 

Dhanka kale Gudoomiyah Degmada Shibis u qaabilsan DKMG ayaa qirtay in Ciidamada Al-Shabaab Dagaalka ku qabsadeen goobo Cusub wuxuuse tibaaxay inay iska difaaceen isla markaana ay jiraan Qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo dhankooda soo gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo dagaal kula wareegay fariisimo ay maleeshiyaadka DKMG ku lahaayeen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Friday, 21 May 2010 06:23 administrator Dagaallo culus oo u dhexeeya Ciidama Mujaahidiinta iyo maleeshiyaad ka tirsan DKMG ah ayaa xalay ilaa iyo saaka ka socdo xaafado ka tirsan degmada Shibis ee Bariga magaalada Muqdisho oo muddo sanad ah dagaallo ka socdaan. Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa goordhaw SomaliMeMo u xaqiijiyey in dagaallo xalay saqdii dhexe bilaawday ay guulo waaweyn kacsoo hooyeen ciidanka Xarakada oo alle kaalmaysanaya waxaana jira Jab lixaad leh oo soo gaaray maleeshiyada DKMG ah.

 

 

Meelaha sida daran loogu dagaalamay ayaa waxaa ka mid ah xarunta degmada Shibis Isgoyska Nasiib Buundo oo dhamaantood ka wadatirsan degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, Guutooyin caaboon oo ka tirsan Ciidamada Shababbaabul Mujaahidiin ayaa jiiray difaacyadii maleeshiyaadka DKMG ah waxayna lawareegeen xarunta degmada Shibis iyo Jid cadayaal dhowr ah oo ay maleeshiyaadka DKMG ah ku sugnaayeen.

 

 

Saraakiisha hogaaminaysa dagaalka ayaa waxay noo xaqiijiyeen in hubkii ugu faraha badnaa ay ka heleen xarunta degmada Shibis oo talis ciidan u ahayd maleeshiyaadka DKMG ah, waxaa jira khasaara aad u daran oo soo gaaray maleeshiyaadka DKMG ah waloow aan weli tira koob laga hayn.

 

 

Weerarkan oo ahaa mid qorshaysan ayey Xoogaga Mujaahidiintu qaadeen ka dib markii ay ka war heleen in DKMG ah ay shalay gelinkii dambe ciidan cusub keentay Shibis xalay saqdii dhexana waa lala kacay dhamaanbka maleeshiyadii Jabuuti lagu soo tababaray oo laga dhigay mid dhinta mid dhaawacma iyo mid carara.

 

 

Dhalinyarada Mujaahidiinta ah ayaa saaka ku sugan dhamaanba fariisimadii ay ku jireen maleeshiyaadkii lagu soo Tababaray Jabuuti, xaaladda ayaa hadda yara degan waxaase lamaqlayaa hugunka Madaafiic ay Ciidanka AMISOM ku garaacayaan deegaanada dhaca Bariga Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this