Sign in to follow this  
Haatu

-----Ajaaniib lagu qabtey jiida hore ee dagaalka-----

Recommended Posts

Haatu   

Afar Sarkaal oo saacadahii ugu badnaa dagaalamayay Degmadda Maamulka Kaaraan ayaa gacanta lagu dhigay iyagoo nool,waxaana goobta afarta dagaalyahan lagu qabtay yiilay 11 nin oo ka mida ajnabiyiinta Al-Qaeda.

 

Taliska boliiska Soomaaliyeed ayaa Waagacusub u sheegay in afarta Sarkaal ee la qabtay loo bandhigayo Saxaafadda.

 

Ciidamadda dowladda ee ay kala hogaaminayaan Cabdi Qaybdiid,Salaad Cali Jeelle iyo Yusuf Indhacadde ayaa iskugu tegay Buurta Diikoow,ka gadaal markii ay cagta mariyeen Aagagii Keysaneey iyo Kaaraan oo ay ku galeen dagaal qaraar.

 

Ciidamo uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee gobolka Banadir Cabdi Fitaax Shaaweey ayaa ka dagaalamaya Suuqa Cirtoogte ee Huriwaa,waxaana la sheegay inay bartilmaameedsanayaa n Warshadda baastadda.

 

Dowladda KMG waxay qaaday tilaabadii ugu horeysay ee dagaal,waxaana Mogadishu laga dareemayaa taageerada baaxad weyn oo shacabka kula safan yihiin dagaalyahanada dowladda Somalia.

 

Kulan deg dega oo ay yeesheen golaha wasiiradda Xukumadda Somalia ayey dalka ku geliyeen xaalad deg dega oo beesha Caalamka ay ku weeydiisteen gurmad ciidan si Qaranimada Somalia loo badbaadiyo.

 

www.waagacusub.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this