Sign in to follow this  
MoonLight1

Car iinka naqbo.

Recommended Posts

Xisbu Islaam oo ku dhaaratay hadii weerar kale lagu soo qaado Axmed Madoobe ay mowqif cad qaadan doonaan

 

Inkastoo wali mowqif mideysan aanay ka qaadan Hogaanka Xisbul Islaam dagaaladii shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee hilfaha loogu qaaday Axmed Madoobe ayaa hadana Saraakiisha Xisbul Islaam ay ku hanjabeen in hadii mar dambe uu dhaco weerar kale ay mowqif cad qaadan doonaan.

 

Sheekh Maxamed Macalin Cali oo ka mid ah Saraakiisha Xisbul Islaam ahna Xogyahaha Xafiiska Warfaafinta ee Maamulka Xisbul Islaam u qaabilsan Gobolka Banaadir ayaa shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu mar kale ku celiyay dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe uu ku tilmaamay mid lagu soo qaaday Xisbul Islaam.

 

Waxaa uu uga digay Xarakada Alshabaab in ay joojiyaan dagaalada ay ku qaadayaan sida uu sheegay goobaha ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiinta Xisbul Islaam, waxaana uu sheegay in Mowqifka Xisbul Islaam uu yahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka balse ay mowqif qaadan doonaan hadii weerar danbe uu dhaco sida uu hadalka u dhigay.

 

Hadalka Xoghayaha Xafiiska warfaafinta ee Maamulka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin Cali ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose ay isku fara saareen Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab iyo Ciidamo uu hogaaminayay Sheekh Axmed Madoobe oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Ururuka Xisbul Islaam, kaasoo laga awood roonaaday.

 

jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xisbu Islaam oo ku dhaaratay hadii weerar kale lagu soo qaado Axmed Madoobe ay mowqif cad qaadan doonaan

This reminds of of Af MaayMaay saying "Car iinka naqbo" which means "come on do it again and I will.." :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this