Sign in to follow this  
miles-militis

Somaliland VP dismissed unconditional negotiations with Kulmiye

Recommended Posts

Madaxtooyada Somaliland oo Beenisay in ay Oggalaadeen Wada-hadal bilaa Shuruud ah in ay la Yeeshaan Xisbiga KULMIYE

 

 

Hargeysa (Jam)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa beeniyey in madaxweyne Daahir Rayaale kaahin ogolaaday, wada hadal bilaa shuruud ah inuu la yeesho hoggaanka sare ee xisiga KULMIYE, si loo soo afjaro khilaafka ka dhashay natiijadii doorashada madaxtinimada ee ka dhex aloosmay labada xisbi ee KULMIYE, iyo UDUB.

 

Madaxweyne ku xigeen Yaasiin oo daba joogay bayaan ururka suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), ka soo saareen hawlo samadoonimo oo ay ku dhexdhexaadinayeen labada dhinac kaas oo ay ku sheegeen in madaxweyne Rayaale iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ka ogolaadeen qodobo uu ka mid ahaa inay isku soo horfadhiistaan kulan aan shuruudi ku xidhnayn, si xal looga gaadho khilaafka ka dhex oogan labada xisbi, ayaa waxa madaxweyne ku xigeenku shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa ku sheegay in aanay waxba ka jirin hadalkaa SOLJA ku sheegay in labada hoggaamiye si bilaa shuruud ah isku soo horfadhiisan doonaan. “Mawqifka madaxweyne Rayaale sida aynu ka warqabno, waxa weeye inuu la kulmo cid walba oo danaynaysa qaranimada Somaliland”, ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku, waxaanu intaa raaciyey, “Hasayeeshee hoggaanka KULMIYE, baaqiisii u dambeeyey wuxuu ku duudsiyey hay’adihii sharciga oo dhan iyo jiritaankii Qaranimada Somaliland, sida Distoorka iyo maxkamadda sare. Sidaa darteed waxa xisbiga KULMIYE, madaxweynuhu la kulmi karaa marka uu aqoonsado sharciyada dalka iyo natiijadii kama dambaysta ahayd ee doorashadii madaxtooyada”. madaxweynu kuxigeenku waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweyne Rayaale ay u yimaadeen ururka Suxufiyiinta Somaliland iyo qayb ka mid ah Salaadiinta Somaliland maalintii Arbacadii oo ay u sheegeen inay soo arkeen hoggaankii xisbiga KULMIYE, oo ay ku soo qanciyeen in ay wax ka bedelaan bayaankoodii hore oo uu madaxweyne ku xigeenku ku tilmaamay inuu ka soo horjeedo oo uu dafirsanaa jiritaanka sharciyadaha dawliga ah. “Markaa waxa ay nagu yidhaahdeen SOLJA iyo Suldaanaduba waxay wada hadaladu furmayaan marka uu soo baxo bayaanka uu KULMIYE, ku bedelo mawqifkiisii hore”.

 

Markaa ka dib waxa uu sheegay Md. Yaasiin in SOLJA iyo Salaadiintiiba u wada tageen madaxweyne Rayaale. markaas oo ay u faahfaahiyeen qorshihii ay la socdeen labada qolaba isla markaana ay ka dalbadeen xukuumadda wixii daacayad iyo borobogaando ah ee warbaahinta la isaga gudbinayo la hakiyo, inta uu xisbiga KULMIYE, soo saarayo bayaanka uu wax kaga bedelayo mawqifkisii hore. “Markaa wixii ka dambeeyana wada hadal furmo” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku. Hasayeeshee waxa uu sheegay madaxweyne ku xigeenku markii ay wargeyska Jamhuuriya ku arkeen in madaxweyne Rayaale uu ogolaaday in wada hadalo bilaa shuruud ah ay isku horfadhiistaan xisbiga KULMIYE, “Waxa aanu filaynay in aanu saaka[shalay] wargeysyada ku aragno bayaanadii KULMIYE, sidii ballanku ahaa ka dibna wada hadal furmo, laakiin tan Jamhuuriya ku soo baxday maanaan filayn, wada hadal bilaa shuruud ahina waxaanu u aragnaa inuu yahay waxba ma jiraan” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku hadalkiisii, isaga oo sheegay in imikana mawqifka xukuumaddu yahay sidii ay hore u caddaysay in wada hadal furmaa ku xidhan yahay KULMIYE, oo wax ka bedela mawqifkii hore uu u baahiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Here's the request that the Somaliland Govt made before talks can start.Some of the issues that some of you raise are what Somalis would call "HAL BACAAD LAGU LISAY"

 

Axmed Siilaanyo oo Tafaasiil ka bixiyey bayaankii uu xisbigiisu hore u soo saaray.

 

Hargeysa..Somaliland. May 30th '03...SNN

...Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa soo saaray war cad oo uu ku faahfaahinayo, bayaan uu Axaddii la soo dhaafay ku caddeyeey mawqifka rasmiga ah ee uu ka taaganyahay goaankii maxkamadda sare ee natiijadii doorashada madaxtooyada Somaliland iyo sidii loo heli lahaa xal lagu furdaamiyo murugga ka dhashay khilaafkii natiijada.

 

Bayaankaas oo uu KULMIYE, ku sheegay inaanu weli ku qanacsanayn natiijadii doorashada oo uu sheegay inay xaq darro ku goaamisay maxkamadda sare isla markaana ay ku caddeeyeen in dhinacyadaa arrintu khusaysaa wada hadal isku soo fadhiistaan iyada oo aan dhinacna wax gaar ah sidan, ayaa waxa hadalada ku qornaa bayaankaas ka biyo diiday xukuumadda iyo xisbiga UDUB, iyo shirguddoonka labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, kuwaas oo ku tilmaamay in bayaankaas KULMIYE, uu ka horyimid shuruucda dalka iyo hayaddah Distooriga ah ee Qaranka, isla markaana ay xuseen in mawqifka KULMIYE, u muuqdo Somaliland ma jirto.

 

sidaa daraadeedna, xukuumadda, xisbiga UDUB iyo dhinacyada kale ee ka biyo diiday bayaanka xambaarsanaa mawqifka xisbiga KULMIYE, waxa ay jawaabahooda gun dhiga uga dhigeen in xisbiga KULMIYE, uu ka noqdo mawqifkiisa uu ku diiday natiijadii doorashada oo uu ogolaado goaankii maxkamadda sare ee natiijada doorashada aqoonsadana hayadaha sharciga ee dalka ka jira, markaa ka dib uu iman karo wada hadal dhex mara xukuumadda.

 

Haddaba guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay soo saaray warcad oo uu ku faahfaahinayo mawqifka rasmiga ah ee xisbigiisa kaas oo uu ku sheegay in turjumaad khalad ah laga bixiyey bayaankii uu xisbigu hore ugu caddeeyey mawqifkiisa. Dhawaan waxa ka soo baxay xisbiga KULMIYE, bayaan halka uu ka taaganyahay natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 14 April 2003. Bayaankaas wuxuu ka waramayay sidii xisbiga KULMIYE u arkayay dhacdooyinkii doorashooyinka loo maamulay iyo qaabkii xukunka maxkamaddu u soo baxay.

 

Marka ugu horaysa waxaanu halkan ka cadaynaynaa shacbiga reer Somaliland inuu si hagar laaan ah ugu soo baxay waajibaakdiisii doorashada waxaan jecelahay in halkan mahad naq aan uga soo jeediyo shacbiga Somaliland khaas ahaan taageerayaashii xisbiga KULMIYE, u codeeyey. Bayaanka hore waxaanu ku cadaynay iyo hadalo badan oo ka horeeyeyba in aan marnaba lanaga filan Karin wax dhibaato u keenay dadka Somaliland, balse aanu nahay kuwo cid walba uga lexejeclo badan dalka jiritaankiisa iyo nabad gelyadiisa, horumarintiisa iyo wada jirkiisaba.

 

Waxaase jirta in qaabkii natiijada loogu dhawaaqay in aanaan ku qancin goaankii maxkamaddaa aanaan u arkayn mid cadaalad ku fadhiya. Haddaba iyada oo ay sidaasi jirto ayaanu baaq soo saarnay, kaas oo muhiimadiisu ahayd iyada oo danta dalka la eegayo in wada hadal la iskugu yimaado si daawo loogu helo dhibaatooyinka arrintaa ku saabsan ee taagan.

 

Waxaa laga yaabaa in erayaasha qaarkood si kale loo fasiray balse, waxaanu cadaynaynaa in aanaan hayadaha Qaranka ee Dastuuriga ah jiritaankooda sida Madaxtooyada, Goleyaasha, iyo Maxkamadda, aanaan diidanayn, balse waxqabadkooda wax ka sheegi karno. Waxaanu diyaar u nahay imikana dhinacayaga in wada hadal bilaa shuruud ah la iskugu yimaado anaga oo aqbalnay dhexdhexaadinta ay isku soo xilqaameen ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), culimada iyo Salaadiinta waanu uga mahad celinaynaa.[/i]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this