Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEO: Shacabka SSC oo Kacdoon Sameeyey, Dad Ku Dhintay, iyo Dad Lagu Xidhxidhay

Recommended Posts

Liibaan   

 

banaanbax_isbedelka_main.jpg

 

Somalidiidka Oo Xabsiyada Kabuuxisay Dad Aan Waxba Galabsan

 

{lascaanood}7-02-10 Dad degaanka ah ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay xidhxidheen dad ku dhow 8 ruux kuwaasi oo laga qabtay goobo ganacsi, hotelo iyo guryo ku yaalla magaalada, sidoo kale waxaa iyana xabsiyada ku jira oo laxidhay shalay macalimiin gaadhaysa toboneeyo oo ay ciidanku qabteen xili ay ku guda jireen goobaha waxbarashada waxaana dadkaasi looga shakiyey inay wax ka ogaayeen qaraxyada ka dhacaya magaalada oo kii ugu dambeeyey habeen hore uu dhacay.

 

 

Booliska maamulka Labaxay Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa wada baadhitaano xoogan oo laga sameynayo gudaha magaalada ka dib markii qarax miino oo ismiidaamin ah uu ka dhacay badhtamaha magaalada.

 

Saraakiil ka tirsan booliska ayaa sheegay in baadhitaanada socda looga dan leeyahay sugida amaanka iyo in sidoo kale lagu ogaado qaraxii miino ee habeen hore gilgilay magaalada. Qaraxaasi oo xillii fiid ah ka dhacay badhtamaha magaalada.

 

Warar ka soo baxaya qaraxii habeen hore ayaa sheegaya in hal ruux uu ku geeriyooday 4 kalena ku dhaawacmeen qaraxaasi.

 

Dad degaanka ah ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay xidhxidheen dad ku dhow 8 ruux kuwaasi oo laga qabtay goobo ganacsi, hotelo iyo guryo ku yaalla magaalada, sidoo kale waxaa iyana xabsiyada ku jira oo laxidhay shalay macalimiin gaadhaysa toboneeyo oo ay ciidanku qabteen xili ay ku guda jireen goobaha waxbarashada waxaana dadkaasi looga shakiyey inay wax ka ogaayeen qaraxyada ka dhacaya magaalada oo kii ugu dambeeyey habeen hore uu dhacay.

 

Dhinaca kale waxaa kulamo ku saabsan amaanka uu u socdaa saraakiisha amaanka, kuwa maamulka gobolka iyo wasiiro ka socda maamulka labaxay Somaliland oo hadda ku sugan magaalada Laascaanood.

 

Waxaa ka mid ah wasiirada jooga Laascaanood wasiirka arimaha gudaha C/aahi Ismaaciil Cirro iyo xubno kale oo degaan ahaan ka soo jeeda degaanka gobolka Sool.

 

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa ahayd mid aan deganeyn dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay iyadoo ay magaalada ka dheceen qaraxyo iyo dilal lagu badhtilmaameedsaday xubno ka mid ah saraakiisha Somaliland ee ku sugan magaalada.

 

Widhwidh Online

 

 

Laascaanood oo dadna ku dhintay, dadna lagu xidhxidhay

 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Soomaalidiidku ay maanta baadhitaan aad u ba’an ka fuliyeen gebi ahaanba magaalada Laas Caanood. Baadhitaankaa ayaa waxaa sida wararku sheegayaan lagu qab qabtay dad aad u fara badan oo ay ka mid yihiin dad culimo ah iyo macalimiintii dhigaysay malcaamadaha ama dugsiyda quraanka ee magaalada oo dhan.

 

Wararka kale ee magaalada ka imanayaa waxay kala oo shegayaan in saaka subaxnimadii gawaadhida ciidanka ee maamulka Soomaalidiidka ah ay dileen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

 

Inta la hubo gaadhiyada cidamada waxaa la jiidhsiiyey laba qof oo sida wararku sheegayaan u diyaar garoobayey furitaanka goob ay meceeshada ku iibin jireen.

 

Baadhitaanka iyo tacadiga ciidamada Soomaalidiidka ah ay ka bilaabeen magaalada Laas Caanood ayaa waxaa loo aanaynayaa qaraxyadii dhawaan magaalada ka dhacay. Qaraxii ugu danbeeyayna waxa uu ka dhacay meel aan ka fogayn Hotelka la yidhaahdo Xamdi oo ay hada ku suganyahiin horgalayaasha maamulka Hargeysa.

 

Qaraxaana sida la xaqiijiyey waxaa geystay oo uu ku cadaaday nin ka soo jeeda maamulka Soomaalidiidka ah una dhashay galbeedka magaalada Burco loona malaynayo in uu ka tirsanaa ciidamada magaalada Laascaanood xooga ku haysta.

 

Xaaladu si kastaba ha ahaatee waxaa hubaal ah in maanta magaalada Laas Caanood iyo dadka ku sugani ay soo wajahaday ama fooda la galeen marxalada aad iyo aad u xun oo aan hore ula soo dersin, xalinteeduna u baahan tahay maal, muruq iyo maskax midaysan oo ay la yimaadaan dadka u dhashay gobolada SSC ee lagu soo duulay.

 

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

snm.jpg

 

Rabshado lagaga soo horjeedo maamulka Hargeysa oo hada ka socoda Laascaanood

 

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka taagan rabshado iyo qas lagaga soo horjeedo maamulka Soomaalidiidka ah kadib markii saaka ciidamad maamulkaasi ay xabsiga u taxaabeen dad aad u fara badan oo ay ka mid yihiin macalimiintii dugsi quraanka wax ka dhigi jirtay.

 

Waxaa hada magaalada dhexdeeda laga maqlayaa rasaas aad u fara badan, waxaana wadooyinka magaalada dhexdeeda ah lagu gubayaa tayiro iyo waxyaabo badan oo qiiqaya. Waxaa kale oo sida lagu soo waramayo shicibkii magaaladu dhisayaan kaabado laga dhex qotominayo wadada laamiga ah dhexdeeda si loo hakiyo dhaqdhaqaaqa ciidamada Soomaalidiidka ah.

 

Mudaharaadka maanta ka taagan magaalada Laascaanood ayaa waxa uu makhraati ka yahay diidmada dadweynaha magaaladaas ay kaga soo horjeedaan maamulka Soomaalidiidka ah ee xooga ku haysta magaalada iyo nawaaxigeeda.

 

Waxii war ah ee arintan ka soo kordha waxaanu idiinku soo gudbin doonaa sida ugu dhaqsaha badan ee ay nagu soo gaadhaan hadii eebe idmo.

 

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

gfhyttu.jpg

 

In ka badan todobaatan mudaharadayaal ah oo loo dhaadhiciyey Jeelka Caynabo

 

Maamulka Somaliland ee qaska ka wada magaalada Laascaanood ayaa shalay xidhxidhay dad badan oo ka mudaharaaday Xadhigii Macalimiintii Maxadka XASAN CAWAD.

 

Dadka ayaa isugu jira ardaydii goobaha waxbarashada ee la soo xidhxidhay macali,iintoodi iyo dumar ka mudaharaaday falalka waxiishnimada ah ee Maamulka Somaliland kula dhaqmayo shacabka Magaalada Laascaanood.

 

Wararku waxay intaas ku darayaa in dhammaan dadkii lagu qabqabtay mudaharaadka loo dhaadhiciyey Tuulada Caynabo ee Gobolka Sool,dadka ayaa u badan maato Hoyooyin iyo arday dadoodu ka yartahay 16.

 

Maamulka Somaliand ayaa sheegay Xadhiga macalimiinta iyo wadaada ee magaalada Laascaanood xidhiidh ay la haayeen ninkii ugu dambeeyey ee ku qarxay Hotel Xamdi aageeda,Macalimiinta ayaa 4 ka mid ah lala hadhay halka intii kale dib loo soo daayey balse xayiraad lagu soo rogay oo marka loo baahdo dib loogu yeedhi karo.

 

Isku soo wada duubo magaalada Laascaanood iyo shacabkeeda ayaa aad u kacsan lamana garan karo talaabada xigi doonta ee ay qaadi doonaan Maamulka Somalialnd iyo qolyaha qarxiyayaasha ah.

 

Cabdiwahab Maxamed Cabdi

 

Nairobia Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Magaalada Laascaanood oo qafaal xun loo gaystay wadaadada iyo macalimiinta

 

Magaalada Laascaanood ayaa saaka ku waabariisatey Ciidan noocyo kala duwan ciidankaas oo xidhxidhayey dhammaan goobaha waxbarashada Iyo dhamman Barayashii Magalada Laascaanood

 

Magaalada la haysto ee laascaanood ayaa saaka lagu waabariistay ciidamada booliska Somalidiidka oo buux dhaafiyay wadooyinka, isla markaasna gaaf wareegaya dhamaan xaafadaha magaalada.

 

 

 

 

 

Ciidamadan ayaa waxay galayeen dhamaan goobaha Madarasadaha ah ee lagu barto Diinta Islaamka, iyagoo ururinayay dhamaan macalimiinta ka howl gala Maxadada iyo madarasadaha Qur'aanka lagu barto.

 

 

 

Macalimiinta ayaa waxaa loo daad guraynayay Saldhiga dhexe ee magaalada laascaanood, iyadoo aan ilaa hada la garanayn sabab macalimiinta magaalada laascaanood loogu taxaabayo jeelka.

 

 

 

Dhanka kale waxaa saaka Gaadhi ay leeyihiin Booliiska Dirta waqooyi ee ka timid hargeysa uu jiidhay gobo ganacsi oo ku yaala Goolada laamiga ee magaalada laascaanood, halkaas oo uu ku nafwaayay nin Oday ah oo deegaanka ah laguna magacaabo Dhagaqool.

 

 

 

Goobtan uu gaadhigu galay ayaa ah Dukaankii caanka ahaa ee Xasan Kabadhle, kaas oo ku yiilay goolada magaalada laascaanood oo ku taala badhtamaha magaalada laascaanood.

 

 

 

Waxaa hada la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay ridayaan Ciidamada Magaalada xooga iyo xaaraanta ku haysta, rasaastaas oo ay u adeegsanayaan in ay ku kala eryaan dadyow gadoodsan oo tuban wadooyinka magaalada laascaanood.

 

 

 

 

 

 

 

Riinji.news

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this