General Duke Posted March 22, 2007 Salaad Cali Jeelle oo sheegay in Dowlada soo afjari doonto Dagaalka ka socda Muqdisho Last Updated::2007-03-22 15:51:54 Muqdisho:- Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga DF Salaad Cali Jeelle oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Villa Soomaaliya aya sheegay in DF ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto kooxaha ka soo horjeeda ilaa iyo inta ay gacanta uga dhigayaan caasimada Muqdisho. Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday xilli dagaal toos ah maalintii 2aad uu ku dhex marayo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ciidamada DF oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo Kooxaha kasoo horjeeda Dowlada. Salaad Cali Jeelle ayaa u soo jeediyay dadka ku dhaqan goobihii shalay dirirtu ka dhacday in ay isaga baxaan guryahooda si ay uga bad baadaan dagaalada dhex maraya ciidamada DF iyo kooxaha ka soo horjeeda, isagoo dhinaca kale carabka ku dhuftay in maalmo gudahood ay ku soo afjari doonaan dagaalada ka socda Muqdisho. "Waxaan u sheegeynaa dadka ku dhaqan goobaha kooxaha argagixisada ay madaafiicda ku rakibanayaan oo ay ka soo tuuraan in ay lafahooda ka ilaashadaan dadka haka baxeen goobahaasi, waxaana ku soo afjareynaa hawl gallada maalmo yar" ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. Ciidamada DF iyo kuwa Ethiopia ayaa saaka dagaalo ka bilaabay xaafadaha Juungal iyo Jamhuuriya halkaasoo weli dagaalka uu ka socda inkastoo uu ka qafiifsan dagaalkii shalay deegaankaasi ka dhacay. Sidoo kale dagaal goos goos ah ayaa la sheegay in uu ka socda agagaarka kuliyadii hore ee Jaalle Siyaad iyo warshadii hore ee Kabka ayadoo sidoo kale xiisado ay ka jiraan xaruntii hore ee wasaarada gaashaandhiga iyo deegaanka Suuqa Xoolaha halkaasoo ay isku hor fadhiyaan ciidamada huwanta iyo kooxaha ka soo horjeeda. HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 22, 2007 Salaad Cali Jeele oo sheegay in howlgalada socda ee ammaanka lagu sugayo goor dhow la soo gabagabeeyn doono. March 22-2007-HornAfrik, Mogadishu Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga ee dowladda KMG ah Salaad Cali Jeelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa kaga hadlay dagaalada ka jira magaalada Muqdisho iyo mowqifka dowladda KMG ah ee ku wajahan dagaaladaas. Shirkan jaraa’id oo uu qabtay wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Salaad Cali Jeele oo uu ku qabtay xarunta Villa Somalia ayaa kaga hadlay qaababka ay u howlgalayaan ciidamada dowladda fedraalka. Sidoo kale shirkiisa jaraa’id waxa uu kaga hadlay kooxaha ka soo horjeeda dowladda fedraalka howlgalada ay sameenayaan inay yihiin kooxa haraadi ah oo ka haray maxaakiimta Islaamka. Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle ayaa mar Saxaafadda wax ka weydiisay hadalkii ka soo yeeray Rag waxgarad ah oo sheegay in dagaalka Muqdisho uu u dhaxeeyo ciidamada beesha ****** iyo kuwa dowladda fedraalka ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid lagu qeybinayo dadka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in dowlad midnimo Qaran ah la soo dhisay beesha Hawiyana ay ka tahay hormuud. Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ay ku sugan yihiin xaafado yar oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxa uuna dadwaynaha xaafadahaas degan ugu baaqay inay isaga guuraan deegaanadaas isagoo u ballan qaaday inay goor dhow soo gabagaben doonaan howlgaladaas. Hadalkan ka soo yeeray dhinaca dowladda ayaa ku aadan xilli shalay qeyba ka tirsan xaafadaha Muqdisho ay dagaalo isaga horyimaadeen ciidamada dowladda fedraalka oo gacan ka helaya ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxaha ka soo horjeeda howlgalada ay sameenayaan ciidamada dowladda KMG ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 22, 2007 Muqdisho: "Haraadigii Maxkamadaha Islaamiga waxa ay la tashteen shabakada Al-qaacida, Salaad Cali Jeelle, Shir Jaraa'id. 22. Mar 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Salaad Cali Jeelle oo ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga dowladda KMG oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarnta Madaxtooyada ayaa waxaa uu sheegay in howlgalada ciidamada dowladda ay si rasmi ah u bilowdeen isagoo ka codsaday dadweynaha in ay isaga dhaqaaqaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxo uu sheegay iney ka hareen maxkamadihii Islaamiga. Mr. Jeelle ayaa dadweynaha Soomaaliyeed u balan qaaday iney sida ugu dhaqsiyaha badan u soo celin doonaan amaanka Muqdisho, isagoo intaa raaciyay in dadka dhibaatada ka soo gaarto howlgalada ciidamada dowladda ay wax ka qaban doonaan wixii soo gaara. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in beesha ****** ay hormuud u tahay dowladda KMG ah isla markaana beesha ay dooneyso in nabadgelyada wax laga qabto cidii ka hor timaadana howlgalada dowladda waxaa uu shegay iney la dagaalami doonaan ciidamada dowladda. Salaad Cali Jeelle ayaa waxaa uu ku eedeyay weerarada loo geysanayo ciidamada dowladda Haraadigii Maxkamadaha Islaamiga oo uu sheegay in ururka Al-Qaacida ay u xil saareen Aadan Xaashi Ceyrow inuu fuliyo howlgalada dowladda iyo shirarka dib u heshiisiinta looga soo horjeeda dowladda KMG. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa ugu danbeyntii sheegay in ciidamada dowladda si rasmi ah ay howlgaladooda u bilaabeen isla markaana cid kasta oo loo arko iney nabadgelyo xumo abuureyso ay amar ku qabaan iney qabtaan. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 22, 2007 Last time Salad Ali Jelle spoke we know who ran.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ahmed_Guree Posted March 22, 2007 GD You cannot condemn an entire clan as criminals. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 22, 2007 ^^^I can condemn those who have guns saxib, their time is up. If they pretend to be religious or fighting for the clan no one cares.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taliban Posted March 22, 2007 Wow, tough talk by the deputy collaborator. It's doubtful he can accomplish what he's trying to do. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 22, 2007 ^^^Last time he spoke he won and this time the area and the arms facing them is real small. Anyhow no one is waiting for these people any longer.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taliban Posted March 22, 2007 Originally posted by General Duke: Last time he spoke he won and this time the area and the arms facing them is real small. My advice is to never underestimate your enemy, and take into account the possibility of defeat. Afterall, the deputy collaborator is defeatable. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 22, 2007 ^^^No saxib no one is underestimating them hence the firepower arraid just for them. No one is playing with them. Those who now use clans and last week used religion will lose again.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taliban Posted March 22, 2007 Originally posted by General Duke: Those who now use clans and last week used religion will lose again.. You promised everything will be rosy in a couple of months. Time is running out. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 22, 2007 ^^^Not for me saxib, time is running out for the lone trouble makers of Somalia.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taliban Posted March 23, 2007 Originally posted by General Duke: time is running out for the lone trouble makers of Somalia.. But, you have to take into account the occupiers and collaborators could be defeated and kicked out of Somalia. If you don't prepare yourself and take that into account, the psychological effect of defeat could hit you hard. Quote Share this post Link to post Share on other sites