Sign in to follow this  
General Duke

Zenawi: we are going back to Somalia ?

Recommended Posts

RW Ethiopia: "Waan ku laabanaynaa Somalia"

23 Jun 23, 2009 - 9:31:28 AM

 

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo warbaahinta kula hadlay Addis Ababa ayaa sheegay in dowladiisu ay ku laabanayso Somalia haddii la afgambiyo xukuumada uu horkacayo Sh. Shariif Sh. Axmed.

 

Zenawi, wuxuu sheegay in dalkiisa uu indhaha ku hayo dhaqdhaqaaqyada ka socda gudaha Somalia, ayna sida u muuqata dagaal kale la geli doonaan kooxda Al-shabaab iyo Sh. Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka.

 

"Haddii la maja-xaabiyo xukuumada Somalia, ciidamadeena dib ayaan ugu diraynaa halkaas [somalia] waxaan adeegsan doonaa khibrad ka duwan tii hore" ayuu yiri Zenawi oo sheegay inaysan marnaba ogolaanayn in khatar la geliyo amaankooda.

 

Xukumada Somalia ayaa todobaadkan codsatay in muddo 24-saac ah loogu soo diro ciidamo ka difaaca kooxo ajnabi ah ooay sheegtay inay weerar ku yihiin, balse Ethiopia ayaa durba diiday dalabkaas inay aqbasho.

 

"Al-shabaab waxay khatar ku tahay amaanka Ethiopia, waan la dagaalamaynaa haddii ay ku guulaystaan hadaflkooda ah inay afgambiyaan xukuumada jirta" ayuu yiri Zenawi oo sheegay inay xuduudaha dalkooda ku sugan yihiin ciidamo badan.

 

Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Max'ud Raage [Cali dheere] ayaa saxaafada Muqdisho u sheegay inay la dagaalami doonaan ciidankii Somalia taga, isagoo sheegay inay joogaan dhalinyaro dhimasho u diyaargaroobay.

 

Mar uu Meles ka hadlayay aragtidiisa Sh. Xasan Daahir ayuu sheegay inaysan jeclayn, balse ay jeclaan lahaayeen inuu dhaafo [dhinto], isagoo ku eedeeyay inuu yahay mas'uul majaraha u haya dagaalada Somalia ka socda

 

Ra'iisul wasaaraha Ethiopa Meles Zenawi ayaa hadalkiisan kusoo beegmay isagoo sheegay inuu xilka ka dagayo kadib 18-sano oo uu hogaaminayay Ethiopia; isagoo sheegay inuu xilka ku wareejinayo gudoomiyaha xisbiga talada ee EPRDF [Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front].

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaan adeegsan doonaa khibrad ka duwan tii hore"

tolow muxuu ula jeedaa khibrad ka duwan tii hore.

 

Maybe this time they might use air bombardment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Haddii la maja-xaabiyo xukuumada Somalia, ciidamadeena dib ayaan ugu diraynaa halkaas [somalia] waxaan adeegsan doonaa khibrad ka duwan tii hore" ayuu yiri Zenawi oo sheegay inaysan marnaba ogolaanayn in khatar la geliyo amaankooda.

This is the most important point.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this