Sign in to follow this  
Gabbal

Somali Warlords Agree to Disarm

Recommended Posts

Gabbal   

Gov't: Somali Warlords Agree to Disarm

Jan 12, 8:58 AM EST

By MOHAMED OLAD HASSAN

Associated Press Writer

 

MOGADISHU, Somalia (AP) -- Somalia's warlords have agreed to disarm and join a new national army, a government official said Friday as violence in the capital brought home the challenge of restoring order in this fractious and heavily armed country.

 

The announcement followed a meeting between President Abdullahi Yusuf and clan warlords that proceeded even as clan gunmen outside fired a rocket-propelled grenade and briefly exchanged gunfire with government troops.

 

The fighting, which one fighter said was sparked by a dispute over where to park an armored car, left at least six people dead and 10 wounded.

 

"The warlords and the government have agreed to collaborate for the restoration of peace in Somalia," said Abdirahman Dinari, the government spokesman. Dinari said the president had met with three top Somali warlords and two other faction leaders.

 

"The agreement means they have to disarm their militia and their men have to join the national army," Dinari told The Associated Press.

 

The rout of the Islamic fundamentalist movement, which had controlled much of Somalia for the past six months, by Somali government troops and Ethiopian soldiers has allowed the country's weak U.N.-backed transitional government to enter the capital for the first time since it was established in 2004.

 

Besides clan divisions, resentment of Ethiopia's intervention and remnants of the Islamic movement also were likely to bedevil the government for some time to come.

 

There are believed to be about 20,000 militiamen in Somalia and the country is awash with guns. Rival clan fighting and warlords already have been the undoing of 13 other attempts at government in Somalia since the country collapsed into chaos in 1991.

 

One of Somalia's most powerful warlords, Mohamed Qanyare Afrah, told the AP after the meeting that the warlords were "fed up" with guns and ready to cooperate with the government.

 

However, another warlord spelled out a warning.

 

"If the government is ready to reconcile its people and chooses the right leadership, I hope there is no need to revolt against it," said Muse Sudi Yalahow, whose fighters control north Mogadishu. "If they fail and lose the confidence of the people, I think they would be called new warlords."

 

So far, no government on the continent has responded to a call for 8,000 African peacekeepers to stop Somalia from returning to clan-based violence and anarchy, although Uganda has indicated it is willing to deploy 1,500 peacekeepers as part of a wider mission.

 

Late Thursday, U.N. Secretary-General Ban Ki-moon urged the international community to redouble efforts to stabilize Somalia and reiterated his concern that U.S. attacks were harming civilians and could have "unintended consequences."

 

Ethiopian and U.S. forces were in pursuit of three top al-Qaida suspects believed to be in Somalia. The U.S. has repeatedly accused the Somali Islamic fundamentalist movement of harboring the suspects, wanted in connection with the 1998 U.S. Embassy bombings in Kenya and Tanzania.

 

Michael E. Ranneberger, the U.S. ambassador to Kenya, said there had been only one U.S. airstrike and no civilians were injured.

 

Recent air attacks against the fleeing Islamic movement have killed 70 nomadic herdsmen in the last four days, the British charity Oxfam said Friday, citing its local Somali partner organizations. It said the deaths occurred near Afmadow, about 220 miles southwest of Mogadishu.

 

In one attack, the nomads were gathering around a fire when they were hit, Oxfam said. It did not say who was behind the bombing or when it occurred.

 

Somalia has not had a functioning government since clan-based warlords toppled dictator Mohamed Siad Barre in 1991 and then turned on each other, sinking the Horn of Africa nation of 7 million people into chaos.

 

Ethiopia sent troops in on Dec. 24 to attack the Somali Islamic fundamentalist movement. Most of the Islamic militiamen have dispersed, but a few hardcore members have fled south toward the Kenyan border and the Indian Ocean, and others in hiding in the capital have threatened to wage guerrilla war.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

ogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho oo balan qaaday iney hubkooda DF kusoo wareejin doonaan.

 

Muqdisho, Jimco 12 January 2007 Simba Radio

 

Dhowr hogaamiye oo Muqdisho ka arimin jireen ayaa maanta kulan saacado socday waxa ay la qaateen Madaxweynaha DF C/laahi Yuusuf iyo Ra'iisul-wasaare Geedi.

 

Hogaamiyaashaan oo ay kamid ahaayeen Muuse Suudi, Max'ed Qanyare, Bootaan Ciise Caalim, Cuma Filish, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Nuurre Siyaad ayaa Madaxweyne Yuusuf uu ugu baaqay iney hubkooda DF kusoo wareejiyaan isla markaana ay DF kala shaqeeyaan sidii ay u sugi laheyd amniga goobaha ay haatan gacanta ku dhigtay.

 

Hogaamiye kooxeedka ayaa kulankaasi geba gabadiisii ogolaaday in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana maleeshiyooyinkooda ay ku biiraan Ciidamada DF sida uu Saxaafada u sheegay C/raxmaan Diinaari.

 

Afhayeenka DF C/raxmaan Nuur Max'ed Diinaari oo Saxaafada la hadlay kadi markii uu kulankaasi dhamaaday ayaa sheegay sheegay in maleeshiyaadka lagu xareyn doono xerooyin dowladda ay ugu talo gashay, iyadoo dowladda ay balan qaadeyso xuquuqda ay leeyihiin maleeshiyadaasi.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qabqablayaasha Dagaalka oo ogolaaday in ay hubkooda Dowlada Federaalka ku wareejiyaan

 

Last Updated::2007-01-12 14:22:36

 

Muqdisho:- Kulankii maanta ay Xarunta Madaxtooyada ku yeesheen Qabqablayaashii dagaalka ee Somaliya iyo Dowlada ayaa laga soo saaray

go'aan muhiim ah oo la xariira hub ka dhigista Hogaamiye kooxeedka.

 

Kulankan ayey ka qeyb galeen Hogaamiye kooxeedyo ay kamid ahaayeen:

 

villa_somaliya_qabqablayaasha_dfkmg.jpg

Muuse Suudi Yalaxow,

Maxamed Qanyare Afrax,

Bootaan Ciise Caalin,

Bare Hiiraale,

Col.Cabdi Qeybdiid,

Cabdi Waal iyo Cumar Filish.

Shirkan ayaa looga hadlay sidii Hubka hogaamiyaashaasi ku jira Golaha Baarlamaanka ay ugu soo wareejin lahaayeen Dowlada Federaalka.

 

Hogaamiye kooxeedka ayaa kulankaasi geba gabadiisii ogolaaday in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana maleeshiyooyinkooda ay ku biiraan Ciidamada Dowlada Somaliya.

 

Guddi gaar ah ayaa loo saaray sidii hawshaasi loo dhaqan gelin lahaa.

 

Shirkan ayay hareeyay iska horimaad xoogleh oo ka dhacay ilinka laga galo Madaxtooyada Villa Somaliya, halkaasi oo ay maanta ku dagaalameen illaalada Madaxtooyada iyo maleeshiyooyin illaalinayey Maxamed Qanyare iyo Cumar Filish, ayadoo ay halkaasi ku dhinteen 6 ruux.

 

Iska horimaadkan ayaa ka dhashay gaari ay si khaldan meel u dhigeen maleeshiyooyinka Maxamed Qanyare, ayadoo kadib markii lagu khasbay in ay halkaasi ka qaadaan gaariga ay qaar kamid ah maleeshiyadaasi ay rasaas ooda uga qaadeen ciidamada Madaxtooyada oo ayaguna rasaas huwiyey maleeshiyooyinka.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiyaashii Magaalada muqdisho oo ogaaladay in ay hubkooda ku soo wareejiyaan dowlada Somalia iyadoo maanta shir isugu yeeeray madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf

 

Madaxda dalka ayaa amar ku bixisay in ay hubka soo wareejiyaan qab qablayaasha iyo hogaamiyaashii oo ka ogaaaladay ina hubkooda iyo maleeshooyinkooda ay ka mid noqdaa Ciidamada dowladda somalia.

 

 

Kulan la la yeeshay Qab qablayaashii ka talin jiray magalada muqdisho ayaa looga hadlay sidii loo sameyn lahaa gudi u xilsaran in ay hubka soo wareejiyaan maleeshooyinka iyo sidii ay hogaamiyaashu u ogalaan lahaayeen in ay qaataan amarka dowladda Somalia

 

Kulanka oo ka dhacay Xaruntii hore ee madaxtooyadda Villa Somalia ayaa ka soo baxay Go’aan cad oo ku wajahan in hogaamiyaashu ay hubkooda ku u soo dhiibaan dowlada Somalia maleeshooyinka ka amar qaatana lagu soo daro ciidamadda dowlada Somalia

 

Kadib markii ay aqbaleen qab qablayaasha ayaa hadana la isku afgartay ina la sameeyo gudi ku hawlan sidii maleeshiyooyinka loogu soo dari lahaa ciidamada dowlada kana mid noqon lahaayeen ciidamada dowlada Somalia

 

Sidoo kale waxaa halkaas ka dhacay israsaaseyn dhex martay ciidamda dowlada iyo maleeshoyin ka amar qaata qab qablayaasha dagaalkaas dhex maray ayaa lagu sheegay in uu ka bilowday is afgaran waa ka dhacay labada ciidan eek u dagaaladamay xarunta villa Somalia mar ay ku sugnaaayeen hogaamiyaashii hore iyo Madaxda dowlada Somalia oo uu shir ugu socday halkaas.

 

Isku soo wada duboo waxaa dagaalkaas ka soo baxay dhimasho iyo dhaawac oo ka soo gaaray labada dhan in kastoo markii danbe la is taajiyey kuna dhaamatay isgarad .

 

Farxan Yasin Mire

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho oo balan qaaday iney hubkooda DF kusoo wareejin doonaan.

 

Muqdisho, Jimco 12 January 2007 Simba Radio

 

Dhowr hogaamiye oo Muqdisho ka arimin jireen ayaa maanta kulan saacado socday waxa ay la qaateen Madaxweynaha DF C/laahi Yuusuf iyo Ra'iisul-wasaare Geedi.

 

Hogaamiyaashaan oo ay kamid ahaayeen Muuse Suudi, Max'ed Qanyare, Bootaan Ciise Caalim, Cuma Filish, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Nuurre Siyaad ayaa Madaxweyne Yuusuf uu ugu baaqay iney hubkooda DF kusoo wareejiyaan isla markaana ay DF kala shaqeeyaan sidii ay u sugi laheyd amniga goobaha ay haatan gacanta ku dhigtay.

 

Hogaamiye kooxeedka ayaa kulankaasi geba gabadiisii ogolaaday in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana maleeshiyooyinkooda ay ku biiraan Ciidamada DF sida uu Saxaafada u sheegay C/raxmaan Diinaari.

 

Afhayeenka DF C/raxmaan Nuur Max'ed Diinaari oo Saxaafada la hadlay kadi markii uu kulankaasi dhamaaday ayaa sheegay sheegay in maleeshiyaadka lagu xareyn doono xerooyin dowladda ay ugu talo gashay, iyadoo dowladda ay balan qaadeyso xuquuqda ay leeyihiin maleeshiyadaasi.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia.

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Kan yari wuu waashay, bahasha yaree waryaa yaan lagu xirinee, waalidu haday xad qaarkii gaarto you would be breaking the law and bound to be imprisoned.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^What are you on about mate?

 

Muqdisho: Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Hoggaamiyeyaashii dagaalka oo heshiis ku dhex maray Villa Somalia

 

Jimco, January 12, 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Kulan ay Albaabbadu u xirn oo maanta ku dhex maray Villa Somalia hoggaamiyeyaasha dagaalka iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Ra'iisul Wasaare Geeddi ayay isku afgarteen in Ammaanka Magaalada Muqdisho laga shaqeeyo isla markaana hubkooda iyo ciidamada lagu wareejiyo dowladda KMG ah.

 

C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) oo la hadlay saxaafadda shirkaas kaddib ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dagaalka ay sheegeen inay aqbaleen sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen nabad ku soo dabbaalida Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay sheegeen in ay tahay xuduntii caasimada dalka, balse ay haatan rajeynayaan inay noqoto xuduntii nabadda Soomaaliya.

 

"Hoggaamiyeyaasha Dagaalka oo isugu jira xildhibaanno iyo kuwo kale oo aan xildhiabanno ayaa ku ogolaaday kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisul wasaarihiisa inay kala shaqeynayaan dowladda sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho" ayuu yiri C/raxmaan Diinaari oo Saxafiyiin la hadlayey.

 

Kulankaan ayuu sheegay C/raxmaan Diinaari inuu ahaa mid ay ku caddeeyeen hoggaamiyeyaasha dagaalka inay hormuud ka noqon doonaan nabad lagu soo dabbaalo magalaada Muqdisho, waxayna sheegeen inay hubkooda wareejin doonaan, iydaoo dowladduna ay ballanqaaday sida uu sheegay C/raxmaan Diinaari inay geyn doonto xerooyin tababar lagu siiyo isla markaana loo damaanad qaadayo daryeelka noloshooda.

 

Hoggaamiyeyaasha kulanka la qaatay madaxda dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa Muuse Suudi, Maxamed Qanyare, Cumar Finish, Bootaan Ciise Caalim oo xildhibaano ka ah dowladda iyo Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Waal oo ka madax banaan dowladda balse dhamaantood ku mideysnaa ururkii Argagixiso la dirirka ee maxkamadaha eryeen, waxaana jira guddi loo xil saaray hub aruurinta hoggaamiyeyaashan iyadoo guddigan aan la magcaabin.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa cudur daar ka bixiyay dhacdadii ka dhacday iridka hore ee Villa Somalia oo ay isku rasaaseeyeen maliishiyooyinka dowladda iyo kuwa Maxamed Qanyare kaasoo uu ku tilmaamay mid khalad ah wuxuuna ugu tacsiyadeeyay hoggaamiyeyaasha iyo ehelada dadkii ku geeriyooday in Samir iyo Iimaan ka siiyo.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Thats why? I understand I though you were OK?

How are you feeling mate, any symptoms, headache, pain in the neck or A&&, sometime poeple get Dierhea?

 

Im must have lost you, Im on about your health mate

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Federaalka iyo hogaamiye kooxeedyada oo ku heshiiyey inay wareejiyaan hubka iyo ciidamada

 

Dowladda Federaalka kmg ee Somalia oo ay horkacayeen Madaxweyne Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta kulan albaabada u xeran yahay la yeeshay hogaamiye kooxeedyadii isbaarooyinka ku lahaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Somalia meelo ka tirsan, kulankani ayaa ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

 

Afhayeenka Dowlada Fkmg Md. C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo saxaafada u waramay ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dhamaan hubka oo dhan lagu wareejiyo dowladda federaalka isla markaana maleeshiyooyinka la geeyo xerooyin loo cayimay.

 

Afahayeenka ayaa intaa ku daray in la magacaabay Gudi ka kooban 12 qofood oo kakala socda labada dhinac oo ah saraakiil dowlada federaalka iyo kuwo ka socda hogaamiye kooxeedyada iyagoo ka shaqeeyn doona sidii hubka loo wareejin lahaa isla markaana ciidamada maleeshiyooyinka loo xareyn lahaa sida ugu dhaqsi badan.

 

Hogaamiye kooxeedyadani ayaa waxaa ka mid ahaa ee soo xaadiray isla markaana ka qeyb qaatay kulankani:

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow

Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish)

Xildhibaan Bootaan Ciise Caalim (Xaaraan ku naax)

Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeyb diid

Cabdi Waal

Garam Garam

Cabdulqaadir Beebe

Hogaamiye kooxeedyadani ayaa waxaa ka maqnaa Maxamed Dheere iyo Wasiirka Gaashaandhiga Md. Barre Hiiraale oo sida la sheegay ku maqnaa arimo ay ka war hayaan dowlada federaalka, Maxamed Dheere ayaa la sheegay inuu shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, halka Barre Hiiraale la sheegay inuu safar dhulka ah kusoo jeedo magaalada Muqdisho.

 

Hogaamiye kooxeedyadani ayaa looga itaal roonaaday magaalada Muqdisho, iyadoo horeyna looga yeeray intay wasiirada ahaayeen inay kazoo xaadiraan magaalada Baydhabo iyagoo ka madax adeegay inay yimaadaan markaa ka dibna xilkii wasiirnimo halkaasi looga xayuubiyey maantana waxay diyaar u yihiin inay qaataan awaamiirta dowladda federaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this