Sign in to follow this  
Liqaye

Diyaargarowga doorashada afhayeenka baarlamaanka

Recommended Posts

Liqaye   

Maanta, ayaa magaalada Nairobi, waxaa ka socda olole codad raadsi ah oo ay wadaa ilaa kow iyo toban musharax ee u taagan doorashada afhayeenka baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Waxaa maanta xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ay u diyaargaroobayeen doorashada afhayeenka baarlamaanka oo berito ka dhacaysa xarunta Mpaghathi ee magaalada Nairobi.

 

Xoghaynta shir guddoonka baarlamaanka, ayaa ii sheegay in ay maanta la kulmeen wakiil ka socda IGAD oo ay isla soo qaadeen howlaha fududaynta doorashada afhayeenka baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

 

Arrimaha ay shir guddoonka kala hadleen wakiilka IGAD, ayaa waxaa ka mid ahaa in santuuqyo waraaqaha laga dhex arkayo la geeyo hoolka shirarka iyo in ilaa afar qol oo yar yar oo santuuqyada la dhigo laga dhex sameeyo baarlamaanka.

 

Waxaa shir guddoonku uu ii sheegay in doorashadu ay bilaabanayso sideed saac iyo bar, iyadoo inta ka horaysana ay berito hoolka Mpaghathi uu ka dhacayo kulankii 11-aad ee Wasiiradda arrimaha dibedda IGAD ee fududaynta shirka Soomaalida, kuwaasi oo kulankooda kadib lagu wado in ay goobjoog ka ahaadaan munaasabadda doorashada afhayeenka baarlamaanka, iyadoo sidoo kalena la filayo in ay joogaan diblomaasiyiinta iyo bulshada caalamiga ah ee gacansaarka la leh IGAD.

 

Dhinaca kale, kow iyo tobanka xildhibaan ee u sharaxan jagada afhayeenka baarlamaanka oo kala ah Xuseen Cismaan Xuseen, Shariif Saalax Maxamed Cali, Maxamed Cabdi Yuusuf, Xirsi Aadan Rooble, Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi, Shariif Xassan Sheekh Aadan, Sheekh Aadan Madoobe, Cabdi Cabdulle Siciid (Jini-boqor), Cabdalla Deeroow ***** , Hilowle Iimaan Cumar, iyo Axmed Ibraahim Maxamed, ayaa intooda badan waxay maanta ilaa xalay ku howlanaayeen olole ay ugu jiraan sidii ay xildhibaanada codad uga kasban lahaayeen si ay berito ugu codeeyaan, iyagoo shirar qado ama casho sharafba u samaynaya kooxaha sida gaarka ah ay codadkooda u doonayaan.

 

Waxaa ololaha musharixiinta aad looga dareemayaa hoteelada qaar, oo xitaa beelaha qaar ay shirar ku leeyihiin si ay u goostaan cidda ay codkooda siin lahaayeen.

 

Si kastaba ha ahaatee, berito galinka dambe, ayaa la filayaa in si rasmi ah loo ogaado cidda nasiibka u yeelata in xildhibaanadu u doortaan in uu noqdo afhayeenka rasmiga ah ee muddada shanta sano ah ee soo socota haynaya xilka guddoominta baarlamanaaka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this