Sign in to follow this  
Jacaylbaro

REquest Letter to the Arab League

Recommended Posts

Xogyahaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa waxaa uu soo bandhigay Warqad uu soo diray Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Taasoo loo gudbiyay kulankii Albaabdu ay u xirnaayeen ee ay yeesheen wasiirada arimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ee lagu soo gababeeyay Madaalada Qaahira.

 

Warqadaasi ayaa la sheegay in ay aheeyd mid uu madaxweyne Sheekh Shariif uu ku dalbanayay Taageero loo fidiyo Xukuumadiisa oo ku wajahan in laga caawiyo isku dayga lagu doonayo in lagu wiiqo dowladdiisa iyo weerarada xoogan ee ay wajahayso.

 

Masuul ka mid ahaa Masuuliyiinii ka qeyb galay kulankaasi ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa laga soo xigtay isagoo leh Warqadda Sheekh Shariif Shekh Axmed Waxaa ay tahay mid ka tarjumaysa Dalab ay Xukuumadda u jeedinayso Jaamacadda Carabta taasoo ah in ay hesho Taageero deg deg ah oo Dhinaca Siyaasadda iyo Dhaqalaha oo ka imaanaysa dalalka Jaamacadda Carabta.

 

Codsiga Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed aya waxaa ka mid ahaa in la taageero Ciidamada AMISOM ee haatan Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo in la tababaro Ciidamo ay leedahay dowladda KMG Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dajinta Xaaladda Soomaaliya.

 

Sidoo kale Jaamacadda carabta ayaa warqadaasi qoraalka ah waxaa looga dalbaday in ay si deg deg ah ku soo fara galiyaan Xaaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb qaataan dagaalada lagu sii wiiqayo Awooda dowladda KMG Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this