Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Hizbul Islam Sests Up New Admin For Banadir

Recommended Posts

Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah ururada sida weyn uga soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa Maamul Cusub oo hoostaga Ururkaasi u dhisay maanta gobolka Banaadir.

 

Kulan maanta ay isugu yimaadeen saaraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa ay ku magacaabeen maamul cusub oo uu yeelanayo Gobolka Banaadir kaasoo hoostaga Ururka Xisbul Islaam islamarkaana ka kooban xubno badan oo ururkaasi ka tirsan.

 

Maamulka Ururka Xisbul ee gobolka Banaadir ayaa waxaa gudoomiye loogu magacaabay Macalin Xaashi Max’ed Faarax iyadoo ku xigeenkiisa koowaadna laga dhigay Macalin Ibraahim Barre,waxaana wareegtada dadkaasi lagu magacaabay Saxaafadda u aqriyay Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Cabdala Qadaab.

 

Ujeedada loo magacaabay Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ee hoostaga Ururka Xisbul Islaam ayey saraakiisha Ururkaasi ku micneeyeen kadib markii ay qiimeyn ku sameeyeen Xaaladda gobolka Banaadir.

 

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaamka ee Gobolka Banaadir Macalin Xaashi ayaa sheegay in dhisamaha Maamulka uu bilow yahay islamarkaana ay soo dhameystiri doonaan dhismaha degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Maamulkaan cusub ee maanta la magacaabay ayaa waxaa uu noqonayaa Maamulkii sedaxaad ee uu yeesho gobolka Banaadir iyadoo ay horay ugu jireen gobolka maamulo hoostaga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin iyo dowladda KMG ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this