Sign in to follow this  
Kamaavi

Shir ay yeesheen Ururada Dhalinyarada ee OYL OYN

Recommended Posts

Kamaavi   

Shir ay yeesheen Ururada OYL & OYN

 

Waxaa habeenimadii Xalay 13 dec 2009 Shir Qadka telefonka (Callconfrence) ku yeeshay Midowga Ururada Dhalinyarada S/O'gadenya ee OYL & OYN.

 

Shirkan oo ahaa mid mudooyinkii ugu danbeeyay la sugayay ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno badan oo kala jooga.-

Dhanka Yururb( OYL) (Sweden, Norway, Switzerland, Holland, Uk, Finland & Denmark)

Dhanka Mareykanka (OYN) Sandiego, Minnesota & Denver. Sidoo kale waxaa shirka kasoo qeyb galay Dhalin ka socotay Dhanka Canada.

 

Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa ugu horeyn waxaa lagu furay aayadaha Qur aanka Kariimka ah, Heestii Calanka oo runtii Cod Halaasi ah ay dhalintu ku qaadayeen aya lagu xijiyay, Isbarashadii iyo kaftan gaaban kadib waxaa la guda galay Ujeedada shirka oo runtii aha mid aad loogu xiiso qabay.

 

Ugu horey waxaa warbixino badan oo kala duwan soo gudbiy Gudiga Dhalinta. Iyadoo urur waliba uu halkaasi ku cadeeyay Waxqabadkiisii wixii ugu muhiimsanaa. qodobadii sida weyn looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa sidii

• dhalinta S/O'gaadeenya ee adunka dacaladiisa ku nool la iskugu xiri lahaa isla markaasna sare loogu qaadi lahaa iska warhayntooda.

• Sidii lagu caawin lahaa Shacabka dhiban ee ku jira Dhamaan xeryaha Qaxootiga ee ku yaala Guud ahan Qaarada Africa Gaar ahan Geeska Africa

• Looga hortagi lahaa dhamaan wixi wax u dhimi kara wada jirka iyo midnimada Dhalinta

• In laguWacyi galinyo laguna guubaabiyo Dhalinta qiimaha ay wax barashada leedahay si mustaqbalka dhaw loo helo Dhalintii Dalka Maamuli laheyd

• In laga hortago Dabinada uu Shacabka/Dhalinta u dhigayo Gumeystaha madow ee Tigreyga

 

Qodabadan iyo kuwo badan oo lamid ah ayaa kamid ahaa waxyaabihii la isla jeex jeexay. Runtii markaad dhageysatid nidaamka iyo kala danbeynta ka muuqatay dhalinta iyagoo aanan is aqoon ayad dareemi kartaa sida Dhalinta maanta jirta ay u fahmeen Shuruucdii ururnimo isla markaasna barteen qaabka doodaha iyo fikradaha loo dhiibto waxaana meesha qof waliba oo dhageysta ka ahaa kaga cadaanayay in Dhalinta ay u bisil yihiin Hogaaminta Dalka O'gaadeenya ee Xornimada habeenka Kaga dhiman tahay.

 

Ugu danbeyntii Shirkan oo la isku afgartay wax waliba oo lagu soo hadal qaaday ayaa waxaa lagu heshiiyay in xiriirka lasii kordhiyo si isdhexgalka iyo wada shaqeynta Dhalinta sare loogu qaado. Gaba Gabadhii shirka ayaa waxaa Dhamaan Dhalintii kasoo Qeyb gashay ay Guul u rajeeyeen Shirka Gudiga Fulinta ee OYL ku yeelan doonaan Isbuuca soo socda Magaalada Oslo ee WAdanka Norway.

 

 

OYL

M khadar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this