Sign in to follow this  
Abdi2005

Diinsoor: Dagaalkii Diinsoor oo lugu jabiyay Ethiopiankii iyo maleeshiyaadka lasocday

Recommended Posts

Abdi2005   

Diinsoor: Dagaalkii Diinsoor oo lugu jabiyay Ethiopiankii iyo maleeshiyaadka lasocday (2 qori oo Zuu ah iyo Gaawiradoodii iyo 2 Gaari oo waaweyn oo xamuul ah oo siday saanaddda hubka iyo sahayda ciidanka Ethiopianka iyo maxaabiis badan oo laqabsaday)

 

Wararka rasmiga ah ee Godeynews kusoo gaaraya khadadka Thurayaga ee jiidda hore ayaa sheegaya in dagaalkii maanta kaqarxay deegaanka Diinsoor lagag awood roonaaday ciidamada Ethiopianka iyo maleeshiyadkii dawladda Soomaaliya ee fariisinka kuleh Baydhabo.

 

Waxaan idin heynaa wararki oo faahfaahsan illaa iyo hadda waxa dhacay;

 

Dagaalku waxu kadhacay meel 30km ujirta magaalada Diinsoor oo kaga beegan dhinaca magaalada Baydhabo, kaasoo sida maxaakiimtu sheegayaan ay soo qaadeen ciidamada Ethiopianku oo kaashanaya maleeshiyaadka dawladda soomaaliya.

 

Waxaa ciidamada Ethiopianka laga qabsaday 2 gawaari oo kuxiran yahay qoriga Zuuga iyo 2 gawaari oo waaweyn oo sida rasaas iyo saadka ciidanka. Illaa iyo haddana wararka rasmig jiidda hore ayaa waxay noosheegayaan inay si fiican uga adkaadeen Ethiopianki, isla markaasna ay kusii daba jireen firxadkii ciidamada Ethiopianka iyo maleeshiyaadkii dawladda.

 

 

Dhinaca kale xarumuha goballada Jubbooyinka ee Bu,aalle iyo Kismaayo ayaa iyadana laga soo sheegayaa inay kadhacayeen xabaddo dabaal deg ah oo lagu muujinayo guusha ay gaareen ciidamada MMI ee Jubbooyinka oo wali kuraad joogo kuwa Ethiopianka oo laga itaal roonaaday.

 

Rasaastii dagaalka ayaa wali socota oo aan istaagin, balse waxaa warsidaha Godeynews loo xaqiijiyay in laisla gaaray dhul kasii fog meeshii markii hore dagaalku kaqarxay oo katirsan degmada Baydhabo oo dawladda iyo ciidamada Ethiopianka ahba fariisin u ah.

 

Dhinaca dawladda ayaan iyadu wax war ah kasoo saarin jiritaanka dagaalkana iyo guusha ay ciidamada maxaakiimtu sheeganayaan.

 

Waxii war ah ee iska taro khasaariha Dagaalka Diinsoor kala socda Godeynews.com oo jiidda hore kasoo waramaysa.

 

Godeynews.com,

Kismaayo-Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo jab ugu geystay Ciidamada Tikreega Deegaanka Diinsoor oo ay weerar kusoo qaadeen.

 

 

Diinsoor, 08-December-06 ( Qaadisiya.com) Ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa jab lixaad leh gaarsiiyay ciidamada Tikreega iyo kuwa la socda ee calooshood u shaqeystayaalka ah ee ku soo duulay degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

 

Ciidamo Tikree ah iyo kuwa ka tirsan kooxda C/llaahi Yuusuf ayaa manta ku soo duulay degmada Diinsoor,waxaana jilibka u dhigay ciidamada maxkamadaha islaamiga iyo dadka deegaanka.

 

Wararkii ugu danbeeyay oo ay shabakada islaamiga Qaadisiya ay ka soo xigatay saraakiisha ciidamada maxkamadaha ee ku sugan furinta hore ee dagaalka ayaa sheegaya in Allaah uu garabkooda ka baxay ciidamadii duulaanka ku soo qaaday degmada Diinsoor,ciidamada maxkamadaha islaamiga ayaa eryanaya Tikreega iyo kuwa la socda ee sheeganaya Soomaalinimada.

 

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in aaney haatan ka hadli Karin khasaaraha lagu dhigay cadawga,waxa ayna ballan qaadeen in saxaafada ay u soo bandhigayaan jabka cadawga Alle lagaarsiiyay.

 

Ciidamada maxkamadaha islaamiga ayaa ku sii siqaya fariisimaha cadawga,waxa ayna wacad ku mareen in ay sii wadayaan halganka ilaama ciidamada Tikreega laga saarayo ciida Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

Maxkamadaha islaamka oo ka warbixiyey dagaalka Diinsoor ka soconaya.

 

Published: 08 December, 2006 14:13

Maxkamadaha islaamka ayaa ka warbixiyey dagaalka ciidamada Ethiopianka ay maanta kusoo qaadeen degmada Diinsoor ee gobolka Baay waxa ayna sheegeen in dagaalkaasi ay khasaare ba'an ugu geysteen ciidamada Ethiopianka.

 

Ku xigeenka madaxa amniga maxkamadaha islaamka Sh Muqtaar Roobow Abu Mansuur oo saxaafada war siiyey ayaa sheegay in ay la wareegeen 4 gaari oo 2 ka mid ah ay yihiin gawaari qoriga zuuga uu saaranyahay in labo gaari oo UD-ah oo rasaas xoogan ay saarnayd.

 

Abu Mansuur waxa uu sheegay in ciidamada Ethiopianka ee weerarka kusoo qaaday DIinsoor ay dib u waabiyeen isla markaana ay ku qasbeen in u durkaan dhinaca magaalada Baydhabo.

 

" Alle mahadii waan jabinay ciidamada xabashida ee maanta Diinsoor weerarka kusoo qaaday ,waxaana kala wareegnay 4 gaari iyo tuuladii ay weerarka kasoo qaadeen " ayuu yiri Abu Mansuur.

 

Ma jiro war cadeynaya sheegashada maxkamadaha islaamka oo kasoo baxay ciidanka dawlada iyo kuwa Ethiopianka ee maanta weerarka ku qaaday degmada Diinsoor.

 

 

Jibriil Nuur Alghamidi

 

Wakiilka MaraCadey - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this