Sign in to follow this  
General Duke

Balcad: Al Shabaab loose Balcad after heavy fighting

Recommended Posts

Balcad: Al-Shabaab oo awood looga saaray degmada Balcad

10. Januar 2009

 

Balcad(AllPuntland)- Dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyaddiisa kala duwan ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Balcad oo 35 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay Maliishiyooyin kala taabacsan Midowga Maxkamaddaha iyo Ururka Al-Shabaab.

 

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaan la ogeyn khasaaraha uu geystay ilaa iyo hada, hase ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in maliishooyinkii taageersanaa Ururka Al-Shabaab guud ahaan laga saaray degmada Balcad waxaana dagaalka uu markii danbe u gudbay dhinaca baadiyaha.

 

Xaaji Maxaadeey Guudow oo ka tirsan dadka deegaanka Balcad ayaa AllPuntland u sheegay in ciidamo ka tirsan Maxkamaddaha ay maamulka degmada hayaan xiligan isla markaana kooxihii ka tirsanaa Al-Shabaab laga saaray magaalada, waxaana uu Xaajigu uu sheegay in gudaha degmada ay gaaf wareegayaan Gaadiidka Dagaalka iyo ciidamo fara badan.

 

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay xili xubnaha ugu sareeya Maxkamaddaha ay cambaareyn iyo eedeyn ay u jeedinayaan ururka Al-Shabaab, iyagoo sheegay in howlaha ururka Al-Shabaab aysan aheyn kuwo ku saleysan Diinta Islaamka isla markaana tallaabooyinka ay qaadayaan aysan aheyn kuwo ay ku dhaqaaaqaan dad sheeganaya iney yihiin Islaam, Sh. C/raxmaan Janaqow ayaa ku eedeeyay Al-SHabaab in ay wadaan dano shisheeye isla markaana aysan dooneyn in dalka lagu soo dabaalo xasilooni iyo nidaam.

 

AllPuntland, Balcad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this