Sign in to follow this  
General Duke

Beledweyne: The battle for central Somalia

Recommended Posts

Baladweyn: Dagaalo ka qarxay magaalada Baladweyne.

12. januar 2010

 

Baladweyn(AllPuntland)- Wararka APL ka soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ay dagaalo adag waqtigan ka soconayaan gudaha magaalada Baladweyne, kuwaas oo saameyn ku yeeshay magaalada 48 saac ee lasoo dhaafay.

 

Dhinacyada ayaa isku adeegsanaya madaafiicda goobta iyo rasaasta waa weyn, taas oo dhibaato ugeystay dadka rayidka ah oo maalmihii ugu dambeeyey ka baxayay magaalada Baladweyne.

 

Awoodaha iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya magaalada Baladweyne, ayaa waxba iska qaadi ama is loodin la’a, waxaana aad ay dhinacyada siyaasadu uhadal hayaan in maanta ay noqon doonto xaalada Baladweyne mid kala baxa udhaw.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baladweyn: Ciidamo badan oo galay magaalada Baladweyne iyo magaalada oo ay wali xiisad ka jirto.

12. januar 2010

 

 

Baladweyn(AllPuntland)- Xaaladaha magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa kacsan, waxa ayna dhinacyada kala gedisan ee magaalada wada maamulaya wadaan abaabul dagaal oo hor leh, kaas oo ay maanta markale isku farasaari doonan gudaha magaalada, sida lasheegayo oo laga helayo dhinacyada oo isku diyarinaya dagaalo kala gedisan.

 

Gaadiid dagaal oo ay kala leeyihiin dhinacyada dagaalamaya ee Ahlu Suna, dawladda KMG ah iyo Maleeshiyaad beelo isku dhinac ah iyo Xisbul Islaam ayaa galay gudaha magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, waxa ayna gurmadyadaasi keeneen in ay dhinacyadu markale udiyaar garoobaan dagaalo adag.

 

Beelaha wada daga magaalada Baladweyne ayaa kala taageersan dhinacyada kala gedisan, waana mida keentay in ay dhinacyadu kala joogaan gudaha magaalada Baladweyne, waxaana khilaafka dhanka beelaha uu soo taagnaa maalmihii ugu dambeeyey.

 

APL ayaa ogaatay in uu dagaalkan qeyb wanaagsan ku leeyihiin beelaha gobalka Hiiraan, gaar ahaana magaalada Baladweyn, isla markaasna magaalada oo qeybsan Bari iyo Galbeedka ay tahay sababta aysan qeybna-qeybta kale ugu gudbi Karin, waxaana dhinacyada beeluhu ay kala taageersan yihiin dhinacyada dagaalamaya.

 

Maleeshiyaadyo kala xoojin ah oo ka yimid beelaha magaalada ayaa ku darsamay dhinacyada, waxaana la rumeysan yahay in aysan magaalada fududaan Karin sida layskaga qabsado, inkastoo ay galinkii hore ee shalay magaaladu gacanta ugashay xoogaga ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.

 

Al- Shabaab oo maalintii shalay galinkii hore dagaalada gashay ayaa lasheegay in ay xalay magaaladaas geysay gawaari dagaal oo qaarkood ka tagay gobalada ay maamulayaan Al- Shabaab, waxaana lasheegay in ay Al- Shabaab maanta doonayso in ay la wareegto hogaanka dagaalka ee Baladweyne.

 

Xarakada Al- Shabaab ayaa sidoo kale dagaalo kula jirta Ahlu Suna oo dhinacyo badan ay ka dagaalamayaan iyo dawladda KMG ah oo ay isku hayaan difaacyada ku dhaw xarumaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guriceel: Al- Shabaab & Ahlu Suna oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan Galguduud.

12. januar 2010

 

 

Guriceel(AllPuntland)- Xarakada Al- Shabaab iyo Ahlu Suna Waljameeca ayaa ku dagaalamay markale gudaha gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, markii ay dhinacyadaas mudooyinkii ugu dambeeyey isku hayeen gacan ku heynta deegaanada gobalka Galguduud.

 

Dagaalka ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay deegaanka War-Xoolo oo aan ka fogeyn deegaanka Wabxo, waxaana ay dagaaladaasi geysteen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegayaan warar laga helayo dadka deegaanka.

 

Afhayeeno ukala hadlay dhinacyadan ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaaladan, iyagoo sheegay in ay dagaaladu socdeen mudo dheer layskuna adeegsaday hubabka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen weeyaane dhinacyada dagaalamayay.

 

Saraakiisha Al- Shabaab ayaa sheegay in ay dagaalkan ku qabsadeen guud ahaan deegaanadii lugu dagaalamay, isla markaasna ay ka qabsadeen Ahlu Suna hubab iyo gawaari dagaal oo ka qeybqaadatay dagaaladan.

 

Ahlu Suna ayaa dhankeeda sheegtay guul dagaal, waxa ayna sheegtay in ay ayadu maamuleyso dagaaladii lugu dagaalamay, iyadoo sheegtay in ay qabsatay hubab iyo gawaarida dagaalka qaarkood oo ay lahaayeen Al- Shabaab.

 

Sheegashada dhinacyada ka sokow wararka ay helayso APL ayaa xaqiijinaya in ay dhinacyadu wali kala joogaan duleedka meelaha lugu dagaalamay, isla markaasna ay qorshaynayaan dagaalo kale oo ay isku qaadaan markale.

 

Baratanka cida maamuleysa Galguduud ayaa ahaa mid maalmihii ugu dambeeyey si xoog leh uga soconayay gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya, wuxuuna Loolanka Galguduud saameyn weyn ku yeeshay Hiiraan oo ay maamulayeen Xarakada Al- Shabaab & Xisbul Islaam, taasoo keentay in ay Ahlu Suna dagaalada Galguduud urogto gobalka Hiiraan.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heavy fighting erupts in central Somalia, 16 killed

12 Jan 12, 2010 - 12:31:05 PM

 

At least 16 people, mostly fighters have been killed and more than 21 others injured in heavy clashes between pro-government Ahlu Sunnah Wal Jamaa and Al-Shabaab insurgent group in a central Somali village.

 

The fighting broke out on Monday and continued into late Tuesday in Wabho village, near the central town of Elbur in Galgadud region where the two sides engaged on heavy gun battle.

 

Sheikh Abdullahi Abdirahman Abu Yussuf, a spokesman for the Ahlu-Sunnah group claimed that they have killed several of Al-Shabaab fighters.

 

"The fighting, which started early today and stopped later in the day was intense. Some of the dead bodies of Al-Shabaab fighters are scattered all over the place," he said, adding that the village together with neighbouring Warhole is still under their control.

 

The casualty from yesterday’s fighting is reportedly over 10 with some buried early today before the resumption of the clashes.

 

Clashes also rocked Warhole early on Tuesday and some reports suggest that as many as 12 people have been killed.

 

Abu Yussuf has vowed to continue with the fighter until they capture Elbur, a military base for Al-Shabaab.

 

"We will not stop the fighting until we seize the control of Elbur, which is currently under Al-Shabaab. We are prepared to clear the region from any Al-Shabaab power,” he noted.

 

A l-Shabaab officials are yet to comment about the latest clashes.

 

The two groups, which have been battling for the last two years, have started this year with heavy military confrontation over the control of major towns in central Somalia, which claimed the lives of more than 80 people.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this