Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Center for Dialogue an Human Righs

Recommended Posts

SDWO (Hargeisa 20/07/08) Xarun cusub oo la magac-baxday 'Center for Dialogue an Human Righs,' ayaa si rasmi ah xalay looga furay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Xaruntan cusub oo shaqayn doonto arrimaha wadahahadallada bulshada dhexdeeda iyo xuquuqda aadanaha, isla markaana ay aasaaseen aqoonyahanno reer Somaliland, ayaa xaflad ballaadhan oo loo sameeyey furiteenkeeda oo lagu qabtay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, axsaabta mucaaradka, goleyaasha Baarlamanka, ururrada waddaniga iyo xubno ka kala socday hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa xuquuqal-insaanka.

Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah masuuliyiinta ka hadlay furitaanka xarunta cusub, ayaa sheegay baahida bulshada Somaliland u qabeen in ay helaan xarumo ka shaqeeya isu-soo-dhoweynta ummadda iyo xuquuqda aadanaha, waxaannu masuuliyiinta aasaasay xaruntan kula dardaarmay in aan hindisaha xaruntoodu noqon mid muddo kooban shaqeeya, balse ay noqoto mid sii shaqaysa oo waxtar iyo faa'iido weyn u soo kordhiya shacbigooda.

Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale oo isna munaasibaddaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa ballanqaaday in ay xukuumad ahaan gacan weyn ka geysan doonaan sidii xaruntu u hana-qaadi lahayd, isla markaana la yeelan doonaan wadashaqayn buuxda.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaa ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga UCID Mr. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee KULMIYE Mr. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Faarax iyo Cumar Jaamac Faarax oo ku hadlayey magaca xisbul-xaakimka UDUB, kuwaas oo dhammaantood si weyn u soo dhoweeyey furitaanka xarunta cusub oo ay ku tilmaameen mid si weyn loogu baahnaa in shacbigu heleen goobo ay ku wadahadlaan.

Xaruntan cusub oo ay aasaaseen aqoonyahanno reer Somaliland oo isu xilqaamay inay bulshadooda ka badbaadiyaan dhibaatooyinka ka dhasha khilaafyada, isla markaana u helaan fursado ay ku wadahadalaan si isfaham uga dhasho, sidoo kalena waxa ay qayb weyn ka qaadan doontaa arrimaha xuquuqal-insaanka.

Guddoomiyaha Center for Dialogue and Human Righs Mr. Mubaarak Ibraahim iyo xubnaha aasaasayaasha xarunta cusub oo kala ah; Cabdiraxmaan Ibraahim Muuse, Maxamuud Xuseen Faarax, Mustafe Aadan Muuse, Aadan X. Cali Axmed, Cabdixakiim Muxumed Aw Cabdi, ayaa dhammaantood ka warramay sababaha keenay aasaaska xaruntooda cusub iyo hawlaha ay qaban doonto.

Xarun cusub oo la magac-baxday 'Center for Dialogue an Human Righs,' ayaa si rasmi ah xalay looga furay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this