Sign in to follow this  
qumane

Jawaab ku socota I. Buubaa iyo inta Somaliland diidka ah

Recommended Posts

qumane   

Hawraar Jawaaba oo ku socota I. Buubaa

 

Hirdanka nolosha iyo mowjadaheega isbadalaya dadku isku aragti kama aha, Rabina abuurteenii dabadeed nin walba kitaab qumane ah ayuu qoorta u sudhoo, lagumo dhaamaa, la yidhi. Saxa iyo khaladkana culimada aqoonta loo ogyahay markay kala saari wayeen waxay yidhaahdeen “nothing is good or bad only thinking mind made it†aniguna adiga ku odhan mayo anaa saxan oo adaa khaldan balse sheeko murtiyeedkan hoos ku qoran ku xeel qaado.

 

Baribaa waxa jiray nin boqor ah oo meel magaalo yar ah xukumi jiray, boqorkii ayaa waxa uu u baxay safar, magaaladiina waxa uu kaga sii tagay ku xigeenkiisii, halka uu dhawr qof oo uu ku jiro ninka faaliyihiisa ahaa ay ka raceen. Safarku mudo dheer ayuu qaadanayay waayo wakhtigaa gadiid dheereyaa muu jirin. Deeganka waxa ka jirtay abaar aad u xun intii uu boqorku ka maqnaana abaartii way ku sii xumaatay, biyo la’aan iyo kulayl ayaana magaaladii dhibaato badan gaadhsiiyay, tan iyo intii ay mudo badan dabadeed daruuryar oo roob ahi ay u da’day magaaladii. Dadkii biyo la’anta iyo abaartu haysay waxay bilaabeen inay roobkii yaraa ka fa’iidaystaan oo ay ka dhaansadaan, dhamaantoodna biyihii ayay wada cabeen. Dhibi waxay ka joogtaa roobkan magaalada u da’ay waxa ku jiray khamri (alcahol) dhamaana dadkii magaalada oo dhamina way wada sikhraameen oo wada waasheen.

Iyagoo dadkii sikhradii ku jira oo isku xukuma ayuu boqorkii iyo waftigiisii soo noqdeen. Dadkii magaalada ayaa isu soo baxay si uu boqorku ugaga waramo safarkiisii iyo wuxuu kala kulmay. Boqorkii markuu hadalkii bilaabay ayaa dadkii madaxa gacanta saareen oo yabeen “maxaa lagu sameeyay sowkan boqorkii iyo intii la socotay soowaalatay†ayaa la isku yidhi. Dadkii iyagoo aad u naxsan oo yaaban ayay boqorkii iyo waftigiisii qaqabteen oo meel ku xidheen, shirarno way bilaabeen bal waxa laga yeelayo. Boqorkii iyo waftigiisii tallaa ku balaadhatay, “maxaa dhacay oo la idinku haystaa ayay is waydiiyeen†Intii qoladii shirka ku maqnayd ayuu boqorkii faaliyihiisii ku yidhi bal arinkan sheeg waxa laga yeelayo iyo waxa magaaladii ku dhacay adaa faalka yaqaanaye. Faaliyihii wuu faaliyay oo wuxuu ogaaday in magaalada intii ay ka maqnaayeen daruur khamri ahi ay u da’day dadkuna wada sikhraansan yahiin. Markuu warkaa sheegay ayaa waftigii boqorku waxay is waydiiyeen maxaa laga yeelayaa. Faaliyii wuxuu u yeedhay askartii ilaalinaysay oo wuxuu ku yidhi waanu oomanahay ee biyo aanu cabno noo keen. Askarigii wuxuu u keenay biyahii ay ka dhaansadeen roobkii khamriga ahaa, faaliyihii wuxuu ku yidhi na wada cabsii, markii la wada cabsiiyayna, boqorkii iyo dhamaanba intii la xidhnayd ayaa iyaguna halkaas ku sikhraamay. Mudo yar ka dib waxaa u yimid ku xigeenkii boqorka iyo dadkii magaalada oo is leh bal eega sida ay yihiin, waxaanay arkeen boqorkii iyo asaxaabtiisii oo iyaguna sikhraansan sidooda oo kale, markaasay yidhaahdeen “Alaa waar sowkuwa bogsaday ee uu ilahay caafimaadkoogii u soo celiayay xadhkaha ha laga furoâ€. Halkaas ayaan boqorkii boqornimaddiisii loogu soo celiyay oo magaaladii waalidii isku wada xukuntay.

 

Nuxurka qoraalkaygu wuxuu yahay dadku haddii ay kala aragti duwanyahiin waxa laga yaabaa in midba midka kale uu u arko inuu waalanyahay balse, maahmaah Somaliyeed baa tidhaa “meel lagu il laayahay haddii aad tagtid ishaa la iska ridaaâ€, oo dadkaa wax lala qabaa.

Waxaynu ka haynaa Maxamed Xaashi inuu mar yidhi “Ilaahayoo tolkay ama sidayda ka dhig ama aniga sidooda iga dhigâ€. Balse anigu sidaa kuugu ducayn maayo ee waxaan odhan lahaa Ilaahow Ismaciil Buubaa sida tolkii ka dhig.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this