Sign in to follow this  
General Duke

Italy, USA, Sweeden and Belgum invite President Yusuf of Somalia

Recommended Posts

Talyaaniga, Mareykanka iyo Dalal Kale oo Martiqaaday Madaxweyne C/llahi Yuusuf

 

Madaxwaynaha dhawaan la caleema saaray ee Soomaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa lagu wadaa in uu booqoshooyin ku soo kala bixiyo waddamo reer galbeed ah si uu ugu bandhigo sharraxaadna uga bixiyo baahida degdega ah ee dawladdiisa .

 

Sida aynu ka helayno ilo wareed o lagu kalsonaan karo wuxuu madaxweynuhu martiqaad ka helay waddamada Talyaaniga , Swedan, Jarmalka,Biljam,Maraykanka iyo dalal kale kuwasoo dhammaantodba u fidiyay madaxwaynaha casuumaad .

 

Wadanka Talyaniga ayuu ku beeganyahay madaxwaynuhu 24-ka bishan isagoo wadahadalo ku saabsan arrimaha Soomaaliya kula yeelanayo halkaa xukuumada Talyaaniga .

 

Isla 29-ka bishan ayuu madaxwaynuhu ka qaybqaadanayaa shir caalma ah oo lagu gorfaynayo sidii Soomali loo siin lahaa dhaqaale ay u kaashato dib u dhiskeeda, kaasoo ka dhacaya waddanka Swedan . shirkan caalamiga ah ayaa waxa ka mid ah ururda ka qaybqaadanaya Bangiga Adduunka ,Q.M, Ururaka Midawga Yurub,Midawga Afrika,Jaamacadda Carabta,waddamada waawayn ee deeq bixiyayaasha ah oo ay ugu horreeyaan Maraykanka iyo Jabbaan.

 

Sida ay sheegayaan wararku waxa uu madaxwaynhu hordhigayaa shirkaa caalamiga ah qorshaha baahiyeed e dawladdiisa cusub iyadoo codsigu uu u badnaan doono sida waddamadaasi kaga qaybqaadan lahayaeen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

C/llaahi Khadar

Budbud33@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Jarmalka oo sheegaysa inay iskaashi buuxa la yeelaneyso dowlada cusub ee Soomaaliya.

 

October 17, 2004. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Dowlada Jarmalka ayaa sheegaysa inay iskaashi buuxa la yeelaneyso dowlada cusub ee Soomaaliya, ayna ka caawin doonto adeegyada kala duwan ee dhinaca bulshada.

 

 

 

Kulan dhexmaray guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo u qeybsanaha arrimaha Soomaaliya ee safaarada Jarmalka, ayaa la iskula soo qaaday xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Jarmalka.

 

 

 

U qeybsanaha Jarmalka ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowlada Jarmalka ay gacan ka siin doonto baarlamaanka Soomaaliya arrimaha tababarada, islamarkaana waxa uu intaa raaciyey in dowladda cusub ay taageeri doonaan dibu habeynta qeybaha kala duwan gaar ahaan ciidamada Police, arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyo kale.

 

 

 

U qeybsanaha waxa uu ugu baaqay wadamada kale ee Yurub inay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

 

 

Guddoomiyahay baarlamaanka federaalka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulankaasi ka hadlay ayaa ka war bixiyey dadaalkii loo galay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka soconaya magaalada Nairobi, iyo dhibaatooyinkii Afar iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay uu ka dhaxlay shacabka Soomaaliyeed dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana la filayaa guddoomiyaha federaalka ee baarlamaanka Soomaaliya inuu dhowaan booqasho ku tago dalka Jarmalka, isagoo ka jawaabaya martiqaad uu ka helay safaaradda Jarmalka ee Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this