Jacaylbaro Posted February 7, 2008 Aqoon is waydaarsi u furmay cuqaasha iyo wax garadka reer Sanaag oo ka furmay Ceerigaabo Ceerigaabo(Qarannews) -Cuqaasha beelaha dega gobolka Sanaag iyo waxgarad kale oo isugu jira xubno maammulka kasocda iyo xubno kasocda aqoonyahanka qaybaha kale ee bulshada ayaa maanta xarunta maammulka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo waxa uga furmay aqoon isweydaarsi socon doona muddo saddex casho oo kusaabsan adkaynta nabadda. Aqoon isweydaarsigan oo ay iska kaashadeen hay’adda Care International oo maalgelisey iyo SCBO oo qabatay ayaa ugu horrayn halkaas waxa hadal kooban ka jeediyey guddoomiyaha fulinta SCBO Xasan-Bulsho kaas oo hadalkiisii ay kamid ahayd “Kal hore waxyaabihii aynu halkan isugu nimid ee kusaabsanaa adkaynta nabadda iyo maammul wanaagga ee qaybaha xubnihiinna maanta aad kasocotaan iyo hay’adaha sharciga waxyaabihii aad kazoo jeediseen ama go’aannadii aad kazoo saarteen iyo qoraalladii aynu ka diyaarinnayba wixii ka qabsoomay waynu isla arki doonnaa, isla sannadkan-na waxyaabaha laynoogu talo galay waxa kamid ah 6 aqoon isweydaarsi oo noocan oo kale ah (4 Ceerigaabo, 1 C/afweyn iyo 1 Biyoguduud) iyo waxyaabo kale oo badan oo aannu rajaynayno adkaynta nabadgelyada iyo isdhexgalka bulshada in ay wax badan ka tari doonaan sida MCH halkan laga dhisi doono, jaraa’id bil-le ah oo muddada 8 bilood ee hawshani socoto halkan kazoo bixi doona jaa’isado lasiin doono xubno xagga nabadgelyada bulshada dhexdeeda si wax ku ool ah ugasoo shaqeeyey iyo weliba xataa xiisado ardayda dugsiyada lagu siin doono nabadda iyo isdhexgalka bulshada”. Xubin kamid ah hay’adda Care Mr-C/raxmaan oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa isagoo uga mahad celiyey xubnahan nasiibka u yeeshay aqoon isweydaarsigan wuxu ka warramay ujeeddada aqoon isweydaarsigan iyo faa’iidada laga heli karo, isagoo sidoo kalena ku boorriyey xubnahan in ay bulshada uga faa’iideeyaan aqoonta ay halkan ka korodhsadaan iyo iyaga dhexdooduna wixii iyo sidii adkaynta nabadda ay kazoo jeedina karaan ay ku kala faa’iidaystaan. Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid ayaa isagoo halkaas hadal kooban ka jeediyey wuxu ugu horrayn u mahad celiyey hay’adaha SCBO/Care isagoo sidoo kalena ay hadalkiisii kamid ahayd “Nabadda xooggeedu weli gacanta cuqaasha/waayeelka ama waxgaradjka ayay kujirtaa, idinkuna waa in aad ku dedaashaan sidii mar kastaba loosii adkayn lahaa iyo sidii bulshadeennu isusii dhexgeli lahayd taasi oo qayb weyn ka ah adkaynta nabadgelyadeenna”. C/laahi Xuseen darwiish Qarannews Ceerigaabo Quote Share this post Link to post Share on other sites