Sign in to follow this  
General Duke

Ing Maxamad Xuseen Caddow : The credible candidate from Mogadishu, my no 2

Recommended Posts

If Yey loses I hope this guy wins, he is young articulate and will do a good job.

 

Ing, Caddow oo maanta shaaciyay in uu yahay musharax.

 

Ing Maxamad Xuseen Caddow oo ah musharaxii ugu dambeeyay ee is sharaxa oo xilkaasna isku taagay mudo shan maalmood ka hor ah ayaa maanta Qabtay Munaasabad Qaddo sharaf ah oo lagu qabtay Hilton Hotel.

 

Ing Caddow oo wax badan ay isku siyaasad ahaayeen Muuse Suudi yalaxow oo laf ahaantiisa u sharaxan xilka madaxweyne ayaa maalmahan yari waxaa aad u hadal haya dad badan iyagoo qaba in ay wataan beesha caalamka iyo waliba IGAD sida wararkaas ay tilmaamayaan (laakiin xaqiiq rasmi ah aan ahayn somalidana qofkii ay arkaan isagoo dad dibada ah la shiraya u qaata in ay garab siinayaan)

 

munaasabadan oo lagu casuumay baarlamaanka qaarkiis una badnaa beesha mudulood ganacsato dad kale oo caadi ah ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Cali Ugaas C/lle oo sheegay in beesha mudulood ay isku raaceen in uu musharax u noqdo Ing Caddow sida uu hadalka u dhigay, kana dalbaday musharaxiinta kale in ay u tanaasulaan,balse waxaan imaanin goobtaas Maxamad Dheere,Muuse Suude,Faarax Sendiko,oo dhamaantood ay yihin isku beel wadana dadaalkooda musharaxnimo,walina aan wax war ahi ka soo baxin.

 

Ing Caddow oo ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in uusan ku fakarin in uu xilkan u istaago balse ay ku dhalatay maalmo ka hor markii taageero ka helay sida uu sheegay Ing caddow qaar ka mid ah Asaxaabtiisa siyaasadeed,beesha uu ka dhashay iyo saaxiibo kale oo uusan sheegin,waxa uuna sheegay in uu ku qanacsan yahay in uu xilkan u istaago hadii la doortana uu wax wayn soo kordhin doono,isagoo waaya aragnimo badan haysta sida uu tilmaamay,waxa uu qaban doona ugu horeysin doona Nabad ka dhalata dalka isku keenida shacabka iyo waliba hubka la aruuriyo.

 

Isla munaasaban waxaa isku casilay sadax musharax oo ka mid ahaa beesha mudulood iyagoo sheegay in ay u tanaasuleen Ing Caddow.musharaxintan ayaa kala ahaa.

1.C/qaadir xuseen macalin.

2.Sacid tooxow Maxamad.

3.Yuusuf Maxamad foodey Xaji Dol.

 

Dhamaantood waxay sheegeen in ay u tanaasulayaan Ing caddow ayna taageerayaan isaga,waxay sheegeen in beeshooda muduloodna ay ninka u daayeen jagada musharaxnimo.

 

Musharaxinta badankood ayaa ku dhisan hab siyaasadeed ah in ay codadka ay helaan saxiibadood ama beelahooda ay siiyaan marka ay doorashada gababo tahay musharaxa ay ka dhaxayso siyaasadda.

Canab Abdule

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa Kuma Inj. Maxamed Xuseen Caddow, maxaase keenay in si lama filaan ah loogu saadaaliyo in uu noqonayo madaxweynaha dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya?

 

Isniin, October 04, 2004

 

 

Waxay ahayd asbuuc gudahiis markii todobaadkii hore si lama filaan ah uu u soo baxay musharax durbadiiba qal qal xoog leh geliyay siyaasiyiin caan ah oo loo tirinayay in ay ku guuleysan karaan tartanka jagada madaxweynenimo ee dowladda dhismaheeda loo fadhiyo shirka Soomaalida ee ka socda dalka Kenya. Waxaa la arkay iyadoo musharaxan cusub uu ka soo guuray Hotel-ka 680 ee magaalada Nairobi, isla markaana uu soo degay kuwa ugu qaalisan hotellada caalamka ee Hitlton ee ku yaala isla magaalada Nairobi, waxaana wehliyay labo gaari oo mid uu yahay Mercedes la mid ah midka ay isticmaalaan madaxda dalka Kenya iyo mid kale oo ah Landcrouser aad u qurux badan, taasoo durbadiiba isku soo jiiday in ay is-arkaan musharixiin aan horay isu arag tan iyo markii uu bilowday olalaha musharixiinta, waxaana guud ahaan magaalada Nairobi Soomaalida ku sugan hareeyay culeyska uu la yimid musharaxan cusub oo ay durbadiibana bilaabatay in la is-weydiiyo ninkan gilgilay musharixiinta kale iyo weliba cidda gadaal ka riixeysa?.

 

Inj. Maxamed Xuseen Caddow waa nin aan hadal badneyn, balse aad u howl badan marka loo fiiriyo taariikhdiisa wax qabad ee gudaha Soomaaliya, mana ahan shakhsi looga sheekeynayo xaaladda soomaaliya waayo waxaa uu u soo joogay dhibaatooyinkii dhacayay dhowr iyo tobankii sano ee aynu ka soo gudubnay, dalkuna uu dowlad la'aanta ahaa, waxaana markii ugu horeysay lagu arkay deegaanka Far Janno xiligii lagu jiray halgankii lagu ridayay rijiimkii Maxamed Siyaad, waxayna dadka aadka u yaqaana ay sheegayaan in uu waqtigaas iska soo dayacay dhaqaale ka soo gelayay shirkad Talyaani ah oo ka howlgeleysay dalka Liibiya, isla markaana uu ka doorbiday in uu aqoontiisa ku bedesho ka qeybgalka halgan habeenno aad u badan loo jiifay keymaha oo uu hoggaaminayay Marxuum Maxamed Faarax Caydiid.

 

 

Inj. Caddow, waxaa uu haatan ka mid yahay hoggaamiyayaasha kooxaha ee ka jira magaalada Muqdisho, balse waxaa uu saaxibadiisa kale uga duwan yahay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin in maleeshiyooyinkiisa aaney canshuur ka qaadan guryaha iyo goobaha ganacsiga ee degmooyinka ay ku xoogga badan yihiin ee qeybo ka mid ah Shangaani, C/casiis iyo Xamarweyne, sidoo kalena ma ahan siyaasi inta badan wareysiyadiisa laga maqlo qalabka warbaahinta sida saaxibadiisa kale, wuxuuna sheegay mar la weydiiyay sababta arrintaas keentay iyo in uusan saxaafadda la hadlin ayuu ku macneeyay in aaney jirin siyaasad horumar leh oo is-taahisha in la maqashiiyo shacabka, isla markaana ay ku adag tahay ka dhaadhicinta shacabka arrimo qiyaali ah, sidoo kalena waxa uu uga duwan yahay saaxibadiisa kale in uusan ku jirin kuwa aan is-arki karin amaba kulmi karin, waxaana lagu yaqaanaa in uu xiriir wanaagsan la leeyahay dhammaan hoggaamiye kooxeedyada kale ee magaalada Muqdisho naceyb kasta oo ka dhaxeeya, waana tan keentay in uu Inj. Caddow noqdo maskaxdii ka dambeysay horumar dhowr ah oo laga sameeyay gudaha magaalada Muqdisho, sida isku xirkii Xuseen Caydiid iyo Cali Mahdi ee keenay in ay Muqdisho u sameeyaan maamul ay La-guddoomiyeyaal ka yihiin, xiligaasna waxay ahayd sanadkii 1998-kii, isagoo weliba ka mid ahaa ku xigeenadii hoggaankii Cali Mahdi ee USC/SSA. Markii uu fashilmay maamulkaas ayaa mar kale la arkay Inj. Caddow oo ka dhex shaqeynaya siyaasiyiin kala af-kaar duwanaa, balse ay ka dhaxeysay naceybka ay u qabaan SRRC-da uu odayga ka yahay Col. C/llaahi Yuusuf, waxaana dadaalkiisaas oo uu tiir dhexaad u ahaa ka dhashay ku dhawaaqistii golaha Samatabixinta ee dabayaaqadii sanadkii hore lagu dhisay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo markaasina guddoomiye loogu doortay Muuse Suudi Yalaxow, waxaana wax yar kadib ku xigay u kala dab qaadistii uu ka dhex sameeyay sidii la isugu xiri lahaa Samatabixinta iyo TNG-da, taasoo noqotay mid lagu guuleystay oo uu ka dhashay heshiis toban qodob ka koobnaa oo ay labada dhinac ku wada saxiixeen Hotelka Shaamow ee magaalada Muqdisho, mana ahayn arrin aad u fudud in la maqlo Muuse Suudi oo aqoonsaday madaxweynenimada C/qaasim Salaad Xasan, marka loo fiiriyo heerkii ay kala joogeen oo ay mar C/qaasim ka gaartay in uu Muuse Suudi ku tilmaamo nin mujrim ah, halka uu Muuse Suudi u sheegay maleeshiyooyinkiisa in ay madaxa ka toogtaan haddiiba uu xiriir la sameeyo C/qaasim Salaad, waxaana heshiiska labadan qeybood ku jiray in maamul xoog badan loo sameeyo magaalada Muqdisho, iyagoo qalinka iskula duugay in ninka ugu haboon ee ka bixi kara qabashada xilka maamulkaasna uu yahay Inj. Maxamed Xuseen Caddow, walow ay arrintaas markii dambe dhicisowday kadib markii uu mad madow ka dhashay arrinta shirka dib u heshiisiinta uu soo kala dhexgalay Muuse Suudi iyo C/qaasim Salaad.

 

Inj. Caddow, ma ahan nin la tegay madasha shirka dib u heshiisiinta dhaqaale uu ku iibsan karo xildhibaanada baarlamaanka, si ay u siiyaan codadkooda, sida lagu arko musharixiinta intooda badan, waxaana maalmihii tegay soo if-baxday arrin aad uga yaabisay Soomaalida ku sugan madasha shirka, taasoo ahayd in uu Inj. Caddow noqday musharixii ugu horeeyay oo ay Soomaalidu, gaar ahaan kuwa lacagta heysta ku taageeraan dhaqaalahooda, sida ay xaqiijiyeen ganacsato iyo siyaasiyiin ka soo laabtay madasha shirka, kuwaasi oo soo gaaray magaalada Muqdisho, "Musharixiintu waa mid ay dadku rabaan iyo mid isaga is-wado oo aamisan in uu jeebkiisa wax ku noqonayo" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadaas, waxaana sidoo kale la soo weriyay in uu Inj. Caddow aad uga xishoonayay in uu fagaare la soo istaago oo uu yiraahdo "Waxaan doonayaa in la i doorto", waxayna wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in lagu qasbay in uu maanta ama berito qabto shir jaraa'id oo uu kaga dhawaaqo musharaxnimadiisa, bacdamaa ay maalin uun ka harsan tahay waqtiga loo qabtay in ay musharixiinta ku soo gudbiyaan codsiyadooda iyo lacagta dibaajiga ah ee gaareysa labada kun doollar, isla markaana qofkii aan ku soo gudbin loo qaadanayo in uu ka tanaasulay, sida uu horay ugu dhawaaqay guddoonka cusub ee baarlamaanka, sidoo kalena waxaa uu maanta kulan la leeyahay xildhibaanada ka soo jeeda qeyb ka mid ah beesha Direed, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah xildhibaanada beeshaas.

 

Magaalada Muqdisho markii la maqlay musharaxnimada aan weli soo shaac bixin ee Inj. Caddow siyaabo kala duwan ayaa loo dareemay, ugu horeyntiina inta badan aqoonyahanada iyo waxgaradka magaalada, gaar ahaan kuwa aad ula socday kaalintiisa siyaasadeed ayaa ku tilmaamay in uu Inj. Caddow yahay ninka ugu shakhsiyadda wanaagsan, uguna aqoonta badan marka loo fiiriyo hoggaamiyayaasha kale ee kooxaha hubeysan oo markaasina aan isaga iyo maleeshiyooyinkiisa lagu tirineynin fal dembiyeedyo la ogyahay oo ay geysteen tan iyo markii ay bur burtay dowladdii Maxamed Siyaad Barre, isla markaana uu ahaa nin laga nabadgelayo afkiisa iyo addinka maleeshiyooyinkiisa, walow ay qaar ka mid ah taageerayaasha musharixiinta kale ee ku sugan Muqdisho aaney soo dhaweyn weyn ka muujin soo shaac bixidda musharaxan, iyagoo u arkaya Inj. Caddow nin caqabad ku noqon kara rajada musharixiinta ay kala taageersan yihiin, waxaase qiimeyn taasi ka duwan ka bixiyay afti laga qaaday dad kala duwan oo ku nool deegaanada Waqooyiga Muqdisho oo uu musharaxan ka soo jeedo, kuwaasoo sheegay in Inj. Caddow musharaxnimadiisa ay xal u noqoneyso iska hor imaadka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada hoggaamiye kooxeed ee xildhibaanada noqday ee kala ah Muuse Suudi iyo Maxamed Dheere, kuwaasoo la rumeysan yahay in aaney isu tanaasuli karin, isla markaana aanu midba kan kale ogolaan doonin haddii uu kaga hormaro amaba haddii aan si kale u dhahno uu mudnaanta kaga helo dhismaha dowladda cusub uu mucaaradnimo kala hor imaan doono, waxayna qaar ka mid ah dadkaas u jeediyeen Muuse Suudi iyo Maxamed Dheere in ay u tanaasulaan Inj. Caddow oo ay ku taageeraan musharaxnimadiisa, si beesha Mudullood ee ay ka soo wada jeedaan ugu guuleysato jagadaas, walow ay gaarista guushaasna ku xiran tahay hadba cidda ay codadkooda siiyaan inta badan 275-ka mudane ee baarlamaanka.

 

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta kooxaha hubeysan ee Soomaaliya waxaa ay horay u sheegeen cidda ay la shaqeyn doonaan haddii aaney iyaga ku guuleysan tartanka doorashada madaxweynenimada, wuxuuna Xuseen Caydiid gebi ahaanba meesha ka saaray in ay doorashada ku soo baxaan wax uu ku tilmaamay haraadigii Maxamed Siyaad Barre, taasoo uu weliba kaga sii digay in ay dib u soo celin doonto halgankii hubeysnaa, isla markaana meesha looga saari doono amaba jilbaha dhulka loo dhigi doono sida TNG-dii uu madaxda ka ahaa C/qaasim Salaad, sidoo kalena Muuse Suudi ayaa horay dhowr jeer u sheegay in uu aqbalayo oo kaliya in uu xilka madaxweynenimada qabto mid ka mid ah wax uu ugu yeeray mujaahidiinta soo halgantay. Col. C/llaahi Yuusuf ayaa isna laga hayaa in uu yiri in haddii doorashada looga adkaado aanu aqbali doonin in uu la shaqeeyo shakhsi aan la soconin, isla markaana wax ka qaban karin xaaladda Soomaaliya, kaasoo sida uu yiri gurigiisa iska seexanaya, marka la isku soo hooriyo sifayaashaas ma ahan kuwo ka muuqda Inj. Maxamed Xuseen Caddow, tiiyoo ay weliba u wehliso in uu yahay shakhsi darajo sare ka wata mid ka mid Jaamacadaha ku yaala Dalka Talyaaniga oo uu ku soo bartay cilmiga Injineeriyada.

 

Inj. Caddow ma ahan sida lagu yaqiinay nin aaminsan qadadka ay hoggaamiye kooxeedyadu ka sameysteen magaalada Muqdisho, waxaana marar badan lagu arkayay waddooyinka Muqdisho oo uu isaga dhex gooshayay xilliyo dambe oo habeenkii ah, isagoo aaney wehlin wax tikniko ah, marka laga reebo ilaalada la saaran gaarigiisa, isagoo weliba aan ku jirin hoggaamiyayaasha leh balwadda sida Qamriga, Qaadka iyo Sigaarka, wuxuuse aad u jecel yahay oo balwad u ah Kafeega iyo Koboshiinka, sida ay saxaafaddu ku taqaano, wuxuuna inta badan suxufiyiinta uu la kulmo halkii ay ka qaadi lahaayeen wareysiyo uu ugu bedelaa doodo ku saabsan sidii ay taageero uga geysan lahaayeen dib u soo nooleynta nabadgelyada iyo adeegyada bulshada ee dalka, gaar ahaan tan caasimadda oo uu saxaafadda ku canaanto in ay aad uga hurdaan.

 

Haseyeeshee su'aasha ugu adag ee la is-weydiinayay maalmahaan ayaa ahayd cidda gadaal ka riixeysa musharaxan oo wadata marka laga soo tago Soomaalida, waxaase ugu horeyntii soo if-baxaya warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in mas'uuliyiinta Talyaaniga oo uu dalkooda wax ku soo bartay ay niyad wanaagsan u hayaan musharaxan, isla markaana ay aad u soo dhaweeyeen wakiillada dalalka reer Yurub ee ku sugan madasha shirka, maadaama uu Talyaanigu yahay furaha Yurub ee arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena qaar ka mid ah dalalka IGAD ayaa la soo sheegayaa in ay iyana soo dhaweynayaan musharaxnimada Inj. Caddow, walow aaney taasi ahayn mid weli si buuxda u soo shaac baxday, laakin sidaasoo ay tahay waxaa la soo weriyay in maalmihii tegay halka uu ka degan yahay Hotel-ka Hilton ee magaalada Nairobi ay ku badnaayeen socodka dadka ajaaniibta ah, taasina waxay muujisay in musharaxan uu yahay nin hanan kara kalsoonida beesha caalamka, haddiiba uu ku guuleysto tartanka madaxtinimo ee Soomaaliya oo qabashadiisa maamlmo uun ka harsan yihiin.

 

Waxaa isku soo uruuriyay:

Share this post


Link to post
Share on other sites

I have suspicions about this character due to his close affiliation of the politics of Muse Sudi Yalahow.

 

Abdulahi Yusuf Yey is my number one candidate too, for he's the only person strong enough to lead Somalia from this misery. But my second option goes to Abdulahi Ahmed Addow, even though I was flabbergasted about the remark he said to Abdulahi Yusuf Yey.

 

Addow said: "If I win and Abdulahi Yusuf becomes prime minister and vice versa, either way, the Reer Galkayo will rule Somalia again!"

 

it shows he does have his quircky side, but in Somali politics you have to accept a politician's shortcomings.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nationalist,

 

I agree with you on my points but I don’t agree with Abdullahi Adow. He is incompetent weak man who has very little influence with his own sub-sub clan. As for reer Galkacyu don’t read much onto that, I actually am fervently against a reer Galkacyu or reer anything alliance, what happens to the rest of the country, how does such an alliance benefit the state?

 

Why I chose the new Adow is that he is an energetic fellow who can bring a new dimension to Somali politics, he was not part of Siyad’s regime, he is not anti Puntland or Somaliland and has grassroots support from most of the clans of Mogadishu as he is not from either of the two big guns.

He has worked with Ali Mahdi and Musa Sudi but now is a rival candidate to Musa and Mohamed Dhere.

 

Out of Abdiqasin [failure TNG] Abdullahi Adow[weak], Qaynyare, Sudi Yalaxow, Mohmed Dhere, Xuseen Aydeed. He is the most credible candidate from Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

he's the only person strong enough to lead Somalia

At this point in time what we need is not another dictator, but an able statesman.

 

Once you lay down the machinations for a "strongman" rule in Somalia, I'm 100% certain we will just come back to where we are now.

 

 

As for Smith, whether you admit it or not, the most credible candidate coming from reer Xamar (if you want to call it that) is Abdulahi Addow.

 

And he is the one with the best chance too.

 

 

Addow said: "If I win and Abdulahi Yusuf becomes prime minister and vice versa, either way, the Reer Galkayo will rule Somalia again!"

I'm positive he didn't utter such nonsense. Plz don't libel anyone with such nonsense. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this