Sign in to follow this  
xiinfaniin

Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida oo bakoorado Kula wareegay Gacan ku haynta Gol

Recommended Posts

Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida oo bakoorado Kula wareegay Gacan ku haynta Golaha

 

Hargeysa, Jan. 11, 2010 (Jam) - Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Guurtida, ayaa shalay bakoorado kula wareegay gacan-ku-haynta xarunta golaha ee magaalada Hargeysa, iyaga oo hoolka fadhiyada dibadda uga dareeriyey ku-simaha Guddoomiyaha, xoghaynta iyo xildhibaannada muxaafidka ah oo u soo diyaargaroobay fadhi goluhu u ballansanaa.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Shekh Axmed Sheekh Nuux Furre oo u soo diyaargaroobay inuu furo golaha, ayey mudanayaal gadoodsan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee Golaha Md. Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) waxay kala hortageen erayo cadho badani ka muuqato, iyaga oo u sheegay sheegay in Goluhu xidhan yahay illaa iyo inta uu dalka ku soo noqonayo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaang Gaal).

 

Waxa halkaa ka dhashay buuq iyo saxawan xooggan oo sababay in Guddoomiyaha Guddida joogtada ee Golaha Guurtida Md. Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) uu bakooradeeyo Md. Cabdillaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah xildhibaanadda muxaafidka ah ee taageera Xukuumadda. Arrintaasi oo sababtay in ay golaha dibada uga dareeraan Shirguddoonka, xoghaya guud iyo mudanayaasha muxaafidka ah, sidaana ay golaha kula wareegaan albaabadana ugu xidhaan guddida joogtadu.

 

Shir-jaraa'id oo guddiga jootada ah ee Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre beddelay ku qabteen gudaha xarunta Guurtida, waxa ay ku eedeeyeen Ku-simaha Guddoomiyaha inuu ka baxay ballan ay Sabtidii wadagaleen oo ahayd in wax laysla eego, xaaladda jirtana deganaansho lagu dhammeeyo, waxaanay ku doodeen kol haddii ballankii guddoomiyaha iyo xildhibaannada kale madasha ka baxayna aanay oggolaanayn in guluhu furmo.

 

Guddoomiyaha Guddiga Jootada ah Cabdillaahi Maxamed Xirsi (Dhugad) oo ugu horreyn shirkaa jaraa'id ka hadlay, ayaa sheegay inuu goluhu u xidhanaanayo illaa inta uu ka imanayo Guddoomiye Golaha Guurtida oo hadda ku sugan dalka Ingiriiska.

 

Ku-simaha guddoomiyuhu wuu nagu wacad-furay oo wuu ka baxay ballankii aannu shalay [sabtidii] isku ogayn oo xubnaha Komishanka Doorashooyinku goob-joogga ka ahaayeen ee warbaahintu goob-joog ka ahaayeen si cad ayuu uga baxay, dabkana meel kale ayaa laga shidayaa, dab meel kale laga soo shidayana taag uma hayo golahani, sidaa daraadeed aniguna haddaan ahay Guddoomiyihii Guddiga joogtada waan ka noqday furitaankii aan shalay [sabtidii] golaha furay, maantana [shalay] goluhu wuu xidhan yahay, waannu xidhnaanayaa ilaa inta uu imanayo Guddoomiyihii Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan,h ayuu yidhi Md. Dhugad.

 

Md. Cabdisalaan Maxamuud Siciid oo ka tirsan Mudaneyaasha Guurtida, ayaa ku eedeeyay ku Simaha Guddoomiyaha inuu fadhigii shalay ka dib ka noqday oo uu idaacadaha iyo BBC-da ka sheegay inaanu ka noqonaynin isku shaandheyntii uu ku sameeyey guddi-hoosaadyada Golaha.

 

Sidoo kale, waxa isaguna shirkaasi jaraa'id ka hadlay Md. Cabdiraxmaan Qawdhan oo sheegay in labadii Guddoomiye-ku-xigeen ee Goluhu ay sharcigii iyo xeer-hoosaadkii ku tunteen, waxaanu yidhi; gWaxaan leeyahay Goluhu wuu xidhnaanayaa inta uu imanayo Guddoomiyihii, waxaanan leeyahay waxa wacadkii ka baxay Sheekh Axmed Sh.Nuux, Gudodomiye ku Xigeenka labaad iyo Xoghayaha Guud ee Golaha oo haddii aan Golaha laga qaban halis ku ah jiritaanka Golaha.h

 

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, ahna ku-simaha guddoomiyaha, Ku-xigeenka 2-aad Siciid Jaamac Cali iyo mudanayaasha inta badan iyaga taageersan oo u soo diyaargaroobay inay fadhiistaan shalay ayaanay u suurtogalin, kadib markii Guddoomiyaha guddiga joogtada ah ku amray inay ka noqdaan madasha fadhiga oo aan gole furani jirin, sidaasna mudanayaasha guddoomiye-ku-xigeenka taageersani ku kala dareereen.

 

Haseyeeshee, illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka bixiyeen aragtidooda khilaafka cakiran iyo mawqifka ay ka taagan yihiin xidhitaanka golaha ee guddiga joogtada.

 

Xigasho: Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this