Sign in to follow this  
Cige

Bal Caddaalada Kismayo iyo Dulmiga Xamar aafeeyay isu Fiiriya

Recommended Posts

Cige   

KN:Boqolaal dad ah oo isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Kismaayo ayaa u soo daawasho tagay xukun xad iyo tacsiir isugu jira oo lagu fulinayay 4 nin oo Maxkamadda Islaamiga ee degmadu ku heshay danbiyo kala gadisan.

 

Mid kamid ah eedaysanayaasha ayay maxkamaddu ku xukuntay 80 jeedal kadib markii lagu helay inuu qadfay xaaskiisa isla mar ahaantaana uu dhawr jeer oo hore sidaas oo kale u qadfay.

 

 

Nin mehersaday gabadh wali aan cuddo bixin ayaa waxaa lagu xukumay inuu bixiyo 2 qaalmood oo lo’ ah, halka ninkii gabadha furay lagu xukumay oo lagu karbaashay 38 jeedal iyo 2 qaalmood oo lo’ ah kadib markii ay cadaatay inuu gabadha meher xad ku guursaday.

 

 

Sheekhii gabadha ninka hore u meheriyay ayaa asna lagu xukumay oo lagu dhuftay 38 jeedal maadaama oo uu gabadha wali la’aan meheriyay halka gabadhana loo xukumay 4 qaalmood oo lo’ ah iyo inay tirsato 2 cuddo.

 

 

Waxaa sidoo kale 40 jeedal lagu dhuftay nin lagu helay isticmaalka maandooriyaha loo yaqaano Xashiishka kadib markii uu asaga laftirkiisu Maxkamadda horteeda ka qirtay.

 

 

Maamulka Islaamiga ee magaalada Kismaayo ayaa horay u fuliyay xaddad iyo tacsiir isugu jira Qisaas, Karbaash, Masaafuris iyo xukunno kale. Magaalada oo aad uga raysatay qabqablayaashii iyo mooriyaantii xaaxda ka siisay shacabka ku nool magaalada ayaa amnigeedu marayaa heerkeedii ugu sareeyay tan iyo intii Islaamiyiintu la wareegeen.

 

 

Bulshada qaybeheeda kala duwan ayaad arkaysaa ayagoo suuqyada iyo wadooyinka taxaashaya saqbarkii ayagoon cidna uga cabsanayn inay handado ama baarato.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this