Sign in to follow this  
Nationalist

Pland minister reports

Recommended Posts

Garowe: Wasiirka Warfaafinta DG Puntland oo ka Hadlay Dagaalkii Saaka ka Dhacay Adhicadeeye

- Friday, October 29, 2004 at 18:55

 

Garowe, 29.10.04 (AllPuntland) - Wasiirka Warfaafinta DG Puntland Md. C/risaaq Yaasiin C/lle Geesood ayaa fiidnimadii caawa AllPuntland uga waramay khasaarihii dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Adhicadeeye ee gobolka Sool.

 

Md. Geesood waxaa uu sheegay in khasaaraha soo gaaray dhinaca Puntland uu aad u yaraa marka loo eego kan soo gaaray ciidanka Maamulka Somaliland oo iyagu weerar gaadmo ah soo qaaday.

 

Waxaa uu xaqiijiyey in 3 askari oo tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku naf waayeen iska hor imaadka saaka dhacay, mid ka mid ah gawaarida dagaalkana ay xabad kaga dhacday Raaytooraha.

 

Dhinaca Somaliland khasaaraha soo gaaray mar aan wax ka waydiinay ayuu noo sheegay in ay ka qabteen 24 maxbuus oo hadda lagu hayo Lascaanod. Md. Geesood waxaa uu sheegay in dhimasho badani ay jirto dhinaca Somaliland, inkasta oo uu ka gaabsaday in uu carabka ku dhufto; Waxaa uu intaas ku daray in ay ciidanka Somaliland ka gubeen 3 gawaarida loo yaqaan Tiknikada, dabadeedna ay dib u riixeen 7km halkii ay hore u fadhiyeen.

 

Md. Geesood oo ka waramayay qaabka dagaalku u dhacay ayaa sheegay in ciidankooda laga soo weeraray saddex aag oo kala duwan, balse Ciidanka Daraawiishtu ay difaac adag muujiyeen, ayna dharbaaxo aanay filanayn ay huwiyeen Ciidanka duulaanka ah ee Somaliland.

 

Wasiirku waxaa uu intaas ku daray in Taliska sare ee Ciidanka Daraawiishu iyo Xukuumadda Puntland toona aanay marnaba iyagu weerar ahayn, hadana ay difaac kaga jiraan fariisimadii hore saldhigga ugu ahaa.

 

Waxaan aad uga xunnahay ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta DG Puntland, nasiib darana uu ku tilmaamay daandaansiga iyo dhalanteedka Maamulka Somaliland. Waxaan ugu baaqaynaa ayuu hadalkiisa ku daray Waxgaradka, Guurtida iyo Shacabka Gobollada Woqooyi ee Soomaaliya in ay ka digtoonaadaan haadaanta uu Maamulka Riyaale u qodayo shacabka walaalaha ah, iyo siyaasadda gurracan ee la doonayo in lagu kala fogeeyo ardaa-wadaaga Soomaaliyeed.

 

Wasiirka oo aan weydiinay cidda bilawday dagaalka ayaa xaqiijiyey in dagaalka ay soo qaadeen Ciidanka Somaliland xilli ay ciidanka Daraawiishta DG Puntland goobohoodii si caadi ah u joogaan.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this