Sign in to follow this  
Liqaye

Cabdullahi Yusuf oo aqalbiyad lagu doortey

Recommended Posts

Liqaye   

Cabdiraxmaan Yabarow / Xasan Barise

BBCSomali.Com

 

20040610140231abdullahiyusufshir.jpg

 

 

 

Wareeggii saddexaad ayuu Cabdulahi Yusuf ku guuleystey Madexweyninimadii

Axad, 10-ka Oktoobar waxay ahayd maalintii doorashooyinka madaxweynenimada Soomaaliya, taasoo ay u sharaxnaayeen ilaa 26 tartame.

Doorashadan oo goor duhurnimadii ahayd billaabay ayaa waxaa la isla gaaray ilaa saddex wareeg oo si xoog leh loogu tartamay codadka mudaneyaasha baarlamaanka.

 

Jawiga

 

Jawigu aad ayuu u deggenaa, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddigiisa doorashaduba waxay muujiyeen niyad wanaag iyo hawl karnimo, wuxuuna guddoomiyaha baarlamaanku dadka xusuusiyey billowgii doorashadaba in ilaahay la talo saarto, waxaana murashaxiinta ka hor inta aanan codadka la dhiiban lagu dhaariyey Kitaabka Quraanka.

 

Dhammaan murashaxiintu waxay ummadda Soomaaliyeed horteeda iyo beesha caalamkaba ay kaga dhawaaqeen in ay u hoggaansamayaan natiijooyink doorashada isla markaana ay la shaqeynayaan ciddii la doorto.

 

Wareeggii koowaad

 

Wareeggii koowaad ayaa waxaa ka soo baxay lixda murashax ee kala ah Cabdulllaahi Yuusuf Axmed, Cabdullaahi Axmed Caddow, Maxamed Qanyare Afrax, Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Maxamed Xuseen Caddow.

 

Wareeggii labaad

 

Wareeggii labaad markii la galay, ayaa waxaa iyana cod bixinta ka hor tanaasul keenay Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sheegay in uu isaga haray tartanka, isla markaana uu madaxweynaha ay Soomaaliya doorato la shaqeyn doono.

 

Wax yar kaddib, waxaa iyagana tanaasul keenay Cabdiraxmaan Jaamac Barre iyo Maxamed Xuseen Caddow, taasoo ka dhigtay tartanka in ay isugu soo haraan Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ugu codad badnaa ilaa wareeggii ugu dambeeyey, Cabdullaahi Axmed Caddow oo isagana ku soo xigay iyo Maxamed Qanyare Afrax.

 

Wareeggii saddexaad

 

Warreeggii saddexaad ayaa misana ku billowday dar-dar, iyadoo ay muuqatay in ay jirtay isla xaalad hoose, dabadeedna codadkii markii la dhiibtay, dabadeedna la tiriyey ayaa waxaa soo baxday in Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ku guulaystay madaxweynennimada Soomaaliya ee shanta sano ee soo socota isagoo helay 189 cod, halka Cabdullaahi Axmed Caddow uu ka helay 79, waxaana sidaasi loogu sacab tumay madaxweynenimada Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf Axmed.

 

Dowladda Kenya waxay u diyaarisay madaxweynaha cusub dhammaan intii uu maamuus lahaan lahaa madaxweyne iyadoo baabuur iyo ciidan xagga ammaanka ahba la siiyey, isla markaana la siiyey dhammaan intii kale ee tas-hiilaad ah ee uu u baahnaa.

 

Muddada ay socotay doorashada

 

Doorashadani Axaddii 10-kii Oktoobar lagu doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxay gebogebo u tahay shir dalka Kenya uga socday kooxaha Soomaalida muddo ku labo sano ah oo shan maalmood dhiman.

 

Taariikhda madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed

 

Halkan waxa aan isku deyeeynaa in aan ku soo koobno taariikhda Waxbarasho iyo tan hawleed ee uu soo maray Cabdullahi Yusuf Axmed.

 

Warka ku xusan qoraalkan in badan oo ka mid ah waxa aan ka helney buug yar oo uu diyaariyey Cabdullahi Yusuf oo ugu talo galay tartanka Madexweyninimada Soomaaliya.

 

Sida buuggaas ku xusan, Cabdullhai Yusuf Axmed waxa uu sanadkii 1934-tii ku dhashay gobolka Mudug.

 

Waxbarashadiisii:

 

Mr Cabdullahi Yusuf waxa uu waxbarashadiisii hoose iyo tii dugsiga sareba ku qaatay Soomaaliya gudaheeda.

 

Cabdullahi Yusuf waxa uu waxbarasho miletri u tagey Talyaaniga iyo waddamadii la isku oran jirey Midowga Soofiyeeti. Waxa kale uu buugga Cabdullahi Yusuf sheegey inuu Jaamicadda Qaran ee Soomaaliya uu ka dhigtey kulliyada sharciga, laakiin inta uusan dhameynin la xirey.

 

Cabdullahi Yusuf waxa uu dowladdii Maxamed Siyaad Barre u xirnaa sanooyinkii u dhaxeeyey dabayaaqadii 1969-kii ilaa bartamihii 1975-tii.

 

Markii la soo daayeyna Cabdullahi Yusuf waxa uu u shaqeeyey dowladdii Maxamed Siyaad Barre, ka dibna waxa uu ka mid ahaa hogaamiyaashii miletri ee dowladdii Siyaad Barre u dirtey dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmarey sandkii 1977kii.

 

Bishii September ee 1978dii waxa uu ka mid ahaa dad mucaarid ku noqdey dowladdii Siyaad Barre oo dhisey Jabhadii la magacbaxdey SSDF, taas oo uu Cabdullahi Yusuf madax u ahaa dhowr sano ka hor intii aan Itoobiya lagu xirin.

 

Mar kale ayuu Cabdullahi Yusuf madex u noqdey SSDF intuu u dhaxeysey 1991 - 1997, sanadkii 1998 ayaa loo doortey Madexweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. In kastoo dadka Puntland deggan ay isku khilaafsanyihin, haddana baarlamankii Cabdullahi Yusuf la shaqeenayey ayaa u codeeyey iney wakhtiga madexweynaha iyo kan xubnaha baarlamankaba sanooyin kale lagu daro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this