Sign in to follow this  
Siciid1986

Weftigii M./Weyne Siilaanyo Oo Jabuuti Loogu Soo Dhaweeyay Meeqaamkii Ugu Sareeyay

Recommended Posts

Weftigii M./Weyne Siilaanyo Oo Jabuuti Loogu Soo Dhaweeyay Meeqaamkii Ugu Sareeyay

 

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu Hoggaaminayay ayaa galabta lagu soo dhaweeyay madaarka magalaada Jabuuti, waxaana halkaasi loogu soo sameeyayr baratakoolkii ugu sareeyay ee lagu soo dhaweeyo Madaxweyne Somaliland ah, waxaana Madaarka ku qaabilay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlay Saxaafadda ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka dambeeyay casuumad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, waxaanu tilmaamay in booqashadiisu ay salka ku hayso sii xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka ka dhexeeya labada qaran ee Somaliland iyo Jabuuti.

 

Md. Axmed Siilaanyo ma uu sheegin mudada uu qaadan doono socdaalkiisa wadanka Jabuuti iyo inuu jiro dal kale oo uu uga sii gudbi doono marka uu dhamaysto socdaalkiisa.

 

Madaxweynaha waxa madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, waxaanu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa ku weheliya marwadiisa Marwo Aamina X. Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka Md. Sacad Cali Shirre.

 

Weftigii Madaxweynaha Somaliland ee dalka Jabuuti ayaa lagu

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo waa lugtii u horeysay ee uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii uu la wareegay tallada dalka 27-kii bishii July ee la soo dhaafay.

 

Somaliland.org

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this