Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

War deg deg ah!! Jowhar..........

Recommended Posts

Shirkii Wasiirrada Arrimaha dibadda ee IGAD oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Posted to the Web Nov 29, 15:41

 

 

Jowhar:- (PP) – Kulankii maanta uga furmay Magaalada Jowhar Wasiirrada Arrimaha dibadda ee IGAD ayaa goordhaweyd lagu soo gabagabeeyay Magaaladaas, iyadoo kulankaas ay ka soo baxeen go’aanno dhowr ah.

 

Kulankaan oo billowday 1:00 Duhurnimo xilliga Muqdisho ayaa durba ku billowday si xasaasi ah iyadoo halkaas ay ka soo jeediyeen khudbooyinka madaxdii ka socotay dalalka IGAD, iyadoo Wasiirradii halkaas khudbooyinka ka aqriyay ay sheegeen in muddo badan la sugayay in shir noocan oo kale ah ay ku qabsadaan gudaha dalka Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD, waxaana ay si weyn oo diirran u jeediyeen khudbooyin waxtar leh oo aan waqtiyo badan qaadan.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Uganda Mr. Manosami oo ahaa Shir guddoonka Wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo halkaas ka jeediyay hadal ayaa sheegay in IGAD looga baahan yahay inay wax weyn ka qabato Soomaaliya sida inay kaalmo hiil iyo hooba leh la garab istaagto dowladda federaalka Soomaaliya si ay dalka oo dhan u gaarsiiso nabad iyo kala dambeyn. Wasiirrada kale ayaa iyaguna halkaas ka jeediyay khudbado iyaguna wax ku ool ah.

 

Qodobbadii ka soo baxay kulankii maanta ee IGAD ayaa waxaa ka mid ahaa: In Soomaaliya laga qaado cunno-qabteynta hubka si dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu suurogasho inay nabad ka dhaliso Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa ciidammo nabad ilaaleen oo ka socda dalalka IGAD iyo kuwa caalamka.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa qodobadaas, in Argagaxida dhinac isku mid ah looga soo jeedto isla markaana lala dagaallamo, iyadoo la sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa kuwa IGAD ay ka hortagto howlaha argagaxisonimo ee laga fulin karo gudaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa lagu soo qaaday shirkaas in dowladaha caalamka ay kaalmooyin dhaqaale iyo mid afba ay la garab istaagaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu dhawaan lagu soo dhisay dalka Kenya.

 

Wufuuddii ka soo qaybgalay shirkaan ayaa waxaa ka mid ahaa wufuud ka kala socotay dalalka: England, Sweden, Belgium, Italy, Qarammada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Miwoga Yurub iyo dalal kale oo aad u fara badan, waxaana looga mahadceliyay wufuuddaas ka soo qaybgalka ay ka soo qaybgaleen kulankaan oo ahaa mid aad u xasaasi ah.

 

Wufuudda qaarkood ayaa ka duulaya maanta gallinka dambe magaalada Jowhar iyadoo qaarkoodna ay sii joogi doonaan tan iyo xilli aan la cayimin.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya oo heshiisyo caalami ah la kala saxiixatay dalalka Ethiopia iyo Kenya

Posted to the Web Nov 29, 15:33

 

 

Jowhar:- (PP) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay kulan kula saxiixatay Degmada Jowhar heshiisyo caalami ah dowladaha Ethiopia iyo Kenya, waxaana heshiisyadaas ay ahaayeen kuwo dan u ah labada dal iyo Soomaaliya.

 

Heshiiska ay Soomaaliya la saxiixatay Dowladda Kenya ayaa ah in dowladda Ethiopia ay wax ka soo dagsan karto dekedaha dalka Soomaaliya, iyadoo la sheegay in dowladda Ethiopia ay isticmaasho deked walba oo dalka Soomaaliya ku taalla, in Soomaaliya iyo Ethiopia ay iska kaashadaan dhanka amaanka labada dal, gaar ahaan xuduudaha labada dal ay wadaagaan oo ay inta badan ka dhacaan dhibaatooyinka ay geystaan maleeshiyooyin ku sugan halkaas, sidoo kale waxaa ka mid ah heshiiska ay kala saxiixdeen in labada dal ay iska kaashadaan dhanka ganacsiga oo labada dal kala gudbisan karaan ganacsiyada dalalkooda, sida in Soomaaliya alaabooyinka gacansiga ay ka soo gadato dhanka dalka Ethiopia iyo in sidoo kale ay Ethiopia ay alaabooyinka ganacsiga ee ay u baahan tahay ka gadan karto gudaha Soomaaliya, taasoo la sheegay inay kobcin karto dhaqaalaha labada waddan.

 

Dhanka Soomaaliya ayaa heshiiska u saxiixay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Prof. C/llaahi Sheekh Ismaaciil iyo Wasiir u dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Atto Tadhaso Alumu, waxaana labada mas’uul ay sheegeen in dowlad walba ay diyaar u tahay inay heshiiskaas fuliso.

 

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay heshiis la saxiixatay dalka Kenya, waxaana heshiiskaas oo ay labada dhinac u kala saxiixdeen Sarkaal ka socday dalka Kenya oo lagu magacaabo Muwanan iyo dhanka Soomaaliya oo uu u saxiixay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Prof. C/llaahi Sheekh Ismaaciil, waxaan heshiiskooda uu inta badan uu ku saleynsan yahay dhanka dhaqaalaha.

 

Heshiiskaan oo ahaa mid horay loogu diyaariyay dalka Kenya ayaa waxaa heshiiskaas lagu sheegay inuu ahaa mid dhameystir ah, waxaana heshiiskaas oo ku saabsan iska kaashiga dhanka duulimaadyada, dhanka dekedaha iyo dhanka dhaqaalaha, waxaana lagu tilmaamay heshiiskaan inuu yahay midkii ugu qiimaha badnaa ee ay abid kala saxiixdaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

 

Heshiisyadaan ayaa la sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay u magacaabayso xubno ka shaqeeya qodobbada lagu heshiiyay sidii ay u fuli lahaayeen, waxaana la sheegay in guddigaas uu howlihiisa ka wadi doono Degmada Jowhar oo ah xarunta Dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdiyo ka kala socda Jaamacadda Carabta iyo Qarammada oo goor dhow soo gaaray Jowhar

Posted to the Web Nov 29, 13:34

 

 

Jowhar (PP) – Wafdiyo ka kala socda jaamacadda Carabta iyo Qarammada Midoobay ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Degmada Jowhar, si ay uga qaybqaataan kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo saacado yar dabadood ka furmi doona Degmada Jowhar.

 

Wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta ayaa waxaa hoggaaminaya u qaybsanaya arrimaha Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Samiir Xusni, waxaana lagu wadaa inay wafdigaan ka qaybgalaan kulanka IGAD ay ku yeelanayso degmada Jowhar, waxaana jaamacadda carabta ay horay u taageertay in kulankaas wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ay ku yeelanayaan, iyadoo kal horena ay wafdi uga qaybgalaya shirkaas u soo dirsadeen Soomaaliya, gaar ahaan degmada Jowhar, waxaase jirta in uu baaqday kulankaas, waxaana sidoo kale ay kulankaan u soo dirsadeen wafdigaan maanta soo gaaray Jowhar.

 

Mas’uulka hoggaaminaya wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa dhawaan soo booqday degmada Jowhar, waxaana uu halkaas wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyagoo halkaas ka furtay xafiis wakiil uga noqday Jaamacadda Carabta Arrimaha Soomaaliya, inkastoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu dhow jeer ku eedeeyay Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carabta ahba inay ka gaabiyeen kaalintii laga filayay inay Soomaaliya ka geystaan, waxaana uu Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi sheegay in Jaamacadda Carabta ay ka gaabisay inay Soomaaliya gacan-siiso.

 

Ra’iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa eedayntii ugu dambeysay u soo jeediyay Jaamacadda Carabta intii uu ku sugnaa dalka Kenya oo uu dhawaan gaaray, waxaana uu sheegay ra’iisul wasaaruhu in Jaamacadda Carabta ay hagardaamooyin ku waddo dowladda federaalka Soomaaliya isagoo sheegay inay xagaldaacinayso waxqabadka dowladda.

 

Dhanka kale; Qaramamda ayaa daboolka ka qaaday inay taageersan tahay shirka IGAD ay ku yeelanayso maanta Degmada Jowhar, waxaana dhawaan ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Jowhar wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Françoise Lounseny Fall oo shirka ka qaybgalaya.

 

Sidoo kale waxaa horay u soo gaaray Degmada Jowhar wafdiyo ay kala hoggaaminayaan madax sarsare oo ka tiran waddamada deeqaha bixiya, AU-da, EU-da, iyo xubno kale oo ka socda dalalka ay Soomaaliya dariska yihiin si ay goob joog uga ahaadaan kulanka maanta ka furmaya degmada Jowhar ee ay yeelanayaan wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo intoodii badnayd ay soo gaareen Degmada Jowhar ee xarunta dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar: Shirkii wasiirada IGAD oo soo xirmay , qodobbana laga soo saaray iyo wafdigii oo dib ugu noqday Nairobi.

- Tuesday, November 29, 2005 at 16:57

 

Jowahar(AllPuntland)- Kulankii golaha wasiirada urur goboleedka IGAD ay ku lahaayeen magaalada Jowhar ayaa galabta soo gabo gaboobay,waxaana soo xiray madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo iyo wasiiro ka socday wasaaradaaha arimaha dibadda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD.

 

Kulankan soo gabo gaboobay ayaa waxaa lagu soo qaaday sidii loo dar dar galin lahaa arinta kusaabsan hub ka dhigista Soomaaliya ka dhici doonta , waxaana urur goboleedka IGAD laga codsaday inay kaalintooda boorka ka jafaan.

 

Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geeddi oo qudbad ka hor jeediyay wasiirada arimaha dibadda ee IGAD ayaa wuxuu ku nuux nuuxsaday in dawladdu ay ku tiirsan tahay taageerada iyo garab qabashada dawladaha dariska ah .

 

Wasiirka arimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo halkaasi ka jeediyay hadal kusaabsan taageerada DFKGS ayaa wuxuu tilmaamay in urur goboleedka IGAD uu ka warqabo xaaladda Soomaaliya isla markaana uu dadaalkiisu wali socdo.

 

Kulankan ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo dhowr ah waxaana kamid ah ; In Qarmada midoobay ay cunaqabataynta ka qaaddo Soomaaliya si ugu suuro gasho Suudaan iyo Uganda inay hub ka dhigistooda ku dhaqaaqaan, Waxay cambaareeyeen falkii lagu weeraray dhawaan raysulwasaare Geeddi ayagoo tilmaamay inay baaritaan ku samayn doonaan si lamid ah sidii loo baaray kiiskii Rafiiq Al-Xariiri raysulwasaarihii hore ee Lubnaan, iyo in laga dhabeeyo wada hadallada laga dhex wado garabyada dawladda , ciddii ka hortimaaddana loo aqoonsan doono inay kasoo horjeeddo in dalku xasilo, In si deg deg ah taageero loogu fidiyo dawladda Soomaaliyeed, In shacabka Soomaaliyeed ay dawladda taageeraan si ay hawlaha dawladdu u taabbo galaan.

 

Wuxuu wasiirku sheegay in dawladda Federaalku ay hawl badan qabatay ayna ka muuqato magaalada Jowhar iyo dalka Intiisa kaleeto , wuxuuna tilmaamay in kulamada IGAD ee kusaabsan Soomaaliya ay sii socon doonaan.

 

Wasiirada urur goboleedka IGAD waxay ammaaneen ammaanka buuxa ee ka jira magaalada Jowhar , ayagoo tilmaamay in magaaladu u qalanto in lagu qabto shirar caalami ah.Wafdigu waxay galabta ka duuleen magaalada Jowhar ayagoo u socdaalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya .

 

Waa shirkii ugu horeeyay ee golaha wasiiradu ay ku yeeshaan dallka Soomaaliya , taasoo u muuqata horumar ay ku tallaabsatay dawladda Federaalka ah.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

 

 

 

 

Power

Share this post


Link to post
Share on other sites

See how Juma goes quite. Even his reliable dayniile source admited that there was a meeting of Igad representatives in Jowhar, where was Sharif today???

 

heshiis_jowhar_9nov05_2.jpg

 

Damn does Jowhar look quite, where are the heavy hitters from Mogadishu and their hot air threats???? Oh they are too busy setting up roadblocks in our once beautiful national capital..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this