Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Somali Parliment to take action

Recommended Posts

Xildhibaanada Federaalka oo kusii qul qulaya Baydhabo

 

Baydhabo(HR Media):- Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq xoogleh kadib markii ay halkaasi gaareen xildhibaano aad u badan oo ka yimid gobalada dalka iyo dibadaba, kuwaasi oo lagu wado in ay dhawaan yeeshaan kalfadhi xasaasi ah oo la xariira xiisadaha ka dhex taagan dowlada Federaalka.

 

Waxayna hada kor u dhaaftay tirada xildhibaanada ee ku sugan magaalada Baydhabo 200 oo xildhibaan, kuwaasi oo siyaabo kala duwan u arka xaaladaha hada dalka ka jira, xili uu jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya Mas’uuliyiinta dowlada Federaalka ugu sareeya gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

 

Waxaa shalay la ansixiyey Sharcigii Batroolka ee Federaalka oo hada loo gudbiyey xafiiska Madaxweynaha si uu u ansixiyo ama saxiixo.

 

Qodobka ugu muhiimsan ee hada lagu wado Baarlamaanka inuu u gudo galo ayaa ah mooshinkii iyo talo jeedintii guddigii loo saaray Waxqabad la’aanta ee Xukuumada, Waxaa sidoo kale lagu wadaa in lala xisaabtamo dhamaan qeybaha Dowlada Federaalka ee xukuumada iyo Madaxtooyada.

 

Xildhibaano aad u badan ayaa ka dhawaajinaya lunsasho dhaqaalaha dowlad iyo waxqabad la’aanta xukuumada, halka kuwo kalena ay diirada saarayaan Khilaafka dastuuriga ah ee u dhaxeeya Mas’uuliyiinta sar sare ee Dowlada.

 

Macada in hogaamiyaasha sare ee DFKMG ay soo gaari doonaan magaalada Baydhabo si ay uga qeyb galaan kulamada lagu wado inay ka dhacaan magaalada Baydhabo, dhaq dhaqaaqa magaaladaasi ka jira ayaan laga dareemin xarunta Baarlamaanka tan iyo intii xilka iskacasilay Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo; Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku sii socda Baydhabo.

8. august 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay Magaalada dhawaanahan ku sii qulqulayaan Xubnaha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa doonaya in ay ka qeybgalaan fadhi maalinta beri ah dhacaya kaasoo looga hadlayo xaalado kala duwan oo ay ka mid yihiin arimaha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya ,waxaana fadhigaasi la filan karaa in ay tagaan qaar ka mid ah Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Saraakiil ku dhow dhow Xaafiiska gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa usheegay AllPuntland in ay maalinta beri ah baarlamaanka Soomaaliya leeyihiin kulan ay ku faaqidi-doonaan lacagaha soo galay dawladda Soomaaliya & meelihii ay ku baxeen.

 

Gudi dhawaan loo saaray arimahan ayaa yeeshay shalay galab kulan Saxaafada loo diiday in ay wax ka ogaato ,waxaana kulankaasi ay xubnahan meelo badan ka eegeen waxyaabaha ay keeni karto arimahan ,inkastoo lasheegayo in ay Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya usoo gudbiyeen qoraalo arimahaasi looga hadlayo.

 

Tagida Xildhibaanadu waxa ay tahay sidii ay halkaasi codkooga kaga dhiiban lahaayeen arintaasi ,waxa ayna Xildhibaano badan doonayaan in ay mar arkaan qof la leeyahay hanti ayuu lunsadey oo Sharciga la marinayo.

 

Mudanayaal badan oo aan horey loogu arki jirin Magaalada Baydhabo ayaa markale ka soo muuqday Baararka & Hotelada Magaalada Baydhabo ayagoo markaasi ka sheekaynaya xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya ,waxaana la filan karaa in go'aanka ay gaaraan baarlamaanka Soomaaliya noqdo mid ay dad badan dhowrayaan.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this