Sign in to follow this  
NASSIR

Madaxweynaha oo Saxiixey Waraaqihii Aqoonsinga Danjirnimo

Recommended Posts

NASSIR   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta Waraaqihii Aqoonsiga danjiranimo ka gudoomay Safiirada Dowladda Beljiumka Usoo Magacaabeen Soomaaliya

 

Munaasabadan oo ka dhacday xarrunta Xukuumada DFKGS Ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha xukuumada DFKGs Soomaaliya iyo Safiirada Dowladda Bilgimka u soo magacaabeen Soomaaliya.

 

safiirb3.JPG

 

Waxaana halkaasi lagu saaray calanka Midabka Hurdiga ee dalka Biljamka iyadoo sidoo kalana la dhinacsuray Calanka Dalka Soomaaliya, waxaana halkaasi ku garaacay Miyuusikada astaanta Biljiumka iyo Soomaaliya kooxaha Baanbeyda Qaranka.

 

safiirb2.JPG

Mrs. Christina Vuunes Rober oo ah safiirada Dowlkadda Biljimka ayaa waxaa ugu dambeyntii xarunta madaxtooyada kula kulantay Madaxweynaha Dowladda federaalka KGS Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriuyada Federaalka KGS Soomaaliya ayaa si rasmi ah kala wareegay waraaqihii Dowladda Biljamku ugu soo magacaabeen Mrs. Christina Safiirada Dowladaasi uga wakilka ah Soomaaliya.

safiirB1.JPG

 

Ms. Christina oo ka hadashay kulanka ay Madaxweyne C/Laahi Yuusuf la qaadatay ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay howsha ay dalkeeda ugu soo magacaabeen Soomaaliya, iyadoo sheegtay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo ay timaado Soomaaliya isla markaana ka howl gasho.

 

 

 

Mrs. Charistina Vvuunes waxay aheyd Safiiradii Dowladda Biljamka u fadhisay Soomaaliya Sanadihii 1988-ilaa 90-kii markii ay dowladii Kacaanka aheyd dalka xukumi jirtay.

 

 

 

Mr, Charastina ayaa waxay sheegtay in ay ku laabaneyso magaalada Nayroobi isla markaana dib ugu soo laaban doonto soomaaliya horaan bisha Janaayo ee Sanadka 2006-da Hallkaas oo dhismaha safaarada dalka Biljamka si toos ah looga taagayo magaalada Jowhar.

 

 

 

Dowladda Biljamka ayaa waxay noqoneysaa Dalkii ugu horeeyay si rasmni ah u soo dirsada Safiirkooda isla markaana xafiis ka furta magaalada Jowhar marka laga reebo ururada AU, Jaamacada Carabta Midowga Yurub iyo IGAD.

 

 

SOURCE. www.somfreemedia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

SALAMU CALAYKUM,

 

Hey guys I don't have anything to say but, the uniforms those guards or "army" are wearing are looking good. I wonder if they are the same as the former Somali army unis. They are about the only catchy thing in that picture, everything else is just the same old.

 

Salamu Calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this