Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Somalia was sold to Ethiopia big deal!

Recommended Posts

Xubnaha baarlamanka ee Muqdisho oo soo bandhigay khariidad Itoobiya ay iskugu fidineyso Soomaaliya oo laga soo helay xafiiska ra'isul wasaare Geeddi

(Muuqaalka khariidada)

 

 

Xubnaha baarlamanka ee ku sugan magaaladan Muqdisho ayaa maanta soo bandhigay khariidad muujineysa sida ay Itoobiya isku fidineyso Soomaaliya oo sida ay hadalka u dhigeen laga soo helay xafiiska ra'isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku yaala magaalada Baydhabo ee gobolka Bay fariisinka ku meel gaar ah ah ee dowladda.

 

Xubnahan oo maanta shir Jaraa'id ku qabtay hotelka Ambassador ee magaaladan Muqdisho ayaa xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo la hadlayey saxaafada waxa uu sharaxaad ka bixiyey Khariidadan oo uu sheegay iney ku wada yaalaan guud ahaan dalalka Afrika oo Soomaaliya oo kaliya ka maqan tahay, isagoo tilmaamay dhulkii Soomaaliya ay khariidadu tilmaameyso in la raaciyey Itoobiya.

 

“Waxaan helnay Markhaatigii ugu horeeyey ee cadeynaya waxa ra'isul wasaare Geeddi iyo xukuumada Itoobiya ka dhexeeya oo ah sidii loo burburin lahaa magaca iyo dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya, loona raacin lahaa dalka Itoobiya, mana sheegeyno cida noo soo gudbisay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo inta ku daray in daray in maalmaha soo socda ay gacantooda ku soo dhici doonaan dukumentiyo muujinaya heshiisyo qarsoodi ah oo dhexmaray dowladda Itoobiya iyo ra'isul wasaare Geeddi.

Khariidadan ayaa oo saxaafada loo soo bandhigay ayaa waxaa ku yaala Maabka qaarada afrika oo dalalkoo dhan ay ku wada yaalaan, marka laga reebo Soomaaliya oo la raaciyey dhulka Itoobiya.

War saxaafaeedkii ay soo saareen xildhibaanada Muqdisho oo sidiisa u qoran

 

 

Baarlamaanka Federaalka KMG

 

EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

 

 

The Transitional Federal Parliament of the Republic of Somalia

 

 

Office of the Minist er

 

 

Muqdisho, Axad 10/12/2006

 

WAR SAXAAFADEED

 

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka KMG Somaliya ee fadhigoodu yahay Magaala Madaxda Dalka Somaliya ee Muqdisho shir laba maalmood u socday ee ay uga doodayeen qaraarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu ahaa 1725/2006 ee 7/12/2006 kuna saabsanaa keenista ciidamo lagu sheegay inay ka shaqeynayaan ilaalinta nabadda iyo qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Somaliya tan iyo sannadkii 1992 ayey Xildhibaannadu kaddib markii ay si qoto dheer uga doodeen ujeeddoyinka iyo nuxurka uu xambaarsan yahay qaraarka Golaha Ammaanka ayaga oo si cad u diiddan qaraarkaas soo jeedinayaan qodobbada soo socda:-

 

Cambaareyn

 

 

• Waxaannu cambaareyneynaa qaraarka Golaha Ammaanka ka soo baxay ee lagu keenayo dalka ciidamo shisheeye laguna qaadayo cunaqabateynta hubka ee hore u saarneyd Somaliya.

 

Waxaannu taariikhdu markey ahayd 4/12/2006 u caddeynay caalamka iyo Golaha Ammaanka “ qaadista cunaqabateynta hubka iyo oggolaanshaha in la keeno ciidamo shisheeye dalkeenna ay sababi doonaan dagaallo ka qarxa Somaliya iyo gobolka oo idil ”. Waxaa cad in dagaalladaasu qarxeen ciidamada Itoobiya ee dalka ku soo galay sharcidarradana ay bilaabeen in ay weeraraan fariisimaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga Somaliya.

 

• Waxaannu caalamka hortiisa ku cambaareyneynaa Dowladda Mareykanka oo aan u aragno in aysan dooneyn in ay nabad ka dhalato dalka Somaliya iyo Geeska Afrika ayada oo caado ka dhigatay dulminta shacabkeena laga soo bilaabo markii ay dagaallada sokeeye bilowdeen iyo ayada oo mar walba qaadda tallaabooyin sii adkeynaya xal u helidda xaaladaha murugsan ee Somaliya.

 

Waxaan u aragnaa qaraarka ka soo baxay Golaha Ammaanka in uu yahay mid ay dowladda Mareykanka ku jujuubtay wadammada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayada oo uga gol leh in ay fashiliso “ ilayska nabadda iyo rajada wanaagsan” ee u muuqda ummadda Soomaaliyeed.

 

• Waxaannu cambaareyn dusha uga tuureynaa Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ee hor kacaya ciidamada Itoobiya una ololeynaya in ay dowladda Itoobiya qabsato dalka Somaliya. Waxaanna u aragnaa inuusan ka shaqeyneyn danaha umadda Soomaliyeed balse uu wakiil ka yahay madaxda Itoobia (Meles iyo Sium Masfin)

 

Baaq

 

 

• Waxaannu ugu baaqeynaa Dowladda Uganda iyo guud ahaan wadammada Afrika in aysan ka qeyb qaadan gacanna siinin qorshaha dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ee ah in ay dowladda Itoobiya qabsato dalka Somaliya si ay u yeelato bad sidii ay u qabsatay dalka Eritrea 1961dii.

 

• Waxaannu ugu baaqeynaa wadammada Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Wadammada Islaamka iyo Midowga Yurub in la cambaareeyo lagana hor tago qorshaha ay ku bahoobeen dowladda Mareykanka iyo dowladda Itoobiya ee lagu doonayo in dalka Somaliya lagu daro lana hoos geeyo dalka Itoobiya sida ka muuqata maabka cusub ee ay u sameeyeen qaaradda Afrika.

 

• Waxaannu ugu baaqeynaa Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmad in uusan ku dhicin dabinka iyo khayaanada dowladda Itoobiya kuna yaboohin dalka Somaliya dowladda Xabashida.

 

• Waxaannu ugu baaqeynaa Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmad in uu fuliyo ballantii uu u qaaday umadda Somaliyeed ee ahayd in uusan colaad hor leh u horseedi doonin Soomaali balse uu geed gaaban iyo geed dheerba u fuuli doono sidii uu umadda isugu keeni lahaa una heshiisiin lahaa.

 

• Waxaannu ugu baaqeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee ku sugan magaalada Baydhabo in ay nagala shaqeeyaan

 

• sidii loo baajin lahaa in Somaliya ay noqoto goob dagaal

 

• Sidii dalka looga saari lahaa ciidamada Itoobiyaanka ee sida sharci darrada ah ku soo galay dalka

 

• Sidii arrimaha Somaliya loogu dhameyn lahaa wadahadal

 

• Sidoo kale waxaannu ugu baaqeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee ku sugan magaalada Baydhabo in ay yimaadaan Muqdisho indhahoodana ku arkaan isbeddelka iyo nabadda ka jirta magaala madaxda dalka Somaliya iyo guud ahaan dhulka ay gacanta ku hayaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga Somaliyeed.

 

Digniin

 

 

Waxaannu u direynaa digniin kulul Ra'iisul Wasaaraha dowladda Itoobiya Meles Zenawi, waxaanu leenahay ha ka waantoobo riyada beenta ah ee ah in uu Somaliya ku darsado gobolka Soomaliyeed ee uu ugu yeero killilka shanaad, sidoo kale waxaannu leenahay waa in aad dib ugu celisaa ciidamada Itoobiya dalkooda hooyo si aysan ugu la'an dhul aysan lahayn. Shacabka Somaliyeedna uma dulqaadanayo hanjabaadaha ka soo yeeraya dowladda Tigrey wuxuuna diyaar u yahay inuu difaaco dalkiisa, diintiisa iyo dadkiisa siduu horeba uga difaaci jiray cadawgii ku soo gardarrooda. Waa uu dhamaaday waqtigii aad hoggaamiye kooxeedyada Somaliya farta ugu yeeri jirtay amarkana siin jiray,

 

Mahadnaq

 

 

• Waxaannu u mahd naqeynaa dowladaha Eritrea, Sudan, Djibouti iyo Jaamacadda Carabta ee caddeeyay:

 

• Sida aysan raali uga ahayn in Somaliya la geeyo ciidamo shisheeye

 

• Sida aysan raali uga ahayn in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Somaliya

 

• Sida aysan raali uga ahayn in ay ciidamo Itoobiyaan ah ku sugnaadaan gudaha dalka Somaliya

 

• Sida uusan qaraarka Golaha Ammaanka u ahayn mid nabad ka shaqeynaya balse uu u yahay mid hal dhinac oo keliya taageeraya

 

• Waxaannu uga mahad naqeynaa Midowga Maxaakiimta Islaamiga Somaliya sida ay ugu gurmanayaan dadka walaalahood ah ee ay daadadka iyo roobabku dhibaateeyeen iyo sida ay u buuxinayaan kaalinta ay gabtay Xukuumadda Cali Maxamed Geedi.

 

• Waxaanna u soo jeedineynaa hay'adaha caalamiga ah iyo deeq bixiyeyaasha in ay si buuxda ula shaqeeyaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga Somaliya ee ku howlan u gargaaridda dadka ay masiibooyinku waxyeeleeyeen.

 

 

Gunaanad

 

Waxaannu ka xunnahay walaalaheen reer Baydhabo ee sida niyad samida leh waddaniyadduna ku dheehan tahay ugu soo dhaweeyay dowladda Somaliya degaankooda ballan ka baxa iyo khayaanada kala soo gudboonaatay dowladdii ay soo dhaweeyeen kaddib markii ay ku warrejisay degaankii ay sharafta iyo karaamada ku lahaayeen dowladda Xabashida.

 

Waxaannuu xusuusineynaa walaalaheen reer Baydhabo in aan la qeybsaneyno dhibta, tiiraanyada iyo welwelka heysta, sidoo kale waxaan walaalaheen reer Baydhabo xusuusineynaa in sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeenna ee ay la wadaagi jireen walaalahooda kale ee Somaliya ay gacantooda dib ugu soo laaban doonto ayna noqon doonaan iyagu kuwa ka taliya degaankooda.

 

Waxaa war saxaafadeedkan soo saaray Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka KMG Somaliya ee fadhigoodu yahay Magaala Madaxda dalka Somaliya ee Muqdisho.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somali

cabdishakur48@hotmail.com

 

 

 

News Update in English www.dayniileone.com

 

 

 

Web www.dayniileone.com

 

 

Halkaan ka iibso waxii aad u bahan tahay oo raqiis ah

 

 

Ku noqo beejka

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this