Sign in to follow this  
Maaddeey

Onother blow: one more MP left TFG

Recommended Posts

Maaddeey   

Bosaso(AllPuntland)- Mudanayaasha faraha badan ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyey ay heysteen xaalado kala gedisan, oo ay ugu weynaayeen cid sugta amaankooda oo ay waayeen iyo dhaqaale xumo baahsan oo ay la’ayihiin mushaaraadkii ay ku shaqeyn lahaayeen, sidoo kalena waxa ay aad uga hadlayeen mowjado Siyaasadeed oo ay dhinacyadu wadeen, waxaana arrimaha oo dhan ay sababeen in ay shaqada baarlamaanka KMG ah iskaga tagaan Mudanayaal badan oo ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Magaalada Xeebta kutaala ee Boosaaso ayaa manta Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka sheegay in uu ka tagay shaqadii dawladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey in ay garab martay waxyaabihii loo dhisay, isla markaasna uu garowsaday in uusan ka sii mid noqon Karin, maamul uu sheegay in ay ka been sheegayaan Shareecada Islaamka.

 

Xildhibaan Siciid Xasan Shire oo ah Mudanaha ka tagay shaqada dawladda KMG ah, ayaa ku eedeeyey Sadexda masuul ee ugu sareysa dawladda KMG ah in ay ku sifoobeen waxqabad xumo xoog leh, gaar ahaana isagoo sheegay in looga baahan yahay Madaxweynaha dawladda KMG ah in uu iscasilo, maadaama uu waayay taageerada Soomaalida, kana been sheegay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

 

Mr, Siciid wuxuu sheegay in uu marar badan ka hadlay sida loogu baahan yahay in ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga run sheego, wuxuuna tibaaxay in laga hoos qaadi waayay, isagoo taasina ku sheegay in ay tahay mid aan la dooneyn in lugu dhaqmo Shareecada, oo ay dhinacyo doonayaan in ay ka been sheegaan xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

“ Waxqabad la’aan culus ayay ku sifoobeen dhinacyada sheeganaya dawladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana cadaynayaa in lugu been abuurtay Kitaabka Alle, oo aysan jirin cid isku xukunta Muqdisho, waxaana ka been sheegidaas isku raacsan Sadexda nin ee ugu sareeya dawladda KMG ah ee Soomaaliya, oo wadi waayay howlaha dawladda ay hada jagooyinkeeda ugu sareeya hayaan” Ayuu yiri Mudanaha manta ka tagay xilkiisii, oo uu sheegay in uu doonayay in uu ugu shaqeyo Shacabka Soomaaliyeed.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this