Sign in to follow this  
Xudeedi

Over 100 Media Advocates Gather to Demonstrate against Puntlands Media restrictions

Recommended Posts

Xudeedi   

Puntland Wariyaal Somaliyeed oo Baaq Deg Deg ah u dirayh [Daawo Sawirada]

September 18, 2010

By Axmed Muuse Dheere

Ilaa Boqol Wariye oo ka Tirsan Warbaahinta Somaliyeed iyo Ururada Saxaafada sida NUSOJ iyo MAP ayaa Kulan Isugu Yimi Hotelka Nomad Plaza ee Magaalada Nairobi,Kulankaasi ayaa ahaa mid ay Wariyaashu ku Muujinayeen sida ay xuga xun yihiin Xadhiga Loo Gaystay Wariyahaasi oo ka Tirsanaa Warbaahinta Horseed.

 

 

Masuuliyiin badan oo Kulankaasi ka hadashay ayaa Sheegay sida ay uga xun Yihiin Xadhiga Agaasimaha Horseed Media oo Maamulka PL ay xidheen ka dib markii uu Waraystay Nin Mucaarad ah oo Dawlada ka soo Horjeeda.

 

Liibaan C/Saalaan oo ka mid ah Gudigii Qaban Qaabada ee Wariyaashii Kulankaasi isku soo duba Riday ayaa ka hadlay Ujeedka Munaasibada waxana uu dhaleeceeyay Xadhiga Agaasimaha isaga oo Xusay inay Uga Gol leeyihiin sidii ay Wariyaasha Somaliyeed Si Siman Uga hadli lahaayeen xadhiga iyo Tacadiga loo Gaystay Agaasimaha.

 

Axmed Nuur Maxamed Faarax oo ka tirsan Ururka Qaranka Suxufiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ ayaa ka hadlay Kulankaasi waxana uu Cadeeyay inay ka NUSOJ ka ahaan ay Qareen u qabteen Agaasimaha isla markaana ay Maalinba Toos ula socdaan Xaalada uu ku Sugan yahay Agaasimaha Horseed Media.

 

Axmed Nuur ayaa dhanka kale Baaq u diray Maamulka Pl inay Wariyahaasi Xoriyadiisa u soo celiyaan oo ay Saxaafada Xaq Dhowraan.

 

Dadkaasi halkaasi ka hadlay oo aad u Badnaa ayaa waxa ka midahaa Cali Muuse Cabdi oo ka tirsan APF isaga oo uu xusay inuu Dareenka Wariyaasha Somaliyeed iyo kuwa PL uu la qabo Xadhiga Loo Gaystay Agaasimaha Idaacada, isaga oo Fariin u diray Madaxwaynaha Pl inay Wariyahaasi Si deg deg ah Xoryadiisa ugu soo celiyo.

 

Catoosh oo ka Tirsan BBC-da ayaa isna lagu soo dhaweeyay Madasha waxana uu ku dheeraaday Hadal ka soo yeedhay dhawaan Wasiirka Warfaafinta Pl C/Xakiin Maxamed Guuleed oo ahaa in C/fataax uu Yahay danbiile, Mr Catoosh ayaa sheegay inuu aqoon Gaar ah u Leeyahay Wasiirka Warfaafinta PL aana lafa Filayn Arinka uu ku deg degay ee ah Xadhiga Wariayaashi madaaba Loo xaglinayay inuu Bahda Waraafinta in badan ka mid ahaa.

 

Xildhibaanad Xareed oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa isna Mikirifoonka Lagu soo dhaweeyay isaga oo xusay inuu aad uga Tiiraanyaysanyahay Xadhiga Agaasimaha Horseed Media, uuna Cod u diray Maamulka Sare ee Pl inay ninkaasi Wariyaha Xoriyadiisa u soo celiyaan.

 

Docda kale Saleebaan Cismaan Saalax ayaa ku hadlay Afka Ururada Bulshada ee Kulankaasi Wariyaha xidhan loo Sameeyay, isaga oo u Mahadnaqay dadkii Kulankaasi soo Abaabulay waxana uu dareenkiisa ku Muujiyay sida ay Warbaahintu u tahay Indhaha Bulshada.

 

Waxa naga xasuusin ah in Wariyaal PL ka soo Haajiray oo qaarkood la xidhay ay Khudbad ka Jeediyeen sida Maxamed Yaasiin Isixaaq oo ahaa Wakiilkii VOA-da ee Mudug kaasi oo warbixin dheer dadkii Kulanka Joogay ka Siiyay Dhibaatooyinka ay Wariyaashu kala Kulmaan Maamulka PL, kuna Dhiiri Galiyay Wariyaasha inay Mid Noqdaan oo ay dhib kasta Wadaagaan.

 

Daaduu Cabdi Daa’uud oo sheegay inuu Urur Saxafiyiinta Somaliyeed u dhaq dhaqaaqa uu Madax ka Yahaya ayaa isna cadeeyay inay Lagama Maar maan tahay isku xidhnaanshaha Wariyaasha Somaliyeed isga oo dhanka kale qeexay inay ka xun Yihiin Xadhiga Sharci Darada ah ee lagu Haysto Agaasimaha Horseed Media.

 

Galgala news

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Violations of freedom of expression and of the press have reached unprecedented levels, resulting in a serious crisis for journalist in Northeastern Somalia due to impunity, insecurity and massive restrictions by the corrupt Puntland administration. As a result, more and more journalists have been forced out of their local areas, and others abandoning their profession.

 

Media restrictions in Puntland has reached its peak since offensives began in Western Bari, due to the weak administrations quest to seek control of the media and to manipulate it to their advantage through the use of violence, intimidation and enormous restrictions.

 

Puntland is a clan enclave based in Garowe, a village located in Nugaal region of Somalia. The enclave has waged a war enticed by economic aspirations. Western Bari region hosts rich minerals as noted by western geologist and mineral explorers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this