Sign in to follow this  
Cowke

A Puntland Business Man Died In The Pakistani Airplane Crash

Recommended Posts

Cowke   

Ganacsade Reer Boosaaso ah oo Ka Mid Ahaa Dadkii Ku Geeriyooday Diyaaradii Ku Dul-Burburtay Islamabad

 

Boosaaso (RBC) Ganacsade Bashiir Barre Samatar oo ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee reer Boosaaso ayaa ka mid noqday 152 ruux oo ku naf waayey shilkii diyaaradeed ee maalintii shaley ka dhacay hawada magaalada Islamabad ee caasimada dalka Pakistan.

 

Ehelada marxuumkan oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa RBC u xaqiijiyey in Allah ha u naxariistee ganacsade Bashiir Barre Samatar uu ka mid ahaa rakaabkii saarnaa diyaarada (Airbus) 321 oo ka soo duushay magaalada Karachi kuna sii jeeday caasimada Islamabad, halkaasi oo ay ku burburtay.

 

Ganacsadahan Soomaaliyeed ee ku geeriyooday shilka oo markii hore ka tegey magaalada Boosaaso ayaa hawlo la xiriira ganacsigiisa u joogay dalka Pakistan sida ay RBC u sheegeen Ehelada Marxuumka.

 

Allah ha u naxariistee ganacsade Bashiir waxaa uu ka shaqeyn jiray ganacsiyo kala duwan oo u badan dhoofinta iyo soo dejinta, wuxuuna sanadihii dambe ka ganacsanayey baabuurta iyo qalabkooda.

 

Shilkan diyaaradeed oo maalintii shaley ka dhacay hawada sare ee magaalada Islamabad ayaa waxaa ku geeriyooday dhamaan 152 ruux oo diyaarada saarnaa kuwaasi oo 146 ay ahaayeen rakaab. Waxaana diyaarada iska lahaa shirkada Airblue Service oo ah shirkad ka shaqeysa duulimaadyada oo gaar loo leeyahay.

 

Dalka Pakistan waxaa ka socota baroordiiq loogu murugoonayo shilkan, iyadoo ay weli socdaan hawlihii gurmadka ahaa ee lagu soo saarayey meydadka.

 

Illaa hadda waxaa la soo saaray meydad gaaraya 115 ruux oo ka mid ah dadka geeriyooday waxaana weli la baadi goobayaa dadka kale ee maqan kuwaasi oo la raadinayo.

 

Muuqaalada telefishanada ayaa laga daawaday diyaarada oo gubaneysa iyadoo uu qiiq badan ka baxayo goobta uu ku dhacday burburka diyaarada.

 

Dowlada Pakistan ayaa sheegtay inaan weli la helin sanduuqa madow ee diyaarada si loo ogaado sababta keentay shilkan.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this