Sign in to follow this  
Gabbal

Shir Maanta Waxgaradka Gedo Uga Furmay Magaalada Madaxda Garbahaarey

Recommended Posts

Gabbal   

Shir Maanta Waxgaradka Gedo Uga Furmay Magaalada Madaxda Garbahaarey

 

garba1.jpg

 

 

Mar 18,2007

by Garbahaarey-GEDO-NN

 

Shir ay ka soo qayb galeen in ka badan 100 ergay oo ka mid ah waxgarad-ka gobalka Gedo ayaa saakay 9:00 subaxnimo ka furmay degmada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo.

 

Shirkan oo ay soo agaasintay beesha reer Garaad oo ka mid ah beelaha **** ayaa waxaa ajandayaashiisa lagu sheegay: taageeridda dadaalada dib-uheshiisiinta ee ay hagayso dawlada Soomaaliya, wadaxaajoodyo ku saabsan khilaaf kataagan maamulka sare ee G/Gedo iyo qodobka saddexaad oo ah beesha shirka soo abaabushay oo cabashooyin u soo gudbinayso waxgarad-ka **** ee shirka ka qayb-galayo.

 

hirka ayaa waxaa ugu horrayntii lagu aftaxay Aayado Qur’aan ah iyo wacdi diini ah, waxana markaa ka dib lagu soo dhaweeyay indheer-garad ka tirsan beesha Reer Garaad **** oo ah qabanqaabiyayaasha kulan-ka, waxana madasha shirka qudbooyin dheer-dheer ka aqriyay xubnaha kala ah: Sheekh Maxamuud Sheekh C/llaahi Ow cali, Sheekh Cali Cabdi Maxamuud iyo nabadoon Axmed Maxamed Faarax (Indha-yare)

 

Waxayna waxgarad-kaasi ku nuux-nuuxsadeen labo qodob oo kala ah: in ay gacantooda ka baxday jegada gudoomiyaha gobalka Gedo oo ay sheegeen in ay ayagu xaq u lahaayeen, kadib markii ay horay ugu magacawday dawladda Soomaaliya, isla markaana ay iyaga u qoondaysay beesha **** iyo qodobka kale oo ah ergo ama codsi ay u soo jeediyeen wufuuda shirka ayaga oo waxgarad-ka **** ka dalbaday in dib loogu soo celiyo mansab-ka barasaabnimada G/Gedo.

 

Waxgarad-ka ka soo jeedo beesha Reer Garaad ee shirka ka hadlay ayaa ka gaabsaday in ay cid gaar ah farta ku fiiqaan ama ay eedo dusha kaga tuuraan, waxayna si guud ula hadleen ergoyinka **** ee madasha fadhiyay iyaga oo qudbadahooda ku koobay cabasho guud iyo codsi waxqabad. Mar aanu waydiinay qaar ka mid ah waxgaradkaasi bal in ay cid gaar ah oo ka tirsan masuuliinta **** ku tuhmayaan maal-marinta maamulka cusub ee dhawaan loo yegleelay G/Gedo ayay arrinkaasi si weyn isaga fogeeyeen, waxayna maamulka cusub ku tilmaameen mid uu iskii u magacaabay madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Indheer-garad **** ee shirka ka qaybgalayay ayaa si xushmadu ku jirto u aqbalay ergada ama cabashada ay soo bandhigtay beesha shirka yagleeshay, waxana tillaabadani gudoomiyay Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Ugaas Beesha ****, hase ahaatee waxaa miiska wadahadalada la soo saaray su’aalo ay soo bandhigeen qaybo ka mid ah ka qayb-galayaasha shirka, su’aalahaas oo ku saabsan sida loo magacaabay maamulka cusub ee Gedo, cidda ka danbaysay, saamaynta uu shirkani ku yeelan karo dib u badalidda maamulkan iyo sida madaxweyne C/llaahi Yuusuf looga dhaadhicin karo ka tanaasulidda maamul uu ku magacaabay shirciga milatari ee uu dalka ku soo roogay isla markaana lagu magacaabay inta badan maamulada gobalada dalka.

 

Xilli lagu jiro falanqaynta aganadayaasha shirka ayaa waxaa madasha shirka soo gaartay qaylo dhaan ku saabsan dhimasho iyo dhibaato caafimaad oo goob u dhow Garbahaarrey ku haleeshay dad ka soo kicitimay degmada B/dheere oo uu si weyn u hareeyay cudurka shuban-biyood-ka.

 

Waxana goobtaasi oo 15 km u jirto Garbahaarrey uu cudurkaasi ku dilay hal qof oo ka mid ahaa dadkii safrayay halka uu qof kalana la ildaranyahay, waxayna dhacdadani naxdinta leh saamayn ku yeelatay horay-usocodkii shirka ee maanta ayada oo ugu danbayntii la go’aansaday in dadkaasi gurmad loo fidiyo, kadibna ay ergooyinku dib usugu yimaadan maalinimada barri ah, si loo xaqiijiyo horay-usocodka shirka.

 

Qaadida ergada iyo aqbalaada cabashooyinka sidan oo kale ah ayaa dhaqan ahaan loo arkaa arrin muqddas ah sida ay xusayaan xubno xeer-beegti ah, waxana markaasi ka dib loo daadagaa falan-qaynta iyo faaqidaada sababaha la xariiro dhacdada laga cabanayo ayada oo maraa ka dibna lagu dhaqaaqo xal u helidda mashaakilkaasi.

 

Axmed Maxamed Caafi,

Gedo News Network,

Gedo, Soomaaliya.

 

garbashir1.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this