Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Ending the war with a major war!

Recommended Posts

Dagaalka Beri Ee Muqdisho Oo Ah Mid Kala Bax Ah

 

Mustafe Xaaji, Muqdisho Goobjoog.net (KHAAS)

 

Xoogaga iskacaabinta iyo Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa la filayaa in beri uu dhexmaro dagaal kala bax ah. Ciidanka itoobiya ayaa doonaya in ay u dhaxaysa Xariiryaale iyo 15Mey iyo Wasaarada Gaashaandhiga, halka xoogaga xaq u dirirkana ay doonayaan in ay soo afjaraan wax kasta oo ay ku qaadato goobaha madaafiicda laga soo rido oo ay ugu horayso Villa Somalia. Villa Somalia ayaa afarteeda dhinac waxaa ku gedaaman ciidanka xaq u dirirka iyadoo digniin kama dambays ah la siiyey ciidanka Ugandha ee halkaas ku sugan.

 

Diyaargarowga labada dhinac ayaa meeshii ugu saraysay gaaray iyadoo xoogaga iskacaabinta ay dadwaynaha Soomaaliyeed ka codsaday meelkasta oo ay joogaan taageero maadi iyo macnawi ah. Mid kamid xoogaga oo arrinakaas ka hadlayey ayaa yiri “Ducadda ayaa inoogu daran ee Ilaaheey noo barya in gomadaheenna uu sugo”. Mar aanu wax ka waydiinay in hadii dagaalki dabao dheeraado ay cabsi ka qabaan kala go’o xaga rasaasta ayuu mid ka mid ah xoogaga sheegay in rasaas intii ku filan ay haystaan Soomaaliyana aanan rasaas laga waynaynin, uga danbayna rasaasta cadawga ay tahay mida ay ku xisaabtamayaan. Ragan oo niyadoodu aad u saraysay ayaa sheegay in Taariikhda aysan jirin shacab laga guulaystay iyagoo dalkoodii jooga.

 

“Walaal waxaan ku dhimanayaa in dalkayga difaacayo oo ay diintayda iyo damiirkayga i farayo ee ma ii sheegi kartaa waxa askariga Tigreegu ku dhimanayo” sidaas waxaa yiri mid kamid ah xoogaga xaq u dirirka.

 

“Rasaastan waxaan ka furtay sarkaal Itoobiyaan, runtaan kuu sheegayaa ee walaahi raga tuutaha waa iska xiranyahay magaca ciidankana waa iska wataa ee markii rasaasta isku dhacdo kuligood argagax iyo cabsi ayey la baqdaan. Doolar ayey kuligood wataan oo ay doonayaan in aysan ka dhiman oo dalkoodii kula laabtaan. Doolarkan waa kii canshuurta dekada dadka laga qaadayey ” sidaas waxaa yiri mid kaloo ka mid ah xoogaga xaq u dirirka..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this