Sign in to follow this  
Jumatatu

MP's Arrive in Xamar 'Cadde'

Recommended Posts

Jumatatu   

30 xildhibaan oo uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka oo maanta Muqdisho soo gaaray

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho 30 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka federaalka uuna horkacayo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golahaasi Cusmaan Cilmi Boqorre, waxeyna ka soo dageen garoonka diyaaradaha N0 50 ee gobolka Sh/hoose, halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen qeybo kala duwan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir iyo gobolka Sh/hoose.

Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in ujeedka ay u yimaadeen Muqdisho ay tahay sidii gacan looga geysan lahaa nabadeynta Muqdisho, gogol xaarna loogu noqon lahaa mas’uuliyiinta sare ee dowladda, isagoo tilmaamay in ay ku biiri doonaan wafdiga hordhaca ahaa ee ka tirsanaa baarlamanka federaalka, maalmahanna ku sugnaa magaalada Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayey u noqonaysaa markii 2-aad ee uu Muqdisho soo gaaro, uuna soo hoggaamiyo wufuud noocaan oo kale ah, kana tirsan baarlamanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxaana xubnaha la socday ka mid ahaa C/kariin Axmed Cali, Yuusuf Mire Max’ud (Seeraar), Cali Baashi Xaaji Max’ed, Qamar Aadan Cali iyo xubno kale.

Boqorre waxa uu sheegay in la buun buuniyay khilaafka la sheegayo ee u dhexeeya xukuumadda & baarlamaanka, isla markaasina khilaafka hadda jira uu yahay mid u dhexeeya baarlamaanka iyo xukuumadda lana dhammeyn lahaa haddii madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Max’ed Geeddi ay dib ugu soo laaban lahaayeen magaalada Nairobi, halkaasoo fariisin KMG u ah dowladda federaalka.

Kulanka soo dhoweynta wefdiga ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha & duqa magaalada Muqdisho C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) & Ibraahim Cumar Sebriye (Shaaweeye) oo labaduba sheegay in ay si weyn u soo dhoweynayaan xubnaha dowladda ee maanta Muqdisho soo gaaray.

 

Xildhibaano2.gif

xildhaano1.gif

xildhibaan3.gif

xildhaano.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Xildhibaano ka tirsan DFKMG oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Muqdisho( Sh.M.Network) Qaar ka mid ah mudanayaasha BFKMG ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee No.50 ee gobolka Sh/hoose.

 

Wafdi xildhibaano ah ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhaweynta wafdiga ay ka qeyb qaateen, xildhibano hore u joogay Muqdisho, maamulka gobolka Banadir, Duqa magaalada Muqdisho, ururada bulshada rayidka ah iyo dadweyne aad u fara badan.

 

Xildhibaanada maanta soo gaaray Muqdisho oo gaarayay ilaa 30 xubnood ayaa waxaa horkacayay gudoomiye K/xigeenka 2aad ee golaha Baarlamanka Cismaan Cilmi Boqorre, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Cali Baashir Cumar Rooraaye oo isagu waday qaban qaabada xildhibaanada ay ku imaadeen magaalada Muqdisho, Xildhi, Qamar Cali Aadan, Yuusuf Mire Seeraar, C/kariim Axmed Cali iyo xildhibaano kale oo fara badan.

 

Xildhibanada maanta yimid ayaa waxa ay gogol xaar u yihiin wafdi kale oo la filayo in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedada imaatinkooda lagu sheegay xoojinta xildhibaano hore ugu sugnaa Muqdisho oo ku howlanaa sidii nabad loogu soo dabaalilahaa Muqdisho, isla markaana laga saari lahaa maleeshiyooyinka si dhaqan celin loogu sameeyo meel ka baxsan magaalada.

 

Mudanayaasha maanta yimid waxaa lagu wadaa in ay shir jaraa’id qabtaan oo ay kaga war bixinyaan imaatinkooda magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaanadani ayaa waxaa meesha laga saaray in ay dib ugu laabanayaan magaalada Niarobi ee dalka Kenya, iyagoo qeybka ah baarlamanka qeybihiisa u kala guuraya dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Hore waxaa magaalada muqdisho ugu sugnaa xildhibaano gaaraya ilaa 19, oo qaarkood ay u ambabaxeen qeybo ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya.

 

maalinta sabtida ah ee nagu soo fool leh ayaa waxaa la filayaa tiro kale oo xildhibaano ah in ay u soo ambabaxaan magaalada Muqdisho, iyagoo qeyb ka noqon doona u soo guuritaanka dowladda ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in uu soo horkaco gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan sida ay shabelle u sheegeen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka FKMG ee Soomaaliya.

 

Waxii ku soo kordha kala soco shabelle.net

 

Shabelle Media Network Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this