Sign in to follow this  
General Duke

Gen. Maxamed Cabdi of Mogadishu ciidamo shisheeye talaabo wanaagsan

Recommended Posts

Gen. Maxamed Cabdi oo ku tilmaamay keenista ciidamo shisheeye Soomaaliya talaabo wanaagsan

 

October 24, 2004. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Gen. Maxamed Cabdi oo kamid ah saraakiisha sare ee militaryga Soomaaliya kuna sugan Magaalada Muqdisho, ayaa ku tilmaamay tirada ciidamada shisheeye ee gaareysa labaatanka kun “20,000†ee askari uuna dalbay madaxweynaha dowlada federaaliga ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed, ay tahay xiligan mid ay Soomaalidu u baahan tahay si ay markaa nabadda ugga shaqeeyaan.

 

Gen. Maxamed Cabdi Maxamed oo u waramayey idaacadda HornAfrik ayaa ku tilmaamay dalabka ciidanka tiradooda ay gaareyso labaatanka kun “20,000†ee askari iney Soomaaliya xiligan ugga faa’iideysan karto siyaabo kala duwan, dhaqaale ahaan iyo military ahaanba.

 

Gen. Maxamed Cabdi ayaa dhanka kale saluugay in ciidamada shisheeye ay hormuud u noqdaan amaba ay ku jiraan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo uu ku tilmaamay imaatinkooda Soomaaliya inaaney wax xal ah ku soo kordhineynin xaalada murugsan ee Soomaaliya iney dhibaatada sii kordhiyaan mooyee.

 

Jananka ayaa aragtidiisa ku muujiyey dhaqaalaha ciidankaasi shisheeye lagu bixinayo iney si dadban ugga faa’iideysan karaan ciidamada milatariga Soomaaliyeed, iyadoo dalabka madaxweynaha dowlada federaalka KMG ah uu shaley hal mar ugga dalbaday Midowga Afrika labaatan kun oo askari “20,000†oo shisheeye ah uu ku sheegay iney tahay mid ay soo dhoweynayaan.

 

Gen. Maxamed Cabdi oo sheegay inuu rumeysan yahay ciidanka baxadaasi la’eg iney wax weyn ka qaban karaan dhibaatada afar iyo tobanka sano Soomaaliya ka jirtay, ayaa hddane dhanka kale sheegay iney lagama maarmaan tahay in ciidamada shisheeye aysan iyagu sameynin wax hub ka dhigis ah, hawshaasina ay ugga danbeeyaan ciidamada milataryga Soomaaliyeed, oo ay ka caawinayaan xagga tababarka iyo xaga dhaqaalaha.

 

Wuxuuna jananku ku tilmaamay ciidamadan shisheeye inaaney noqon doonin kuwii UNOSOM oo kale, oo iyagu ahaa kuwo ku ekaa iney caawimada Soomaaliya gacanta ka geystaan, waloow markii danbe ay ku kaceen arrimo kale oo iyagu u gaar ah, taasoo saldhig u aheyd fishilkii ku yimid hawgaladii ciidamadii UNOSOM ee uu Mareykanka hor kacayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this