Sign in to follow this  
General Duke

Banaanbax lagu taageerayo Dawladda cusub oo maanta ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Banaanbax lagu taageerayo Dawladda cusub oo maanta ka dhacay Muqdisho

 

By Dharbaaxo Posted to the web 24-10-2004, 17:09:40

 

Muqdisho:-Waxaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho Banaanbax lagu taageerayo Dawladda FKMG Soomaaliyeed ee lagu dhisay dalka Kenya oo ay ka qaybqaateen dadweyne aad u farabadan,iyadoo isu soo baxaas ay ka soo qaybgaleen Ururada rayidka ah iyo Degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey(firimbi) oo hadal u jeediyey banaanbaxayaashii ayaa u sheegay inay soo dhaweeyaan Dawladda KMG ah ee federaalka Soomaaliyeed ,isagoo muujiyey baahida weyn ee dadka reer muqdisho iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed u qabaan helitaanka Dawlad dhexe oo sugta ammaanka,islamarkaasna ay la shaqeeyaan Dawladda si looga gudbo 13ka sano ee dagaalada sokeeye,loona soo celiyo nadaamkii iyo kala dambayntii.

 

Duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye oo isaguna la hadlay Mudaharaadayaashii maanta ayaa sheegay inay u soo qabanqqabiyeen isu soo baxaan in lagu ayido Dawladda cusub ee u curay Soomaaliya,isagoo intaas raaciyey in dhawaan la magacaabi doono Ra,iisal wasaarihii,islamarkaasna ay ku soo dhaweynayaan Muqdisho,wuxuuna ugu baaqay Hoggaamiyaasha siyaasada ee ku dhaartay inay la shaqaynayaan Dawladda ay ka dhabeeyaan balanqaadkoodii.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Bannaan bax lagu taageerayo dawladda cusub ee Soomaaliya oo maanta ka dhacay magaala madaxda Muqdisho

 

- Sunday, October 24, 2004 at 19:48

 

Nairobi(Allpuntland)-Tan iyo intii la doortay madaxweynaha cusub ee DKMGF ee Soomaaliya ayaa waxaa gudaha dalka Soomaaliya ka imaanayey taageero ay ku muujinayaan dadweynaha kala duwan ee ku sugan gudaha waddanku taageerada ay u hayaan dawladda cusub,iyagoo quudaraynaya inay mar uun arkaan Soomaaliya cusub oo mar kale ku biirta bulshada caalamka oo ay ka maqnaayeen muddo 14 sano ah.

 

Muqdisho oo ahaan jirtey caasimadaha ugu horreeya dhan kasta ganacsi,ammaan iyo quruxba ayaa waxay isu bedeshay meel guud ahaanba burburtay oo aan nololi ka jirin ,iyadoo markii qof la rabo in lagu sheego xumaan la xiriirta nafta bani aadamka oo degdeg loo jaro inuu hammuun u qabo la yiraahdo meesha ma muqdishaad moodey.

 

Madaafiicda goobta ee loogu talagalay in lagu difaaco qaranka Soomaaliyeed ayaa waxay u noqdeen bartilmaameed hooyooyinkii iyo carruurtii Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa magaalada Muqdisho,kuwaasoo u bixiyey madaafiicdaas INDHOOL,kaasoo looga jeedo inuusan kala aqoon maleeshiyo amaba dad ra'yid ah.

 

Haddaba markii dhowaan la dhisay baarlamaanka KMG ,lana doortay guddoomiye,ku xigeenno iyo Madaxweynihii ayaa dadweynaha Muqdisho ku soo dhoweeyeen si kal iyo laab ah maadaama dhibaatada colaadaha sokeeye ay yihiin dadka sida dhabta ah u dhadhammiyey.

 

Bannaan baxyo kala duwan ayaa dhowaan ka dhacay magaalada oo ay sameeyeen ururada bulshada iyo ciidammadii qalabka sidey ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho,kaasoo ay ku muujinayeen sida ay u taageersan yihiin dawladda cusub.

 

Maanta ayaa mar kale xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho xaafadda Xamar weyne waxaa isugu soo baxay dadweyne Soomaaliyeed oo isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaasoo ku dhawaaqayey erayo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin in Soomaaliya dawlad u dhalatay,waxaana bannaan baxaas soo abaabuley maamulka gobolka Banaadir oo halkaas hadal ay ka jediyeen ku sheegay inay soo dhoweynayaan dawladda cusub lana shaqaynayaan.

 

Arrintaan ayaa waxay muujinaysaa sida ay dadka reer Muqdisho uga go'an tahay inay mar kale arkaan magaaladii Muqdisho oo magaala madaxyada kale ee Afrika safka hore ka gasha ,taasoo ku xiran helitaanka dawlad awood leh oo soo celisa ammaankii iyo kala danbayntii,iyagoo rajaynaya in dawladda cusubi ay tahay middii soo celin lahayd si nabad gelyo ah qarannimadii iyo midnimadii dalka,waana ogyihiin dadka reer Muqdisho in wax kasta nabad gelyo lagu xallin karo ee aan cidina hammuun u qabin dhiig kale oo ka dhex daata ummadda Soomaaliyeed ee u baahan in maanta la dabaqabto inta harsan.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was numb on the day of elections to be honest. Now, I can truly feel the diamond of joy in my stomach every time I realize step by step that not just the Somalia we once knew is on the making, but hopefully a better Somalia.

 

It's my own personal promise to leave for Somalia as soon as possible, whem I'm a couple of years older, with a master and some money to contribute to the rebuilding of my country. Of course I will not be coming back to dalka hooyo empty handed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this